2222222
download 2025 09 01t204741.830

Waddada ugu habboon ee aynnu u mari karno qaabaynta nolosheennu waa in aynnu ka shaqaysiinno nafteenna oo aynnu meesha ka saarno fadhi-ku-dirirka iyo raaxo-jacaylka. Kala-duwanaashiyaha ka muuqda natiijooyinka dadku ay ka helayaan shaqooyinka ay qabanayaan waxa ay ka dhalanayaan kala-duwanaashaha qaabka ay u qabteen shaqada hortooda taalla, marka la isbarbar dhigo sida aad u shaqaynayso iyo sida ay u shaqaynayaan dadka sida hawlkarka leh u shaqeeyaa. Dulucda hadalku waa in aynnu xakamaynno ficilladeenna joogtada ah marka aan doonaynno in aynnu hoggaanka u qabano nolosheenna.

Waa maxay weerta adduunyada dhaqaajisaa?

Waxa laga yaabaa in aad la yaabto su’aashan, laakiin haddii aad garato jawaabta su’aashan, waxa aad haleelaysaa qiimaha ay leedahay  kelmaddan dhaqaajinaysa adduunyadu, waana shaqo, ama waxqabad (action).

Ammaanta loo jeedinayo dadka shaqaynaya ee wax qabanayaa waxa ay ku sugan tahay Quraanka kariimka ah. Ilaahay Weyne SWT waxa uu yiri:

وَقُلِ اعْمَلُوا فَسَيَرَى اللَّهُ عَمَلَكُمْ وَرَسُولُهُ وَالْمُؤْمِنُونَ ﴾ [التَّوْبَة١٠٥ [

Alle sarreeye waxa uu yiri (Shaqeeya Ilaahay, rasuulkiisa iyo muuminiintuba way arkayaan shaqadiinna’e.)

Hadalka aan wadanin wax ficil ahi waxba kama beddelo xaaladda nololeed ee lagu jiro, hadii aan lagu darin ficil iyo waxqabad.

Himilada iyo riyooyinka quruxda badan ee qofka u muuqdaa waxa ay iska ahaadaan dhalanteed iyo muuqaallo ku kaydsan maskaxda oo aan u soo bixin iftiinka shaqada iyo waxqabadka inta aan loo rogin waxqabad la taaban karo. Ilaahay Weyne wuu dhalleeceeyay gabyaaga, waayo; waxa ay ku tiraabaan wax aanay fulinayn oo aanay qabanayn.

وَأَنَّهُمْ يَقُولُونَ مَا لَا يَفْعَلُونَ ﴾ [الشُّعَرَاء : ٢٢٦]

Alle sarreeye waxa uu yiri (gabyaagu waxay yiraahdaan wax aanay samaynayn)

Riyooyinka aanay la socon waxqabad iyo halgan waa himilada dadka saboolka ka ah nolol wanaagsan.

Ninkii isdhigtaa dhashiisuu gadaa. Labalabaynta iyo go’aan-la’aantu waa labada caado ee dila fursad kasta oo ugub ah. Imisa fursadood ayaa kugu soo maray noloshaada oo aad walaac ka muujisay u-kicitaankooda iyo ka-faa’iidaysigooda, ka dibna aad raacday hirarka dabaylaha ee kala duwan?

Miyaanad arkaynin in badan oo dadka ka mid ah, waxaba laga yaabaa in uu yahay aabbahaa ama adeerkaa amaba isla adigaba, waxa uu xasuusanayaa waayo waayo, waxa uuna leeyahay: “wallee dhulka jagooyinkiisa iyo boosaskiisu waxa ay ahaayeen mid aad u jaban, lacagna waan haystay waagaa, haddii aan berigaa iibsan lahaa waxa aan maanta noqon lahaa dadka malaayiinta haysta!” Hadalkaasi waa sax ! in isbadalka noocaas ahi yimaadana waxa u sal ahaa laba arimood:

  1. In aanay jirin wax kalsooni maalgashi ah oo ku saabsanaa maalgashiga dhulka.
  2. Tan kalena waa dibudhigga, werwerka, walbahaarka, iyo in aanay jirin qorshayaal cadcad oo maaliyadeed oo qofkaasi uu lahaa.

Boqolkii laba 2% keliya oo dadka ka mid ahi ay fikiraan, fuliyaanna wixii ay ka fikirayeen, halka ay 3% moodayaan in ay fikiraan, waxba se aanay samayn ama aanay isku dayin fulinta wixii ay ku fikirayeen, halka 95% ay ka doorbidayaan fikirka in ay dhintaan! haddaba, adigu qaybtee ayaad ku jirtaa?

download 2025 09 01t204814.778

Weli se hore ma u maqashay maahmaahda ah dameeri dhaan raacday?” waa maahmaah dulucdeedu ay tahay in dadka badankiisu ay iska raacaan xaaladda hadba inta ku xeerani ay iskaga jirto, isaga oo aan tiisa gaarka ah qiimaynayn, una fikirayn.

Haddaba waxaas oo caddaymo ah dabadeed, haddii aad doonayso guul waxku-ool ah, hadalkaaga iyo fikirkaagaba ku xir ficiliyo waxqabad, iskana jir dibudhigga iyo meermeerka, waa labada shay ee dila furasadaha rejada muuqata.

Waxa aynnu ku daraynaa intaas, in saamayn weyn ay ku yeelan doonto waxqabadkaaga hadba inta aad joogtayso ee aad caado uga dhigato sannadaha soo socda ee noloshaada. sidaa darteed ayaynu wax uga tilmaami doonnaa muhiimadda ay caadooyinkaagu kugu leeyihiin marka aad ku socoto waddada xorriyadda dhaqaale.

Fadlan lawadaag Asxaabtaada
One thought on “Muhiimada Ficilka”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *