ISKA ILLOW INAAD YOOL CALAAMADSATO OO DIIRADDA SAAR INAAD NIDAAM DHISATO
2222222

Murti caanbaxday ayaa oranaysa, sida ugu wanaagsan ee aad ku gaari karto wax kasta oo aad nolosha rabto-ha ahaato inaad ganacsi weyn samaysato, inaad jirkaaga qaabayso, inaad werwerka yarayso, inaad qoyskaaga wakhti fiican la qaadato iyo wax kasta oo kaleba e-waa inaad calaamadsato yool aad ka miradhalin karto.

Wakhti badan ayaa anaga naftayna hab-fikir noocan ah ku maamulaynay caadooyinkayna. Caado kastaa waxay noo ahayd yool ay tahay in aan gaarno. Dhibcaha aan rabno inaan keenno imtaxaannada, waxaan ka dhiganay yool gaar ah. Yool kale waxaan ka dhiganay inaan jirkayna qaabeeno oo aan jiimka tagno. Mid kalena waxaa noo ahaa ganacsiga aan rabnay inaan abuuranno. Yoolalkan badankeena waan kuguuldarraysannay. Ugu dambaynna waxaan xaqiiqsanay in aanay natijada noo soo baxday xiriir la lahayn yoolka aan dejisanay ee ay gebigeeduba ku xiran tahay nidaamka aan ku dhaqano

Waa maxay farqiga u dhexeeya yoolka iyo nidaamku?

“Yoolku waa natiijada aad rabto inaad gaarto, nidaamkuna waa jidka aad rabto inaad natiijadaas ku gaarto.”

Haddii aad tobabare u tahay koox ciyaareed, waxaalaga yaabaa in yoolkaagu noqdo inaad ku guuleysato horyaalka. Bal se nidaamku waa sida aad u safto ciyaartoyda, sida aad u soo iibsato kuwooda wax ka tari kooxda, sida aad u maamusho gacanyarayaashaada iyo sida aad u alamiitaysiiso kooxda.

Haddii aad tahay halabuur ganacsi, waxaa laga yaabaa in yoolkaagu noqdo inaad dhisto ganacsi malaayiin doollar ah. Bal se nidaamkaagu waa habka aad u fahamto nooca badeecadaha ee kaa iibsamaya, sida aad u xulato shaqaalaha iyo sida aad suuq-geynta u samayso.

Weydiinta xiisaha lihi waxay tahay: Haddiiba aad meesha ka saarto yoolka oo aad nidaam dejisato, ma guuleysanaysaa? Tusaale ahaan, haddii aad tobabare u tahay koox ciyaareed oo aad meesha ka saarto inaad ku guuleysato koobka horyaalka ah, ka dibna aad diiradda saarto hawlaha maalinlaha ah ee ay kooxdaadu qabanayso, miyaad ku guuleysan kartaa horyaalka?

Waxay ila tahay inaad guuleysanayso.

Yoolka ciyaaruhu waa inaad gaarto natiijada ugu wanaagsan, bal se doqonniimo ayay noqonaysaa haddaad wax kasta ka bilow do inaad tirsato uun goolalka.

Sida keliya ee aad guul run ah ku gaari kartaa waa inaad maalin walba ka sii wanaagsanaato maalintii hore.

Bil Woosh, oo ah tobabare saddex jeer ku guuleystey billadda Super Bowl ee dalka Maraykanku, wuxuu yiri “Haddii aad kooxda dhisto, natiijadu iyadaa iskeed isu keenaysa.” Waa murti lagu dabbaqi karo dhinac kasta oo nolosha ah. Haddii aad rabto natiijo wanaagsan, iska illow inaad yoolal dejisato Keliya diiradda saar nidaamka aad raacayso.

motivational composition for goal achievement premium photo

Maxaan uga jeedaa? Yoolku ma macnela’aan baa?

Dhab ahaan maya.Yoolku wuxuu kuu cayimayaa jihada aad u dhaqaaqayso, bal se nidaamku waa jidkii aad u mareysey jihadaa. Mushkilado badan ayaa ka dhasha marka aad wakhtigaaga ku lumiso inaad ka fikirto yool uun, isla markaana aanad xisaabtaba ku darsan inaad nidaamkaaga qaabayso. Mushkiladaha ka dhasha aynu taxno:

Mushkiladda #1: Waa isku yool guuleystayaasha iyo guuldarraystayaashu

Yoolku wuxuu dhibbane u yahay eex. Marka aynu aragno qof guuleystey, si aynaan lafagurin ayaynu u aaminnaa in qofkan guushiisa uu sabab u ahaa yool uu dejistay. Waa eex, waayo xisaabtaba kuma aynu darsan boqollaalkii qof ee la yoolka ahaa, bal se iyagu aan u guuleysan sidiisa.

Qof kasta oo ka qaybgala ciyaaraha Olambikadu wuxuu rabaa inuu ku guuleysto billadda dahabka ah. Qof kasta oo shaqadoon ahi wuxuu rabaa inuu ku guuleysto shaqada uu soo codsaday. Haddii markaa dadka guuleystey iyo kuwa aan guuleysani ay yool qura wadaagaan, waxa kala duwayaa ma aha yoolka ay ka siman yihiin.

Baaskiiladyahannadii Ingiriiska, sababtii ay ugu guuleysteen tartankii Tour de France ama ay kaalmaha sare uga galeen tartammadii baaskiiladuhu ma ahayn yool ay dejisteen. Beryihii ay guuldarrada joogtada ah kala kulmi jireen tartannada baaskiiladaha, waxaa u calaamadsanaa inay gaaraan yoolka ah inay guuleystaan, si la mid ah sida uu baaskiiladyahan kastaa ugu fikirayey isla yoolkaa. Mar walba yoolkan way rabeen. Markii keliya ee ay natiijadu isbeddeshay waxay ahayd markii ay dhaqangeliyeen nidaam uu aasaaskiisu ahaa horumar yar oo joogto ah.

Mushkiladda #2: Inaad yool astaysaa waxa keliya ee ay beddeshaa waa daqiiqaddaas aad joogto

Bal qiyaas adiga oo dhex fadhiya qol isku dhex daadsan oo uskag ah, ka dibna aad yool ka dhigato inaad habayso oo aad nadiifiso. Haddii aad isu wada geyso tamartaada oo aad qolki hagaajiso, wax yar ka dib qolku wuxuu isu beddeli nadiif. Haddii se aad ku celiso isla ficilladii keenay inuu qolkaagu isku dhex daadsanaado, wax waliba halkoodii bay ku soonoqon doonaan, adiguna waxaad raadin doontaa tamar kale oo aad ku hagaajiso qolka iyo weliba dhiirrigelin. Mar walba waxaa kugu soo noqnoqanaysa natiijo isku mid ah, waayo ma aad beddelin nidaamkii keenay natijadan. Waxaad daweysey astaamihii cudurka, halkii ay ka ahayd inaad cudurka qudhiisa daweyso.

Inaad yool astaysataa noloshaada waxay beddelaysaa uun daqiiqadda aad joogto. Waa xaalad lid ku ah horumarinta naftaada. Waxaad iska aamineysaa inay tahay inaad natiijada beddesho iyada oo aanay mushkiladduba natiijada ahayn. Waxa runta ah ee ay tahay inaynu beddelnaa waa nidaamkii ay natijadani ka dhalatay. Horumarku waa inaad mushkiladda xalliso adiga oo wax ka beddelaya nidaamka aad u nooshahay. Marka aad nidaamka hagaajiso, natiijadu iskeed ayay u hagaageysaa.

behind every challenge lies an opportunity to learn and grow we embrace obstacles as stepping stones to greatness! #learningandgrowth #continuousimprovement

Mushkiladda #3: Yoolku wuxuu xaddidayaa farxaddaada

Caadiyan, yoolkaaga waxaad ku dhistay hab-fikir ah: “Marka aan yoolkan gaaro ayaan farxi doonaa.” Mushkiladda uu hab-fikirkani leeyahay waa inaad farxaddaadii hakisay ilaa iyo aad ka gaareyso yoolkaaga. Marar badan oo aan tiro lahayn ayaan dabinkan ku dhacnay. Sannado badan ayay farxaddu noo ahayd wax aan mustaqbalka u dhiganay. Waxaan naftayna kula ballanay inaan farxi doono uun marka aan dhiso 10kg oo muruqyo ah ama uu ganacsigaynu ka soo muuqdo bogagga hore ee wargeyska caanka ah ee New York Times.

Waxaa intaa dheer in yoolku isbarbardhigo laba doorasho oo iska soo horjeeda. Tusaale ahaan: ama yoolkaaga ayaad gaari oo waad guuleysan, ama waad gaariwaayi oo waad guuldarraysan, waanad quusan. Waa marinhabaabin.

Inta badan isma waafaqaan jidka aad ugu talagashay inaad ku gaarto yoolkaaga iyo jidka aad nolosha caadiga ah qaaddaa. Markaas waxaa macnela’aan ah inaad farxaddaada u lumiso yool keliya oo aad waddooyin badan oo kala duduwan ku gaari karto.

Dawadu waa in halkii aad yoolka ka soo saaran lahayd shirka hore ee maskaxdaada, aad ku beddelato nidaam.

Marka aad jeclaato nidaamka aad raacayso ee aad iska illowdo yoolka, uma baahnid inaad naftaada siiso oggolaanshaha farxadda. Waxaad farxi kartaa mar kasta oo aad aragto nidaamkii aad naftaada u dhistay oo shaqaynaya. Nidaamkuna siyaabo kale duduwan ayuu u guuleysan karaa oo aan ahayn keliya sidii aad markii koowaad sii sawiratay.

Mushkiladda #4: Yoolku wuxuu caqabad ku yahay horumarkaaga wakhtiga fog

Mushkiladda u dambaysaa waa in haddiiba aad yoolkaagii gaarto aad joojinayso horumarkii. Tusaale ahaan, orodyahanno badan ayaa si xooggan u tobabarta bilo, bal se isla markay ku guuleystaan tartankii orodka ayay joojiyaan tobabarradii ay qaadan jireen. Ma jiro tartan dambe oo ku dhiirrigelin kara inay tobabartaan. Marka dedaal kasta oo aad bixisay uu ku jaango’naa yool keliya, maxaa ku dhiirrigelin kara haddiiba aad yoolkii gaarto? Sababtan aw geed ayay u dhacdaa in dad badani dib ugu noqdaan caadooyinkoodii xunxumaa, marka ay yoolkooda gaaraan.

Sababta yool loo dejistaa waa in lagu guuleysto ciyaarta, bal se sababta aad nidaam u abuuranaysaa waa inaad ciyaarihii sii waddo.

Maskaxda sida runta ah uga fikiraysa mustaqbalka fogi iskuma mashquuliso yool gaar ah. Mustaqbalka fogi wuxuu u baahan yahay horumar iyo saxartir joogto ah. Marka la soo ururiyo, sida aad daacad ugu tahay nidaamka aad dhisatay ayuun baa go’aamineysa horumarka aad gaar eyso.

Fadlan lawadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *