FinanceFinance

Hordhac

Si loo fahmo dhaqaalaha, waa in marka hore la barto mabaadi’da aasaasiga ah ee uu ku dhisan yahay. Mabaadi’dani waa qawaaniinta iyo fikradaha guud ee hagaya dhaqaalaha, kuwaas oo ka muuqda suuqyada, qiimaha, iyo go’aamada dadka iyo dowladaha.   

Cilmi-baarayaashu waxay yiraahdaan: “Qofka fahma mabaadi’da dhaqaalaha wuxuu fahmay 70% waxa dhaqaalaha ka jira

Mabaadi’da ugu muhiimsan ee Dhaqaalaha

  1. Bixinta iyo Baahida (Supply and Demand).   
  2. Qiimaha iyo Isu-dheelitirnaanta (Price and Equilibrium). 
  3. Kheyraadka iyo Xulashada (Scarcity and Choice).
  4. Fursadda la seegay (Opportunity Cost).
  5. Suuqyada iyo tartanka (Markets and Competition).

Bixinta iyo Baahida (Supply & Demand)

Baahida (Demand): Baahidu waa tirada badeecad ama adeeg ah ee macaamiishu diyaar u yihiin inay iibsadaan qiime cayiman.

Sharciga Baahida (Law of Demand):Markay qiimuhu hoos u dhacaan, baahiduna way kordhaysaa. Markay qiimuhu kordhaan, baahiduna way yaraataa.

Waxaa la yiraahdaa waa xiriir liddi ah (inverse relationship).

Tusaale: Haddii qiimaha kiilada sonkorta uu hoos uga dhaco $2 ilaa $1.5 dad badan ayaa iibsanaya.

Bixinta (Supply): Bixintu waa tirada badeecad ama adeeg ah ee shirkaduhu diyaar u yihiin inay suuqa keenaan ayna ku kenan qiime cayiman.

Sharciga Bixinta (Law of Supply): Markay qiimuhu kordhaan, shirkaduhu waxay suuqa keenaan badeeco badan. Marka uu qiimuhu hoos u dhacaan, waxay yareeyaan bixinta ama badeecada.

Waxaa la yiraahdaa waa xiriir togan (positive relationship).

Tusaale: Haddii qiimaha kiilada masagada uu kordho $1 ilaa $2, beeralay badan ayaa suuqa keenaya masagada.

Qiimaha iyo Isu dheelitirnaanta (Price and Equilibrium)

Qiimaha (Price): Qiimuhu waa Iacagta lagu beddelanayo badeecad ama adeeg. Waa fariin suuqa dhexdiisa ka dhalata oo ka tarjumaysa xiriirka u dhexeeya bixinta iyo baahida.

Isu dheelitirnaanta (Market Equilibrium): Waa barta ay baahida iyo bixintu isugu yimaadaan. Qiimaha meeshaas ka dhasha waxaa lagu magacaabaa Equilibrium Price, halka tirada lagu iibsanayo ama lagu iibinayo loo yaqaan Equilibrium Quantity.

Tusaale:Haddii qiimaha uu aad u sarreeyo waxaa jirta badeeco badan (surplus).

Haddii qiimaha uu aad u hooseeyo waxaa jirta baahi badan (shortage).

Qiimaha suuqa wuxuu isku hagaajiyaa meel ay labada dhinac is waafaqaan.

Kheyraadka iyo Xulashada (Scarcity and Choice)

Scarcity (Yaraanta): Kheyraadku waa yar yihiin, sida dhulka, shaqaalaha, caasimadda, iyo hal-abuurka. Baahiyaha dadka waa badan yihiin, taasina waxay abuurtaa doorashooyin adag.

Choice (Xulashada): Maadaama kheyraadku xadidan yahay, dadka, shirkadaha, iyo dowladuhuba waa inay doortaan sida ugu fiican ee ay u adeegsan karaan.

Tusaale: Haddii dowladdu leedahay $100 milyan, ma ku dhistaa waddooyin mise waxay ku maalgelisaa waxbarashada? Doorashadu waxay leedahay fursad la seegay.

Fursadda la Seegay (Opportunity Cost):

Fursadda la seegay waa qiimaha waxa aad ka tagto markaad doorato wax kale.

Tusaale:Haddii ardaygu go’aansado inuu hal sano shaqeeyo halkii uu waxbaran lahaa, fursadda uu seegay waa aqoonta iyo shahaadada uu heli lahaa.

Fahamka fursadda la seegay waa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee go’aannada dhaqaale.

Suuqyada iyo Tartanka (Markets and Competition)

Suuqa (Market): Suuqu waa meel ama nidaam ay isugu yimaadaan iibiyaha iyo iibsadaha si ay badeecad ama adeeg uga bedeshaan qiime.

Noocyada Suuqyada.

  1. Perfect Competition (Tartanka Dhamaystiran): Badeecooyin isku mid ah, shirkado badan.
  2. MonopoIy (Kelitalis): Hal shirkad oo kaliya ayaa suuqa maamusha.
  3. OligopoIy: Shirkado tiro yar ayaa suuqa wada leh.
  4. MonopoIistic Competition: Badeecooyin kala duwan iyo shirkado badan.

Tusaale: Suuqa khudradda waa tartan dhamaystiran, Shirkadda biyaha magaalada waa monopoly.

Ugu Danbeyn Mabaadi’da aasaasiga ah ee dhaqaalaha waa sida “Iaf dhabarka” cilmigan Fahamkooda wuxuu qofka siinayaa awood uu ku fahmo:

  1. lsbeddelka qiimaha.
  2. Qiimeeyo sida suuqu isu hagaajiyo.
  3. Garto sababta ay dowladuhu u sameeyaan doorashooyin dhaqaale.
  4. Yareeyo khasaaraha fursadaha la seegay.

*Fiiro gaar ah: Cutubkan wuxuu dhidibada u taagayaa fahamka dhaqaalaha, wuxuuna u gogol xaarayaa cutubyada xiga ee ka hadli doona sida macaamiisha, shirkadaha, iyo dowladuhu u qaataan go’aannada dhaqaale, ee lasocod wanaagsan qaybta xigta.

Waxa Qoray: Abdirizak Ibrahim

Fadlan lawadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *