WAXBARASHADA

Horudhac

Maqaalkan waxa aan kaga hadlaynaa macnaha guud kelmada waxbarasho, islaamka muu kayiri waxbarashada,ujeedooyinka waxbarasho ee bulshooyinka dunidu ka simanyihiin iyo qaybaha/heerarka kala duwan ee waxbarashada si guud. Waxa kale oo isla maqaalkan aynu ku dhex arki doonnaa qeexitaanada kelmadaha waxbarasho toos ah, waxbarasho dadban iyo waxbarashada furan inaga oo sida oo kale wax ka oran doonna faa’iidooyinka mid waliba leedahay.

Macnaha Waxbarasho

Waxbarashadu waxa ay tahay aqoon kordhinta iyo barbaarinta ubadka. Filisooferkii weynaa ee reer Giriig Aristootal waxa uu ku qeexay kalmada waxbarasho in ay tahay ku tabobarka qof in uu gaaro ama ka miro dhaliyo gaarista ujeedooyinkiisa nololeed isaga oo dhammaan awoodihiisa u adeegsanaya sida ugu habboon dareensanna in uu yahay xubin ka mid ah bulshodeegaan wadaag ah.

Waxbarashadu waa xuquuq aas-aasi ah oo uu qof waliba leeyahay isla markaana ay mudan tahay in qof walba goobtiisa uu ku helo adeeg waxbarasho. Waxbarashadu waa aas-aaska horumarka iyo nolosha taas oo uu qof kastaa u baahan yahay in uu helo waxbarasho, waxaana ay lagama maar-maan u tahay nolosha iyo horumarka qofkasta iyo bulsho kasta, horumarkuna waxa uu ku xiran yahay heerka aqooneed ee qofka iyo bulshada.

Islaamka muxu ka dhahay waxbarashada

Islaamka wuxuu waxbarashada gaarsiiyey heer aysan dastuurada dowladaha iyo xeerarka caalimiga ee xuquuqda insaanka ka hadla ay san gaarsiinin islaamku wuxuu waxbarashada u arkaa in aysan ahayn oo kaliya xaq uu qofkasta lee yahay balse waxbarashadu ay tahay wax  ku waajib ah qof kasta oo muslim ah, taasna waxaa ku tusaayo waxyigii ugu horeeyay ee suubanaha (NNKH) lagu soo dajiyay uu ka hadlaaye akhriska iyo waxbarashada

(ٱقۡرَأۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلَّذِي خَلَقَ (1) خَلَقَ ٱلۡإِنسَٰنَ مِنۡ عَلَقٍ (2) ٱقۡرَأۡ وَرَبُّكَ ٱلۡأَكۡرَمُ (3) ٱلَّذِي عَلَّمَ بِٱلۡقَلَمِ (4) عَلَّمَ ٱلۡإِنسَٰنَ مَا لَمۡ يَعۡلَمۡ (5))

Waxaa kale uu qur’aanka inoo sheegay in aysan sineen kan waxbartay iyo midka aan waxbaran.

(قل هل يستوي الذين يعلمون والذين لا يعلمون)

Islaamka wuxuu waxbarashada dhigay meel aad usarayso isagoo u arkay waxbarashada inay tahay shay aas’aasi u ah horumarka umada.

Ujeedooyinka Guud Ee Waxbarashada

Dhammaan dawladdaha caalamku waxa ay xil weyn iska saaraan horumarinta iyo dib u cusboonaysiinta waxbarashada dalalkooda iyaga oo ujeedooyin kala duwan ka leh. Ujeedooyinka waxbarashada ee bulsho kastaa waxa ay ku soo ururayaan uguna muhiimsani waa kor u qaadida heerka nolosha bulshada ku nool dalka, kobcinta garaadka iyo heerka aqoonta ee bulshada. Ujeedooyinka guud ee waxbarashada waxa ka mid ah:-

  1. Cirib-tirka wax qoris la’aanta, iyo kobcinta garaadka iyo aqoonta iyo ku xeel-dheerida cilmiga sayninka, tiknoolojiyadda, aqoonta maamulka iyo xifradaha aqooneed ee kala duwan.
  2. Ku ‘ababinta ardayda dareen wadinayadeed si ay u yeeshaan qiiro wadaniyadeed, isdhexgal deganaansho iyo hodantinimo.
  3. Helitaanka aqoon, xirfad iyo aqoon lagu ilaaliyo deegaanka si ubadka dambe looga tago dhaxal waara.
  4. Helitaanka xirfado iyo aqoon dhiirigalinaysa koboca dhaqaale, caddaalad, xilkasnimo, iyo qiimeynta aayaha nabada.
  5. Fiiro gaara in loo yeesho horumarinta, fidinta iyo gudbinta aqoonta iyo waxbarashada.
  6.  Soo saarida qof muslim wanaagsan ah, kana dhisan dhinacyada maskaxda, ruuxda, fikirka, jidhka iyo aqoonta diinta, kaasi oo si laxaad leh uga qayb qaadan kara horumarinta qoyska, bulshada iyo qaranka. (Deegaan muslim ah)
  7. In la siiyo mudnaanta waxbarashada aasaasiga ah, iyada oo lagu fidinayo gobollada, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka oo dhan
  8. In kor loo qaado daacadnimada, isku tashiga, isu dulqaadashada, iskaashiga, isxilqaanka, laab-xaadhnaanta, runsheegga, isdhalliilka fikirka ku dhisan caddaalada, xaq soorida iyo nabadda.

Akhrinta iyo ogaanshaha qodobadani waxa ay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhiirigalinayaan in ay si fiican u fahmaan ujeedooyinka asalka ah ee waxbarashada laga leeyahay, isla markaana waxa ay bulsho kasta ujeedooyinkani farayaan in qof waliba dhankiisa ka qayb qaato hirgelinta, sii wadida iyo ka shaqaynta gaarida ujeedooyinka. Gaarida ujeedoyinkan waxa uu xil ka saaran yahay dawladda, wasaarada waxbarashada, barayaasha, ardayda, waalidiinta iyo Dhammaan bulshoweynta qaranka, qof waliba qayb ayuu ka yahay, waxa uuna kaga beegan yahay meel.

Qaybaha Waxbarashada

Waxbarashadu waa ay kala heerar iyo qaab duwan tahay, iyada oo heer waliba leeyahay ujeedooyin u gaar ah iyo hab lagu gaari karo ujeedooyinkaa oo u gaar ah dalka.

Si guud waxbarashada waxa loo kala qaybiyaa saddex, waxaana ay kalayihiin:-

B. Waxbarashda tooska ah. (Formal education)

T. Waxbarashada dadban. (Informal education)

J. Waxbarashada furan. (Non-formal education)

Waxbarashada Tooska Ah (Formal Education)

Waxbarashada tooska ahi waa waxbarasho ku dhisan nidaamka heerarka waxbarashada sida heerka koowaad, heerka labaad iyo heerka saddexaad. Waa waxbarasho leh ujeedooyin qeexan iyo jidka lagu gaarayo ujeedooyinkaa sida manhajka, muddada, iyo qaabka qiimeynta imtixaanka. Waxbarashada tooska ahi waxa ay leedahay heerar kala duwan sida aynu kor ku soo xusnay, waxaana ay kalayihiin heerarkani:-

  1. Dugsiyada xannaanada carruurta. (Kindergarten schools)
  2. Heerka koowaad. (Waxbarashada hoose/ dhexe)
  3. Heerka labaad. (Waxbarashada dugsiga sare)
  4. Heerka saddexaad. (Tacliinta sare oo lagu nidaamiyo xeer u gaar ah)

Faa’iidooyinka Waxbarashada Tooska Ah

  1. Ardaydu waxa ay aqoon ka helaan waxna ka bartaan barayaal leh aqoon iyo xirfad tayo badan.
  2. Waa hab qorsheysan lehna ujeedooyin, manhaj, wakhti iyo barayaal fuliya.
  3. Imtixaano, qiimeyno iyo dabagal heerka kororka aqoonta ee ardayda ayaa la sameeyaa wakhtiyo badan si loo ogaado horumarka aqoonta ardayda.
  4. Waxbarashada tooska ahi waxa ay ardayda siisaa aqoon ka caawisa in ay ku shaqaysan karaan waxa ay barteen.
  5. Ardaydu waxa ay qaataan shahaadooyin muujinaya nooca aqoonta iyo heerka uu ardaygani soo dhameeyay.

Waxbarashada Dadban (Informal Education)

Waa waxbarasho nidaamsan oo loogu talo galay dadka waaweyn ama carruurta ay u suurto gali waydo waxbarasho toos ahi. Waa waxbarasho dabacsan dhinaca qeexidda ujeedooyinka, qaabka maamulka, muddada, qiimeynta iyo shurruudaha lagu dhammaynayo, waana in ay ahaato mid ku habbooon ardayga, una adeegta baahidiisa.

Faa’iidooyinka Waxbarashada Dadban

  1. Waxa ay u suurto galisaa qofka kor u qaadida awoodiisa aqooneed iyo farsamo.
  2. Waxa ay ardayga siisaa waxbarasho aasaasi ah iyo xirfad uu ku shaqaysan karo.
  3. Waxa ay kor u qaadaa akhriska iyo qoraalka.
  4. Waxa ay qofka siisaa aqoon uu ku sii wadan karo waxbarashada.

Noocyada Waxbarashada Dadban

  1. Akhris qorista
  2. Waxbarasho guud oo ka saraysa akhris qorista, lehna heerar kala duwan.
  3. Xirfad barasho.

Waxbarashada Furan (Non-Formal Education)

Waa hab aqoon kororsi aan lahayn wakhti, manhaj, bare iyo goob waxbarasho oo u gaar ah. Qofku waxa uu wax ka bartaa deegaanka uu ku nool yahay iyo bulsho weynta ay deegaan wadaagayihiin. Waxa uu qofku wax ka baran karaa ama aqoon ka korodhsankaraa goobaha bulshadu ku kulanto.

Faa’iidooyinka Waxbarashada Furan

  1. Waa aqoon kororsi aan ku xirneyn da’ ama manhaj u gaar ah.
  2. Waa fursad dhammaan cid kasta oo si gaar ah u daneysaa ay si fudud ku heli karto isla markaana ku kordhin karaan heerka aqoontooda.
  3. Ma jiraan qiimeyno wakhtiyaysan muhiimad badanna ma laha bixinta shahaadooyin tilmaamaya nooca aqoonta.

Xigasho: Hiil Bare , Farxan C. Muxumed

Fadlan lawadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *