Hordhac

Bani’aadamku wuxuu leeyahay baahiyo aan dhammaad lahayn halka kheyraadka (resources) uu yahay mid xaddidan oo limit leh Farqigaas ayaa keenay in la abuuro cilmiga loo yaqaan Dhaqaalaha halka luuqada qalaadna lagu dhaho (Economics) si loo fahmo sida kheyraadka yar Ioogu adeegsan karo si caqli iyo nidaam leh, Ioona daboolo baahida dadka.

Dhaqaalaha waa la taaban karaa nolol maalmeed kasta, laga bilaabo sida qofku u maareeyo dhaqaalaha gurigiisa ilaa sida dowladuhu u maamulaan dhaqaalaha qaranka.

Culimo iyo qoraayaal badan ayaa qeexay dhaqaalaha, balse qeexitaannada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:

Adam Smith (Aabbaha Dhaqaalaha Casriga ah) wuxuu ku qeexay:”Dhaqaaluhu waa cilmi daraaseeya sida dadka wax u helaan loona qaybsado hantida iyo adeegyada bulshada.”

Lionel Robbins wuxuu ku qeexay: “Dhaqaaluhu waa cilmiga daraaseeya sida dhaqanka aadanaha uu u yahay xiriir ka dhexeeya baahida aan dhammaadka lahayn iyo kheyraadka xaddidan oo leh isticmaal kala duwan”.

Hadan soo koobno: Dhaqaalaha waa cilmi daraaseeya sida bulshada iyo dadka u maareeyaan kheyraadka xaddidan si ay ugu daboolaan baahiyahooda aan dhammaanayn.

Dhaqaalaha waxa loo qaybiyaa laba waaxood oo waaweyn

  1. Dhaqaalaha Gaarka ah  (Microeconomics): Waxa uu daraaseeyaa dhaqaalaha heer qof iyo shirkad sida:
    • Go’aamada macaamiisha (consumers).
    • Go’aamada shirkadaha (firms).
    • Suuqyada iyo qiimaha (market & price).
  2. Dhaqaalaha Guud (Macroeconomics): Waxa uu daraaseeyaa dhaqaalaha guud ahaan ee qaranka sida:
    • Shaqo la’aanta (unemployment).
    • Sicir bararka (inflation).
    • Kobaca dhaqaalaha (economic growth).
    • Siyaasadda dowladda (fiscal & monetary policy).

Erayo Aasaasi ah oo Dhaqaalaha Ku Xiran

  • Scarcity (Yaraanta kheyraadka): Kheyraadku waa yar yahay, sida dhulka, shaqaalaha
  • Choice (Xulashada): Maadaama kheyraadku yar yahay, qofku wuxuu ku qasbanaanayaa inuu doorto mid ka mid ah rabitaankiisa.
  • Opportunity Cost (Qiimaha Fursadda la seegay): Waa waxa aad ka tagto markaad doorato wax kale.

Sababta Loo Baranayo Dhaqaalaha

  1. lnaad barato sida loo maareeyokheyraadka yar.
  2. lnaad fahanto sababta qiimuhu isu beddelo.
  3. lnaad ogaato sida dowladdu u maamusho dhaqaalaha qaranka.
  4. lnaad u diyaar garowdo xirfado suuqa shaqada lagaga baahan yahay.
  5. lnaad noloshaada gaarka ah iyo tan bulshada uga faa’iidaysato.

Ugu Danbeyn Dhaqaalaha waa mid ka mid ah culuumta ugu muhiimsan ee go’aamisa nolol maalmeedka qofka iyo qaranka. Fahamka dhaqaalaha waxa uu qofka siinayaa aragti qoto dheer oo ku saabsan sida loo maareeyo hantida, loo qorsheeyo mustaqbalka, loona yareeyo khasaaraha.

Cutubka xiga waxaan ku soo qaadan donaa Asalka iyo Taariikhda Dhaqaalaha si aan u aragno halka uu ka soo bilowday iyo culumadii horumariyay.

Qoray: Abdirizak Ibrahim

Fadlan lawadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *