Hordhac

Qofkii ugu waxsoosaarka badnaa ee dunida soo maraa waxa uu ahaa Nabi Maxammed (SCW). Ruuxdiisu waxa ay ahayd mid waxsoosaar leh ‘xiriirka isaga iyo Alle ka dhexeeya’.

Bulshada dhexdeedana waxa uu ahaa mid waxsoosaar leh, 23 sano gudahood ayuu kaga tagay dunida saamayntii ugu weyneyd ee abid qof sameeyo. Mar kasta oo waxsoosaar laga hadlayo, cidda ugu horreysa ee maankeenna kusoo dhacaysaa waa Nabi Muxammed (SCW).

WAA MAXAY WAXSOOSAAR?

Qeexitaan: Si fudud haddii aynu u dhigno, waxsoosaarku waa ‘waxa soo baxay oo ka batay wixii la geliyay’ ama: dheefta aad heshay oo ka badata wixii aad hore u bixisay. Intee in le’eg ayaad ka heshay wixii aad gelisay.

Tusaale: haddii aad saddex saacadood geliso si aad ugu guulaysato hawl ay ahayd in ay kugu qaadato lix saacadood, farsamo ahaan waxaad tahay mid waxsoosaar sare leh; laakiin qeexiddaasi waxay u maqal egtahay mid ku habboon warshad marka loo eego qofka.

Waxaan doorbiday in aan habkan u qeexo waxsoosaarka:

Productivity = Focus × Energy × Time

Waxsoosaar = foogganaanta × tamarta × waqtiga

Si aad u noqoto qof waxsoosaar leh, waxaad u baahan tahay saddex curiye oo kala ah: foogganaan, tamar iyo waqti.

Haddaad ku fooggantahay hal shay, waqtina aad hayso, laakiin aanad hayn tamar, waxaad noqonaysaa mid aad u daallan oo aan firfircooni lahayn, taasi waxay carqalad ku noqonaysaa hawsha aad qaban lahayd. Haddaad hayso tamar iyo waqti badan, laakiin aanad ku foogganayn hal meel, waxaad noqonaysaa qof si joogto ah u mashquulsan, adiga oo ka boodaya shay una boodaya mid kale, awoodna aan u lahayn in aad

Dhamayso hawlahaaga. Haddaad hayso tamar, fooganaantuna kuu saxantahay, laakiin aanad waqti hayn, waxaad si fudud ku noqonaysaa mid aan waxsoosaar lahayn. Sidaas daraaddeed, waxsoosaarku waa shaqada saddexdaa curiye oo la isku daray.

Qeexitaankani waxa uu kaa caawin doonaa in aad isla markiiba fahanto, sababta aad u tahay qof aan waxsoosaar lahayn waqti kasta. Waa in aad naftaada weyddiisaa; “ma waxaan ahay qof aan firircoonayn, qof aan fooganaantiisu saxnayn, mise waxaan ahay qof degdegaya?.”

Jawaabta kuu soo baxdaa waxay kuu sheegi doontaa qaybta ay tahay in aad ka shaqaysiiso, tamarta, foogganaanta mise waqtiga si aad u horumariso waxsoosaarkaaga.

Maqaalkani dhammaantii wuxuu ku saabsan yahay in la fahmo sidii aynnu u maarayn lahayn tamarteenna, foogganaanteenna iyo waqtigeenna, si ay inoogu horseeddo nolol waxsoosaar leh, iyo sida Islaamku inoogu caawin karo kor u qaadista saddexdaa curiye.

Digniin yar!

Dadka ciyaara fiidiyow games-ka, ‘video game players’ waxay hayaan foogganaan, tamar, iyo waqti, shaqada ay qabanayaan ee ah ciyaarista games-ka, ma waxaynnu u tixgelinaynaa mid waxsoosaar leh? Warcelintu waa ‘maya’.

Tani waa sababta aan qeexitaanka sare ugu daray qayb yar oo xasuusin ah, oo aan u iri “waxsoosaarku waa, fooganaanta x tamarta x waqtiga, kuuwaasi oo kuu jihaynaya “yool waxsoosaar sare leh.” Waxa waajib ah in uu jiro shay miro dhal ah oo aad rabto in aad gaarto, waxsoosaarku ma noqon karo in aad raacdayso ujeeddo wax la’aan ah.

Haddii aan dib u sheego qeexitaanka: Waxsoosaarku wuxuu ku saabsanyahay doorashooyin maan-gal-ah (si joogto ah loo samaynayo) adiga oo kaashanaya tamartaada, foogganaantaada iyo waqtigaaga si aad sare ugu qaaddo kartidaada oo aad u gaarto natiijooyin waxtar leh.

Maxaan waxsoosaar ahayn?

Mararka qaar way fududdahay in aad qeexdo shay haddaad fahanto caksigiisa.

Halkan waxaan ku soo gudbinayaa afar male-awaal oo dadka badankoodu ay aamminsanyihiin, kuna saabsan waxsoosaarka taasi oo aan doonayo in aan caddeeyo billowga hore ba:

  1. Waxsoosaarku ma aha in la mashquulsanaado

waxaad noqon kartaa qof maalinta oo dhan mashquulsan, laakiin waxa laga yaabaa in aanad waxsoosaar lahayn. Sidee? Adig oo si fudud ugu luminaya tamartaada, foogganaantaada iyo waqtigaaga raacdaynta waxyaabo aan maangal ahayn sida: kulammada dadka, wicitaannada taleefoonnada, iyo iimaylada aan wax qiimo ah ku soo kordhinayn noloshaada ama aan kuu dhowaynayn hadafyadaada.

Xaqiiqdii, waxaa lagu doodaa in qofka waxsoosaarka lihi uu yahay mid mashquul yar oo diiqad yar. Qofka waxsoosaarka lihi shay kasta wuxuu ku qabtaa xilligii uu u qorshaystay, kadibna si deggan oo bilaa werwer ah ayuu u nastaa. Waxa uu kala ogyahya xilliga ay tahay in uu nasto iyo xilliga ay tahay in uu si adag u shaqeeyo.

  1.  Waxsoosaarku ma aha dhacdo

Wuxuu leyahay qoraaga buuga “ The productive Muslim” Marka aan siminaarrada qabanayo waxaan ku kaftamaa in subaxdii marka aad soo kacdo aanad si dhakhso ah u gaarayn wixii aad hiigsanaysay: ka dibna aanad oranayn maanta waxsoosaar ayaan leeyahay!” Waxsoosaarku waa hab-raac, waqti qaadanaya. Waa in aad si maalinle ah u samayso doorashooyin wanaagsan oo maangal ah, ilamaa ay caadooyinka faa’iidada kuu lihi noqdaan kuwo aan la beddeli karin waxsoosaarkuna uu noqdo hab nololeed.

  1. Waxsoosaarku ma aha caajis

Dadku waxay u maleeyaan noqoshada qof waxsoosaar leh, macnaheedu in uu yahay in aan la daawan TV-ga, Facebook la isticmaalin, asxaabta aan bannaanka loo raacin, ama in aad qaadato waqti wanaagsan; taasi run ma aha.

Waxsoosaarku waa kala ogaanshiiyaha goorta aad nasanayso iyo marka ay tahay in aad si adag uu shaqayso. Waxay ku salaysan tahay in aad qaadato go’aanno maangal ah.

  1.  Mar kasta waxsoosaar leh ma noqon kartid mid

Mid ka mid ah caqabadaha ay dadku la kulmaan marka la joogo waxsoosaarka ayaa ah in si joogto ah loo ilaaliyo, wax qabad joogto ah oo waxsoosaar leh.

Wuxuu leeyahay qoraaga buuga “ Muslimka Waxsoosaarka leh “ Waxaan farriimo ka helaa dadka ka cabanaya in ay waxsoosaar leeyihiin hal toddobaad ka dibna ay wahsi ama caajis bilaabayaan labada toddobaad ee xiga. Ama kuwo waxsoosaar leh dhowr saacadood maalintii, saacadaha kalena caajisnimo saa’id ah dareemaya. Inta badan waxay dareemaan niyadjab, waxay ka welwelaan in ay wax ka qaldan yihiin iyaga.

Waxa jira dariiqooyin lagu ilaalin karo heer cayiman oo waxsoosaar leh maalintaada ama noloshaada, waxase aan kuu sheegayaa weligaa ha u malayn in aad tahay mashiin si joogto ah ugu shaqaynaya xawaare sare, heer waxsoosaar sare leh. Mashiinka laftiisu wuu jabaa hadduu si joogto ah ugu socdo xawaare sare!

Xigasho:Buuga.The productive Muslim : Maxamed Faaris

Cabdikhaalaq Galab

Fadlan lawadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *