
Shaqaale bangi ayaa dareemay isku buuq iyo walaac daran oo ka dhashay shaqadii uu sida maalinlaha ah uga qaban jiray bangiga. Nin ay saaxiibbo yihiin ayaa kula taliyay in uu u tago dhakhtar ku takhasusay cilminafsiga. Shaqaalihii muddo ayuu ka warwareegay, balse feker iyo ka fiirsasho dheer kaddib, wuxuu go’aansaday in uu tago dhakhtar bulshada dhexdeeda caan ka ahaa. Dhakhtarkii baa uu la xiriiray, waqti buu ka qabsaday, markii uu u tegay ee ay kulmeenna sheekadan baa dhexmartay:
Dhakhtarkii: maxaad ka shaqaysaa?
Shaqaalihii: shaqaale bangi baan ahay.
Dhakhtarkii: xaaskaagu maxay qabataa?
Shaqaalihii: ma shaqayso, balse hawlaha guriga ayay qabataa!
Dhakhtarkii: adiga iyo ubadkaaga yaa idin toosiya hiirta hore, kaddibna idiin diyaariya quraacda?
Shaqaalihii: xaaskayga; waayo ma shaqayso.
Dhakhtarkii: goormaad toostaan adiga iyo afadaadu?
Shaqaalihii: toddobada subaxnimo ayaan kacaa, iyaduna shanta, kaddibna waxay diyaarisaa ubadka illayn ma shaqaysee.
Dhakhtarkii: ubadkaaga yaa geeya dugsiga?
Shaqaalihii: xaaskayga, illayn ma shaqaysee.
Dhakhtarkii: maxay qabataa markay ka soo noqoto ubadka? Adigu se maxaad qabataa waqtigaas?
Shaqaalihii: toos ayay u timaaddaa guriga, kaddibna hawlaha sugaya sida: dhaqidda weelka iyo dharka, nadiifinta dhulka, karinta cuntada iyo soo iibinta alaabaha looga baahdo guriga ayay qabataa. Intaa kaddib, dugsigay aaddaa; si ay u soo kaxayso ubadka, illayn ma shaqaysee. Aniguna shaqadaan ku jiraa ilaa afarta galabnimo.
Dhakhtarkii: maxaad qabataa markaad ku soo laabato guriga? Sidoo kale ooridaadu maxay ku hawllan tahay?
Shaqaalihii: qadada kaddib waan yara nastaa; waayo shaqada bangigaa aad u badan, xaaskayguna ubadkayaga ayay la akhridaa casharrada, kaddibna way i toosisaa; si aannu u wada shaahno!
Dhakhtarkii: casarka kaddib, maxaad qabataan?
Shaqaalihii: wargeysyadaan isha mariyaa, TV-ga wararka dunida ayaan kala socdaa, xaaskayguna cashada ayay diyaarisaa, kaddib weelkay dhaqdaa, gurigay nadiifisaa, ubadkana jiif bay u diyaarisaa.
Dhakhtarkii: toddobaadkii ma leedahay fasax?
Shaqaalihii: haa, maalinka Axadda.
Dhakhtarkii: xaaskaagu ma leedahay fasax?
Shaqaalihii: maya; sababta oo ah maba shaqayso!
Kaddib markii aad akhriday sheekadan, fiiri naftaada haddii aad isku aragti iyo fahanba tihiin shaqaalahan xaaskiisa u arka bilaa camalka, si degdeg ah isku dawee; waayo ma jirto aragti ka liidata in aynu fahanka shaqada ku soo ururinno lacag keliya.

Fiiri noolayaasha kugu hareeraysan! Shay kastaa mushahar la’aan buu ku shaqeeyaa. Qorraxdu dadka hortii ayay soo baxdaa, dayaxu habeen oo dhan ayuu bilaash ku iftiimiyaa dhulka, dhirtuna mushahar kuma qaadato miraha ay bixiso. Shinnidu bilaash ayay ku bacrimisaa ubaxay ka samayso malabka. Shimbiruhu mushahar la’aan ayay ku heesaan. Dibidu mushahar la’aan ayay ku qodaan beeraha, lo’duna lacag la’aan bay ku bixisaa caanaha aynu dhanno. Xitaa bakteeriyada ilimaqabatayda ah baa qabata shaqo argagax leh, la’aanteedna ma sii socoteen noloshani; waayo Qorraxda ayaa joojin lahayd shaqadeeda, dayaxaa noqon lahaa camal la’aan, shinniduna way iska duuli lahayd.
“Shay kasta oo nooli shaqo ayuu hayaa, kaalin baanu kaga beegan yajay noloshan. Dumarkuna waa insaan inoo haya mid ka mid ah shaqooyinka ugu qaalisan; waayo lama soo helayo wax ka weyn oo ka qaalisan dhisidda insaankan uu Alle maamuusay!”
Saaxiib, shaqadu ma aha tacabka ku xiran saacadaha la isla og yahay ee uu qofku u shaqeeyo si joogta ah, wixii ka soo haraana ma aha shaqo la’aan. Kani waa qeexitaanka xamaalashada! Ma shaqo la’a gabadha sida shinnida oo kale uga shaqaysa guriga maalinkii 24 saac, toddobaadkiina toddoba maalmood in kasta oo aanay haysan shaqo ay ku qaadato mushahar! Saaxiib, shaqadu ma aha ta ku xiran waajibaad gaar ah oo uu guto qofku, si uu uga helo lacag Qeexitaankani waa qayb ka mid ah micnaha xamaalashada! Gabadha ubadkeeda wax ku barta gurigeeda, ta xannaanaysa ilmaheeda xanuunsan, ta wanaagga farta ubadka ka gaabiyay cibaadada, ta barbaarisa noolayaasha yaryar ee siday ugu baahan yihiin cunnada iyo cabitaanka qaab la mid ah ugu baahan qiyamka sare iyo akhlaaqda suubban, khabiiradda dhaqaale ee qorshaysa mushaharkaaga yar iyo lataliyaha hanuunisa bulshada iyo ubadku markay korayaan, way shaqaynaysaa walow aanay ku qaadan mushahar rasmiya!
