ISMAANDHAAFKU WAA LAMA HURAANISMAANDHAAFKU WAA LAMA HURAAN

Waxa jirtay sheeko bari hore dhacday gabar sanniftay ninkeedii oo go’aansatay in ay iska furto. Sheekhii tuulada ayay u tagtay; si uu uga furo ninka. Sheekhii baa dareemay in ayna jirin xaalad ay isku furi karaan oo ay arrimuhu iska caadi yihiin, sababaha ay sheegtayna ay ka jiraan guri kasta. Wuxuu ogaaday gabadhani in ayna haysan waayo’aragnimo ku filan oo aanay ku dhex milmin bulshadeeda! Sheekhii wuxuu isku deyay in uu qanciyo; hase yeeshee way ku sii adkaysatay hadalkii!

Wadaadkani waa murtimaal waayo badan u soo joogay. Wuxuu doonay in uu gabadhan siiyo cashar nololeed maadaama oo aanu hadal waxba ka tarayn. Wadaadkii: waan kaa furayaa, haddii aad ii keento khubus/rooti laga sameeyay daqiiq/bur!

Gabadhii: codsigan iyo arrinkayga maxaa iska galay?

Sheekhii: waa codsigayga keliya!

Gabadhii: sow intaas uun ma aha! Maantaad iga helaysaa.

Sheekhii: shardi kale ayaa ii weheliya?

Gabadhii: waa maxay?

Sheekhii: alaabaha aad ka samaynayso khubusta/rootiga, waa in aad ka soo ururiso ologgaaga/deriskaaga.

Gabadhii: sheekhow, waligay waxba ma aan wayddiisan; waayo waannu ladan nahay oo Alleba nooma baahin jaarkayaga.

Sheekhii: si kasta oo ay kuugu adag tahay, waa waajib.

Gabadhii: amarkaagaa jira sheekh!

Gabadhii waxay gudagashay in ay u soo ururiso alaabtii ay ka samaynaysay khubusta. Deriskii kowaad ayay u tagtay, waxaanay wayddiisatay daqiiq yar.

Gabadhii deriska: waa iga diyaar qaaliyeey, hase yeeshee adiga oo raalliya, miyeydaan ladnayn oo haysan daqiiq badan?

Gabadhii: haa, alxamdullillaah. Waannu haysannaa.

Gabadhii deriska: haddaa maxaad ku falaysaa?

Gabadhii: sheekha tuuladaa iga diiday in uu iga furo ninkayga haddii aanan u samayn khubus, waxaanu i faray in aan jaarka ka soo qaato waxyaabaha aan ka samaynayo.

Gabadhii deriska: oo maxaad iskaga furaysaa ninkaaga?

Gabadhii waxay bilawday inay uga sheekayso sababta ay iskaga furayso ninkeeda. Gabadhii deriska oo la yaabban baa u sheegtay in aanay waxba dhaamin oo ay isku mid yihiin!

Gabadhii daqiiqdii ayay soo qaadday, deriskeedana waxay uga mahadcelisay daqiiqdii iyo waliba sidii gobonnimada lahayd ee ay u dhegaysatay. Shaqadii ayay sii wadday oo ilaa shan guri ayaa ay weyddiisatay, isla sheekadii hore ayaana dhexmartay oo gabadh kastaa waxay ku lahayd: waxba isma dhaanno!

Haddaba amminkii ay soo heshay alaabihii ay ka samaynaysay cuntada ayay garwaaqsatay ninkeedu in uu ka mid yahay dadka. Cuntadii ay diyaarisay ayay u geysay sheekhii tuulada, balse waxay ku tiri: sheekhow, waan iska haysanayaa ninkayga!

Sheekhii tuulada oo dhoollacaddaynaya ayaa gabadhii weyddii-yay sababta? Waxay tiri ninkaygu waxba kama duwana ragga! Sheekhii baa yiri: inantaydiiyeey, baahi uma qabo cunto, laakiin waxaan doonayay in aad gasho guryaha deriska oo aad soo ogaato!

Miyaanay ahayn sheeko weyn oo ay ku jiraan casharro aan lagu baran jaamacadaha?! Waxaa laga yaabaa in ayna jirin sheekadani, balse waxaa muhim ah casharkan: ma jiro guri aanu ismaandhaaf ka jirin in kasta oo ay kala heerar yihin

Sheekadan iyo kuwa badan oo la mid ah xitaa haddii aanay dhab ahayn toos baa loo arkaa! Waxaa la iswayddiinayaa sida ku cad sheekadan, sow mar walba dumarku ma aha dhibbanayaal?  Waa maya, sheekadanina waxay tibaaxday in ay dhibaatooyinku ka dhacaan guri kasta, haddii loo baahdana waynu samayn karnaa sheeko la mid ah oo uu ninku dhibbane ka yahay!

Ismaandhaafka lammaanuhu waa shay dabiiciya oo ay keenaan duruufaha nolosha iyo baahiyaha ciidda iyo camaarkaa ka badan, xiriirna lama laha jacaylka lammaanaha! Haa, jacaylku wuxuu ka mid yahay xalalka ugu  muhiimsan ee lagu maareeyo dhibaat-ooyinka qoysaska, waanu u baahan yahay guri kasta, laakiin xitaa dadka is jecel baa marar badan ismaandhaafa!

Weli ma sawiratay ismaandhaafku in uu ka dhaci karo guryaha anbiyada?! Waxaa laga yaabaa in aad la yaabban tahay hadalkan oo aad isweyddiinayso: ma guryaha anbiyadana? Haa, waa sidaas! Axmed, Nisaa’i, Abu Daa’uud iyo Dahabi waxay wariyeen: in uu Abu Bakar ka codsaday Nebiga in uu u soo galo; waayo wuxuu maqlay Caasha oo kor u hadlaysa. Wuxuu doonay in uu feero inantiisa oo wuxuu ku yiri: mar dambe yaanan ku arkin adiga oo cod sare kula hadlaya ergeyga Alle. Nebiga ayaa ka qabtay Caasha. Abu Bakar oo caraysan baa ka baxay gurigii. Dabadeeto Nebiga ayaa yiri: “ma arkaysay sidii aan kaaga badbaadiyay ninkii!” Maalmo ayaa uu maqnaa Abu Bakar. Dabadeeto Nebiga ayaa uu weyddiistay oggolaansho. Wuxuu arkay iyaga oo heshiiyay, kadd-ibna wuxuu ku yidhi: nabadgelyadiinna iiga qaybgeliya sidaad iiga qaybgeliseen dagaalkiinnii. Nebiga ayaa yiri: waannu samaynay, waannu samaynay!

Hooyo Caasha waxay ka mid tahay haweenka ugu imaanka badan, haddana waa insaan iyo oori, Suubbanuhuna waa ergeygii Alle iyo qofkii ugu qiimaha badnaa ee dhulkan kor socday, balse aakhirka waa insaan iyo oday. Falkanina wuxuu ahaa ismaandhaaf ka dhex dhacay nin iyo xaaskiisii. “Dhibka ina haystaa waa in aynu raadinno lammaane aan qaldamin, taasina ma dhacayso oo muran iyo ismaandhaaf way jirayaan!

Sheekadan waxa ku jira cashar mihiim ah oo aynu ku maarayn karno murannada qoyska. Rasuulku ma garaacin xaaskiisii, umana oggolaan in uu aabbaheed ku hor dilo oo ay dareento liidnaan, balse wuu difaacay oo wuxuu u sheegay sidii uu uga riday aabbaheeda iyo in ay agtiisa qaali ka tahay oo aan la taaban karin. Waa in aynnu si dhab ah u barannaa qaabka aynu isku khilaafayno iyo sidaynnu u heshiinaynaba!

Geesigu wuxuu soo baxaa xaaladaha adag ee ismaandhaafka; sidaas darteed waa inaad naftaada u diyaariso sidii aad uga hortegi lahayd ismaandhaafkan iyo loollankan, waana wax iska caadiya.

Kuma talaxtegayo hadalkan haddii aan iraahdo marar badan ismaandhaafku waa u dawo nolosha qoyska, laakiin waa kolka la ilaaliyo aadaabta khilaafka. Waa marka aan bannaanka la keenin wixii qarsoonaan jiray, meelna aan lagaga dhicin sharafta qofka; waayo biyaha fadhiyaa way ajoobaan, ismaandhaafkuna waa biyo soconaya oo ka dhex qaadaya qashinka. Ismaandhaafku waa sida milixda oo badideedu way xumaysaa cuntada, yarideeduna dhadh-an iyo macaan ayay u yeeshaa cuntada

Warka oo kooban, ismaandhaafku wuu dhacayaa, balse waxa lagu kala tegay maaraynta.

wargays ayaa weyddiiyay lammaane: sideed isku qabteen 65 sano? Islaantii baa tiri: waxaannu ka mid nahay fac haddii uu shay ka xumaado hagaajista oo aan tuurin.

Ragow, xikmadda islaantan ku dhaqa noloshiinna oo wax kasta oo idinka xumaada hagaajista, ooriyihiinana haysta; waayo qofka xortii waa ka guda abaalkii loo soo galay ilbidhiqsina ha ahaadee. Walaashayeey, haddii aad akhrido murtidan, ku dhaq noloshaada oo ninkaaga ilaasho, wixii kaa xunna hagaajiso; waayo guurku ma hanaqaado haddii aanay lammaanaha oo wada jiraa hareeraha ka joogsan iyagoo ka dhawraya wixii ku keenaya dhaawac, dhib iyo dhegxumo. Gacmaha isqabsada oo si wada jir ah u dhaqaaqa.

Xigasho buuga Raga oo kaliya

Fadlan lawadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *