KELI KUMA AHA!Muslim couple newlywed looking at each other bridegroom clothing apparel.

Waxa jiri jiray nin aamminsanaa in ay dumarka kale oo dhami ka fiican yihiin xaaskiisa oo uu ku khasaaray xulashadeedii. Runtii waa dhaqan jira oo ay ka siman yihiin rag badan oo aamminsan in ay u dhexeen ooriyihii ugu xumaa adduunku! Hadalka oo kooban ninkii baa u tegay ayeeydii oo ah waayeel uu aad u jecel yahay, isla jeerkaasna uu ku kalsoon yahay taladeeda; waayo waa waayo arag muddo dheer soo noolayd, xaalado badanna u soo joogtay. Ninkii ayaa uga warramay ayeeydii dhibka uu la nool yahay, qodobka ugu mudanina waa in ay xaaskiisu tahay gabadha ugu liidata dumarka adduunka. Ayeeydii murtida badnayd waxay doontay halkii ay hadal iyo waano tiro beela uga jeedin lahayd wiilkeeda in ay barto cashar muhiim ah, sheekadan baana dhexmartay:

Ayeeyo: wiilkaygiyow aynu wada qadayno maanta.

Ninkii: waqti ma hayo oo laba saac baan kula joogayaa.

Ayeeyo: ima khusayso. Ayeeydaa baa kula hadlaysa ee maqal!

Ninkii: haye. Waan kula qadayn, laakiin aan la xiriiro hotel inoo keena qado ama aynu isku raacno goobta cuntada.

Ayeeyo: ha la xiriirin huteel, ismana raacayno.

Ninkii: haye. Laakiin.

Ayeeyo: wiilyahow ha ila murmin, anigaa inoo karinaya e’.

Ninkii: kulama doodayo, balse dhibkaan kuu diidayaa ayeeyo!

Ayeeyo: hadalka jooji. Sidaan kuu sheegay, anigaa karinaya.

Ninkii: waa hagaag. Amarkaagaa jira ayeeyo.

Ayeeyo: wax kasta oo aan kariyo cun, waxna ha iga weyddiin!

Ninkii: wada amarro ayaad tahay ayeeyo.

Ayeeyadii: haa; waayo waxaad tihiin fac aan waxba qaadan.

Wilkii iyo ayeeydii baa qoslay, kaddibna way kacday; si ay u soo diyaariso qado, isna mobilkiisa ayuu adeegsanayay, Ku dhowaad saacad baa tagtay. Waa tan ayeeyadii oo sidda saxan ay ku soo ridday qadadii. Arrinka layaabkii ma aha saxanka, balse waa cuntada ku jirta; waayo waxay ku soo ridday ukun ay u samaysay midabyada: huruudda, casaanka, buluugga iyo cagaarka.

Wiilkii baa doonay in uu ayeeydii wax ka wayddiiyo sababta ay midabbadan ugu yeeshay ukunta, balse markay dareentay in uu hadal maaggan yahay, ayay ku tiri: aamus ku cun kuma oran.

Wiilkii: laakiin, waxba kuma wayddiin, mana hadal.

Ayeeyadii: hadal baad maagganayd. Ha isku deyin khiyaamo!

Wiilkii: waxaan doonayay war, balse waan aamusayaa!

Ayeeyadii: sidaas samee.

Wiilkii wuxuu bilaabay in uu cuno ukuntii. Dhadhankiisu waa sidiisii hore oo waxba iskama beddelin. Waa maxay midabbadani? Su’aashan ayaa ka dhex guuxaysay. Haddaba amminkii uu cunay ukuntii ayuu ku yiri: ii oggolow inaan wax ku weyddiiyo!

Ayeeyadii: layaab ma jiro, laakiin waa cashar nololeed.

Wiilkii: cashar nololeedaa!

Ayeeyadii: haa, waa cashar nololeed.

Wiilkii: sidee ayeeyo?

Ayeeyo wiilkaygiyow i dhegayso: dumarka guryaha jooga waa sida ukuntan. Dushaad ka fiirinaysaa, dabadeeto waxaad u malay-naysaa in ay kala duwan yihiin, laakiin kolkaad qolofka ka qaaddo, way siman yihiin! Waxaad aamminsan tahay dumarka kale in ay ka fiican yihiin xaaskaaga maxaayeelay oogada sare ayaad ka fiirisay, dabadeeto waxu ku dhakray midabbada iyo qolofka sare.

I rumayso wiilkaygiyow, dheddigga iyo labku gudaha way ka siman yihiin. Haa, dadku waxyaabaha qaar waa ay ku kala duwan yihiin, balse waxa jira astaamo ka dhexeeya jinsi kasta. Waxaynu aamminsannahay in ay dadka kale inaga duwan yihiin; waayo wali ma aynu tijaabin, mana aynu la dhaqmin. Casharkan ma fahantay? Wiilkii baa yiri: haa ayeeyo. Ayeeyadii ayaa tiri: tag gurigaaga, xaaskaaga ilaasho, hana hilmaamin dumarka oo dhami in ay yihiin ukun siman!

Akhriste, xusuusnow casharka ay bixisay ayeeyadani oo ka mid ah casharrada ugu muhiimsan; waayo waxaa jira dhufsane yare ay wadaagaan labada jinsi! Xusuusnow oo yaanu ku dagin ukuntu!

# Xigasho: Dhiganaha “Raga oo Kaliya” Dr.Ad’ham sharqawi

Fadlan lawadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *