Hordhac
Maamulida iyo gacan ku haynta ardayda iyo xaaladaha fasalka waxa saamayn weyn ku leh habdhaqanka iyo ka falcelinta dhaqanada ardayda ee baraha. Baruhu waa in uu yahay bare diyaarsan, sita qaab qoraalka casharkiisa (Lesson plan) garanaya oo ay u qeexan tahay daqiiqad kastaba hawsha uu qabanayo ama ardaydu ay qabanayaan.
Inta badan ardaydu waxa ay haleelaan sheeko ama in ay sameeyaan buuq kale marka ay barahooda ka arkaan fursad; baraha ayaa hadalkii ka dhammaaday, garan waayay wax uu ardayda kula hadlo iyadoo xiisadii ayna wali dhicin ama baraha ayaa tabcaan iska ah oo kursiga fasalka gudihiisa yaal iska fadhiistay, tanina ardayda waxa ay siinasaa fursad ay isku waraystaan kuna kala xog qaataan. Dhanka kale, baruhu waa in uu ka dheeraado oon lagu baran hadalada aan murtida lahayn iyo kaftanka muujinaya masuuliyad darada, qosolka badan iyo dacaayada mararka qaar barayaasha qaarkood ardayda ku yiraahdaan.
Habdhaqanka baruhu waxa uu muuqaal buuxa ardayda ka siinayaa qaabka ay barahan ula dhaqmayaan ugana falcelinayaan amarradiisa iyo tallooyinka ama warbixinaha kale ee uu baruhu ardayda siinayo. Labis qurxoon, hadal kooban oo murti iyo muc u badan, dhawrsanaan, udug wanaagsan iyo muuqaal laga dheehan karo masuuliyad iyo akhlaaq diineed ayaa baraha ka dhiga bare ardaydu ka haybaystaan, hadaladiisana u dhug yeeshaan.

Habada halkan waxaan idin kugu soo gudbinayaa habdhaqano ay tahay in baraha laga helo
1.Dhiirigalin Iyo Wax Ka Qabadka Khaladaadka
Ardaydu mararka qaarkood waxa ay u baahanyihiin caqlicelin, talosiin iyo dhiirigalin joogto ah si ay u ahaadaan arday waaqaca iyo ujeedka goobta waxbarasho loo joogo ula wada haysta. Baruhu waa in shaqo maalmeedkiisa ay ka mid tahay talosiintu waayo waxa ay kordhinasaa xiriirka togan ee ka dhaxeeya baraha iyo ardaydiisa.
Wax kaqabadka khaladaadku waxa ay tahay tallaabooyinka ugu muhiimsan ee baraha ka cawinaya in uu fasalka maamulo, ma aha in uu baruhu dib u dhigo ama iska indho tiro wax ka qabadka khaladaadka ama habdhaqanada aan wanaagsanayn ee ardayda qaar ay sameynayaa. Khalad ayuu sameeyay arday ku sugan gudaha goobta waxbarashadu isla markaaba waa in ardayda kale dareemaan in uu waxaasi khalad yahay maxaa yeelay dib u dhigistu waxa ay keentaa dhayalsi, dabacsanaan iyo balan darro iyo in aanay ardaydu khaladba u arag habdhaqanada qaarkood isla markaana ay iskaga dayan karaan iyaga oon dareensanayn in waxani khalad yahay.
2. Ammaanta Ardayda
Ammaanta ardaydu waa in uu baruhu ardayda wiilal iyo gabdho kolba cidda uu wax barayo uu ku ammaano ficilda wanaagsan ee ay samaynayaan, kana sheego hadalo wanaagsan oo u roon dhagta dhageystaha. Waxa kale oo ammaanta ardayga ka mid ah in baruhu adeegsaddo kelmado carin kara rabbitaanka iyo xiisaha ardayga sida waad fiican tahay, fariid, waxa aad tahay arday akhlaaq badan, iwm.
Maalin maalmaha ka mid ah arday ayaa waxqabad fasalka gudihiisa ahaa ardayda kale hortood dhameeyay, si ardaygaasi u dareemo wanaaga uu sameeyay, inta kalena ugu daydaan waxa aan uga kacay kursigii aan ku fadhiyay markaan laygliga saxayay, waxaanan ku iri ardaygii Maanta adiga ayaa fasalka ka bare ah, u sax dhammaan ardayda”. Aad ayuu u farxay ardaygii, laba markuu u saxayna isaga oo faraxsan, qosol iyo rayrayn aan xad-lahayn xishood iyo riyaaq ku dheehantahay ka muuqato ayuu iskaga kacay kursigii. Tani waxa ay keentay in maalintaa wixii ka dambeeyay dhammaan ardaydii ay ku dadaalaan sidii ay waxqabadyada hore uga shaqayn lahaayeen sidaa darteed baruhu waa in uu ku hubaysan yahay hababka kala duwan ee ardayda loo ammaano loona kobciyo garaadkooda.
Ammaantu waxa ay tahay hub qarsoon, oo carisa damiirka, awoodaha iyo hibada ardayga u qarsoon sidaas darteed baruhu waa in uu ardayda wanaaga samaysa ammaano. Dhanka kale cidda la amaanayaa kaliya ma aha cidda ku wanaagsan shaqada fasalka ka dhex socoto sida ka shaqaynta waxqabadyada. Waxa iyaguna ammaan mudan ardayda aan fahamkoodu fiicnayn ee ku liita hore uga warcelinta waxqabadyada maxaa yeelay waxa ay ku abuuraysaa ardaydaa dareen ah in barahoodu jecel yahay iyaguna ay yihiin kutirsanayaal laga tabayo gudaha fasalka.

3.Barashada Magacyada Ardayda
Baraha ku wanaagsan maamulida fasalku waxa uu wakhti siiyaa barashada magacaanta ardayda. In baruhu aqoon u leeyahay magacaanta ardaydiisu waxa ay keenasaa in ardaydu ixtiraam gaar ah siiyaan barahaa iyaga oo ka urinaya in uu barahani aqoon gaar ah iyaga u leeyahay, Baraha waxa aad uga reebban in uu ardayga aanu magaciisa baran u sameeyo magac kale ama naanays jeebkiisa ah sida ka koofiyada xiran, ka cas, ka dheer, ka timaha jilicdasan iyo wax la mid ah. Maamulka fasalka waxa iyaduna ka mid ah in baruhu yaqaan waalidka ardayda uu wax barayo. Baruhu ha dareensiiyo ardaydiisa in uu waalidkood yaqaan, haddaanu aqoonna ha kala hadlo tilifoonka hana isbartaan.
Iskudarka barashada waalidka ardayga iyo magaca ardayga waxa ka dhalanasa isku xirnaan daahfuran oo dhextaal baraha iyo ardaygiisa.
Naaneysaha Ardaydu Isku Bixiyaan
Marka baruhu adeegsanayo magacaanta ardayda amase uu rabo in uu soo jeediyo dareenka arday ka durugsan baraha ama mashquul ku ah sheeko, eegis iyo taataabasho arday kale, inta badan waxa dhacda in barayaasha qaarkood
Ardaygaa haddii ayna magaciisa garanayn ay ugu yeeraan erayo kale sida ka gaaban, ka dhagaha waaweyn, ka madaw, ka buuran iyo waxyaalo kale oo la mid ah, arimaha caynkan ahi waxa ay xadgudub iyo gardarro aan geed loogu soo gaban kuyihiin xuquuqda ardayga iyo dadnimadiisa, waa gaf aad u khatar badan oo loo geystay sharafta, dadnimada, jiritaanka iyo qofnimada ardaygan,Waa dhaawac aad u nabar daran isla markaana ahaan doona boog dhaymaheedu adkaado muddo dheerna uu qaato.
Barayaal badan kelmad ay si fudud u yiraahdeen ayaa waxa ay madaw u badashay mustaqbalka arday badan oo hadaf, rabbitaan iyo himilooyin badan xambaarsanaa. Ardaydu marka ay ku suganyihiin goobaha waxbarashada waxa ay aad u jecelyihiin in ayisdacaayadeeyaan ama kelmedo isku tuurtuuraan si kaftan ah, waxa ayna arimahan u jecelyihiin waa maad iyo qosol dhankooda ah. Marka baruhu ardayga kelmed iskaga tuuro inta badan ardaydu kelmeddaa ayay ardayga uga dhigaan magac cusub iyo astaan lagu yaqaan.

Sheekadii Mullaca
Maalin maalmaha ka mid ah bare ayaa waxa uu ku jiray fasal dugsiga hoose dhexe ah waxa uuna u dhigayay baruhu fasalkan maadada afsoomaaliga Sidii caadiga ahayd baruhu isaga oo ardayda carinaya awoodooda akhriska iyo qoraalka ayaa waxa uu kolba arday sabuurada ugu qorayay weer afsoomaali ah kadibna waxa uu baruhu ardayda ka dalbanayay in ay kelmeddaa akhriyaan isla markaana ay garan karaan qaab qoraalkeedka.
Fasalka waxa ku jiray arday akhrinta afka Soomaaliga aan aad ugu wanaagsanayn balse kaftan iyo qosol badan isla markaana ay ardaydu had iyo jeer siyaabo kala duwan ugu qoslaan marka ay hadalkiisa maqlaan ama ay arkaan habdhaqanadiisa kale.
Qaar waxa ay ardaygan ugu qoslaan maadda iyo fur-furnaanta wajigiisa iyo hadalkiisa ka muuqata, qaar kale waxa ay ardaygan ugu qoslaan heerkiisa aqooneed oo ay ka qaateen muuqaal ah ardaygani waa damiin aan dadaal badan samayn, qaar kalena waxa ay ugu qoslaan si ay uga maadeystaan uguna dheel-dheelaan iyaga oo ka helaya hadalada qosolka iyo madadaalada badan ee uu ku hadlo.
Barihii waxa uu sabuurada ku qoray weer afsoomaali ah waxaana uu kiciyay ardaygan aynu kor kaga soo sheekaynay. Ardaygu kuma wanaagsanayn akhriska iyo qoraalka oo waxa uu ahaa arday wali dadaalkii barashada akhriska wada balse aan wali ku xooggaysan akhriska Weertii ayuu ardaygii sidaa u eegay waana uu akhrin kari waayay, ardayduna dhammaantood wada aammusanyihiin iyaga oo u dhag taagaya qaabka uu u akhrin doono ama sida kale ee uu uga falcelin doono weyddiintan hortaala, qofna ma hadlayo dhammaan ardayduna dhankiisa ayay wada eegayaan. Barihii ayaa waxa uu ardaygii ku yiri “Waa maxay weertani?”.
Ardaygii uu sidaa u eegay weettii ayaa waxa uu si kadis ah u yiri “ Waa mullac”.
Qosol aan xad lahayn ayay ardaydii dhammaantood isku dareen Mar in uu waxan oo kale oranayo waa ay ka filayeen marna in uu kelmed sidan u qosol badan oran doono oo gabi ahaanba waxa qoran xiriir la lahayn kama aysan filanayn Barihii isagu goor horeba qosol ayuu dhinacaa ula dhacay oo goorahanba hadal uu dhahaa ayuu garan la’aa, marna waxa uu ka yaabay qaabka fal-celineedka ardaygan, Barihii ardaygii waxa uu ku yiri “ Iska fadhiiso” balse ardaydii waxa ay u heleen saaxiibkood magac cusub iyo afgarasho kale, Mulac waxa uu si fudud u noqday magaca/ naaneysta maalintaa wixii ka dambeeyay loo aqoonsaday ardaygii.
Weeraha ama kelmedaha gudaha fasalka si fudud loo dhahaa; baruhu ha yiraahdo ama ardaydu dhexdooda ha isku yiraahdaane waxa ay inta badan noqdaan magacyo ay ardaydu iskugu yeeraan ama isku tilmaamaan,Sidaas darteed baruhu waa in uu gabi ahaanba iska ilaaliyo oraahyada bilaa qorshaha ah ee marka uu caroodo ama xaaladiisu yara kacsan tahay uu yiraahdo, Wali ma aragtay kelmed bare yiri taasi oo noqotay magac arday? Fadlan commant-ga noogu reeb
Marka aynu soo ururino hadalka, baraha waxa maamulida fasalka iyo ardayda dhexfadhida ka caawin kara
- Baraha oo aqoontiisu dhisan tahay.
- Baraha oo akhlaaqiyaadka diintu ka muuqdaan.
- Baraha oo ardayda xeer-nidaamiye joogto ah kula dhaqma.
- Baraha oo ardayda ammaan aan xad-dhaaf ahayn kula dhaqma iyo dhirigalin wanaagsan.
- Baraha oo yaqaan magacaanta ardayda iyo waalidkood.
- Baraha oo si toos ah u fiiriya ardayga iyo dhaq-dhaqaaqiisa inta lagu gudo jiro xiisada.

4.Wax Ka Beddelka Dabeecadaha Ardayga
Dhammaan ardayda wax la barayo ama ku kulanta goob waxbarasho ma aha kuwo u hoggaansan, addeecsan goor walba ama ilaaliya kala dambeynta iyo isqadarinta ka jirta goobaha waxbarashada iyo ixtiraamka ama xushmeynta barayaasha iyo maamulka goobta waxbarasho.
Waxa jira arday iyagu wax kasta qaab taban uga falceliya isla markaana buuqa iyo isdaba wareega u arka ciyaar, dheel dheel iyo wax loo baahan yahay, Ardayda dabeecadahan lihi waxa ay u baahanyihiin in dabeecadooda iyo habdhaqankooda wax laga beddelo iyada oo la adeegsanayo tabo aqoon iyo waayo aragnimo gaamurtay ku dhisan.Wax ka beddelka dabeecadaha ardaygu kaliya kuma timaad in ciqaab iyo qodobo ad adag oo lagu xakamaynayo dhaq dhaqaaqa ardayga la dhaqan galiyo, mararka qaar ciqaabtu waxa aya sii fogeysaa oo waxa dhici karta in ardayda loo dan leeyahay ay fawdo iyo dagaal kiciyaan.
Xigasho: Hiil Bare .Farxaan C.Muxumed
