Salaaddu, waa xiriirka maalinlaha ah ee aynnu la leennahay Alle.

Salaaddu kaliya malaha faa’iidooyin ruuxeed, sidoo kale waxay leedahay faa’iidooyin maskaxeed, caafimaad iyo kuwo shucuureed.

Maalmahan, waxa jira cilmi-baarisyo badan oo ku saabsan awoodda ku jirta in qofk naftiisa la kaliyoobo iyo siday kor ugu qaadi karto qofka caafimaadkiisa, maalkiisa iyo fayo-qabkiisa guud,Waxa laga yaabaa in aanay wanaagsanayn in la is barbar dhigo salaadda iyo habka kalinimada oo ah mid uu qofku maskaxdiisa kaga ilaalinayo fikirka badan,Si kastaba ha ahaatee, salaaddu way ka macno ballaarantahay habkaa uu qofku naftiisa kula kaliyoobayo. Salaaddu waa cibaado awood leh oo isku xira curiyayaal kala duwan, ficillo badan ayay hal cibaado isugu keentaa, waxay leedahay dhaqdhaqaaq jireed, xasillooni iyo fikir maskaxeed oo qoto dheer. Waxay leedahay cod dheer oo macaan iyo sidoo kale cod hoose oo xambaarsan khushuuc.

Ka hor inta aanad salaadda bilaabin, waxaad ubaahantahay in aad is nadiifiso (wayso), waxa kale oo iyana muhim ah nadiifinta maskaxda inta lagu jiro salaadda. Waxa loo tukan karaa kali ama koox, in kasta oo ay dheef dheeraad ah leedahay marka jamaca lagu tukado, waxay hagaajinaysa xiriirka bulshada.

Dhammaan qodobbadaa oo laysku daray, waxay salaadda ka dhigayaan cibaado xoog badan oo ka duwan waxa bini’aadamku u yaqaanno kalinimada ama in qofku naftiisa la kaliyoobo.

Aynnu si qoto dheer u falanqeynno qaybo ka mid ah salaadda si aynnu isugu xirno salaadda iyo tamarta ruuxeed.

Waqtiga:

Waxa la ina amray in aynnu shan jeer tukanno, maalin kasta, ilaa aynnu ka dhimanayno. Xilliyada salaadahani waa subax, duhur, galab, gabbal-dhac iyo habeenkii ‘salaadda cishe’. Waqtiyadani waa kuwo xiiso leh sababta oo ah waxay si habboon innooga caawiyaan nidaaminta maalinteenna waxsoosaarkeenna iyo maareynta

Waxaynnu u kacnaa salaada subax (fajar), taasi oo innaga saacidaysa in aynnu ka faa’iidaysanno saacadaha hore ee maalinteenna,Waxaynnu tukannaa salaad kale oo ku beegan xilliga duhurkii marka aynnu tukanno ka dibna waynnu qadaynaa maaddaama oo lagusoo daalay shaqada ama waxbarashada, Salaadda saddexaad waxay timaadaa casar dambe (casarka), waxaad ka helaysaa tamartaaada ugu danbaysa ee aad ku noqonayso mid waxsoosaar leh inta ka hadhsan maalintaada.

Ka dibna waxa imanaysa salaadda qorrax dhaca (maqrib), waxay kuu tilmaamaysa in maalintaadi dhammaatay iskuna diyaariso in aad nasato. Waxa ku xigta salaadda Cishe waxay maalintaada ku soo gabagabaynaysaa niyad wanaag.

Buugga la yiraahdo Uncertainty, ee uu qoray Jonathan Fields wuxuu ka hadlayaa awoodda cibaadada iyo caadooyin la sameeyo waqtiyo goonni ah kuna dhex jira maalinteenna iyo siday innooga caawiyaan ku noolaanshaha nolol hal abuur leh.

Wuxuu yiri, “Ficilka muuqda ee la xiriira cibaadada iyo caadooyinka joogtada ah wuxuu u shaqeeyaa sidii barroosin la isku hallayn karo.” Barroosinku waa hab-dhaqan ama hab-raac noloshaada kusoo kordhinaya shay lagaranayo isku halaynna leh, goortii laga yaabo in aad dareento in aad ku wareegayso jihooyin kala duwan.

Tani waa aragti macno leh hadaad ka fakarayso, muhiim maaha halka aynnu nolosha kaga jirno ama halka aynu maraynno, Saaladdu waxay ku siinaysaa hubanti iyo fursad aad naftaada uga riixayso nolosha aan la hubin miriro yar,Waxay dib kuugu celinaysaa adduun tamar cusub leh.

Waysada (is daahirinta):

Waysadu, waa is nadiifin cibaado ah oo shardi u ah salaadda, Waa in aad dhaqdo gacmahaaga, wejigaaga, iyo cududahaaga, adiga oo masaxaya madaxaaga iyo dhegahaaga, waxa ku xigta in aad dhaqdo cagahaaga. Waysada waxaad ka helaysaa nasasho badan, jir ahaan iyo ruux ahaanba! Marka la dhammeeyo waysada, qofku wuxuu ku sugan yahay xaalad uu nadiif yahay, wuxuu diyaar u yahay in uu la kulmo oo hor is taago rabbigii. Nebi Muxamed (SCW) wuxuu innagu dhiirigaliyay in mar walba uu qofku ku sugnaado xaalad wayso qab ah. Nabi Muxamed (scw) Wuxuu yidhi:

(لا يُحَافِظُ عَلَى الوُضُوءِ إِلَّا مُؤْمِنٌ)

“Waysada ma ilaaliyo, qof mu’min ah mooyaane.” Ibnu Maajah.

Mar kasta oo aan dareemo caajis, hoosayn, ama aanay niyaddayda ku jirin in aan shaqeeyo, waan kacaa ka dibna waan waysaystaa. Isla markiiba waxay igu abuurtaa firfircooni, waysadu kaliya ma aha in aad wejigaaga iyo addimadaada biyo ku shubtid, balse waxay saameyn ku yeelanaysa ruuxdaada, Waxay la mid tahay aniga oo isu diyaarinaya in aan la kulmayo Alle aniga oo ku guda jira shaqadayda, iyo anoo dadka ku dhex jira. Waysadu waxay si buuxda u beddeshaa maskaxdeenna,Islaamku wuxuu ina barayaa in waysadu aanay keliya saamaynaynin xubnaha dibadda ee la nadiifinayo, balse ay sidoo kale saamayn ku leedahay nadiifinta ruuxda gudaha.

Waxa sidaasi ku sugan tahay xadiiskan:

عن أبي هريرة أن رسول الله ﷺ قَالَ: إِذا توضأ الْعَبْدُ الْمُسْلِمِ، أَو الْمُؤْمِنُ فَغَسَلَ وَجْهَهُ خَرَجَ مِنْ وَجْهِهِ كُلُّ خطيئة نظر إِلَيْهَا بعينهِ مَعَ الْمَاءِ، أَوْ مَعَ آخِر قَطْرِ الْمَاءِ، فَإِذَا غَسَل يديهِ خَرج مِنْ يَدَيْهِ كُلُّ خَطِيئَةٍ كَانَ بطشتها يداهُ مَعَ الْمَاءِ أَو مَعَ آخِرٍ قَطْرِ الماءِ، فَإِذَا غسل رجليْهِ خَرَجَتْ كُلُّ خَطِيئَةٍ مشتها رجلاه مَعَ المَاءِ أَوْ مَعَ آخِر قَطْرِ الْمَاءِ حَتَّى يَخْرُجُ نَقِياً مِنَ الذُّنُوبِ. رواه مسلم

Abuu Hurayra waxa laga wariyay in nebi Muxamed (SCW) yiri: “Marka uu waysaysto adoonka muslimka ah ama mu’minka ah ee uu wajigiisa dhaqo, waxa kasoo baxaysa wajigiisa dambi kasta oo uu ku eegay indhihiisa, (biyaha uu wajiga ku mayray ayuu lasoo dhacayaa [dambigii uu indhaha ku eegay]), ama dhibicda biyaha u danbaysa ayuu lasoo dhacayaa, marka uu mayro labadiisa gacmood, waxa kasoo baxaya dembi kasta oo ay gacmihiisu sameeyeen, ama dhibicda biyaha u dambaysa ayaa lagaga tirtirayaa, marka uu labadiisa lugood mayro waxa kasoo baxaya dembi kasta oo cagihiisu u socdeen, ama dhibicda biyaha u dambaysa ayaa lagaga mayri doonaa, ilaa uu baxo isaga oo saafi ka ah dambiyadii [uu sameeyay]. – Muslim

Bal qiyaas tamarta ruuxeed ee aad dareemayso marka aad ogaato in dembiyadaada la mayro marka aad samaynayso waysada, gabi ahaanba dib ayay kuu cusbooneysiinayaan.

Sida aynu arki karno, xiriirka ka dhexeeya salaadda iyo waxsoosaarka waxa loo qaabeeyay in uu noqdo mid saamaynaya labada dhinac. Dedaalka aynnu ku bixinayno in aynnu sii xoojinno xiriirka aynnu la leenahay Alle kaliya ma dhameystirmi doono ee waxa la socda abaalmarin.

Marka aynnu u go’no dareenkeenna, ficilladeenna iyo maskaxdeenna salaadda, waxaynu noqonaa kuwo dib loo cusboonaysiiyay, iyaga oo hufan, haystana barako iyo tamar ruuxeed weyn,taasi ma ah wax kadis ah!

Talooyin dhaqan gal ah

Had iyo jeer ka warhay waqtiga salaada:

Ha ku mashquulin dalabaadka adduunka kaaga imanaya,haddaad ku nooshahay waddan muslimiintu u badanyihiin,ama aag aad ka maqli karto aadaanka salaadda taasi way kuu fududdahay, haddii aanad ku noolayn waddan muslim ah ama aanad ka shaqayn meel u dhow masaajid aad ka maqlayso aadaanka, waxaan kugula talinayaa in aad xirato saacadaha dhawaqa leh ee waqtiga salaad kasta aad ku buuxsan karto, waxay noqon kartaa saacadda xafiiskaaga ama saacadda gurigaaga/jalaska mobile-kaaga, mar kastana qorshaha noloshaada waa in ay salaaddu ku jirto. Waqtiga salaadda, ha ballansan shirar ama hawlo kale.

Had iyo jeer ahow qof wayso qaba:

Markaad musqusha ka soo baxdo, samee wayso qaadasho, maalintaada oo dhanna ahaw mid nadiif ah hadday suurtogal kuu tahay.

Haddaad u baahantahay in aad ogaato waxyaabaha buriya waysada waxaad ka tixraaci kartaa kutubta fiqhiga ah ama website-ka iyo meelaha kale ee wax lagu qoro ayaad ku baari kartaa waxyaabaha buriya waysada.

Xigasho: Buuga.Muslimka waxsoosaarka leh.. Maxamed Faaris

Cabdikhaalaq-Galab

Fadlan lawadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *