Ducadu waxa ay waxsoosaarkaaga u horumarisaa laba siyaabood: waxa ay wanaajisaa in aad diiradda saarto shayga aad doonayso in aad gaarto if iyo aakhiraba adiga oo rabitaankaaga ku daraya shay ruuxda la xiriira.
Aan tusaale wax ku ool ah ka bixiyo: ka soo qaad in aad rabto in aad shaqo hesho ama aad guursato. Weyddiimahani waxa ay noqon karaan kuwo adduunyo oo keliya, waxa aad isticmaalaysaa jidkaaga goonnida kuu ah si aad u gaarto. Si kasta ha haate suurayso in aad tan si dhakhso ah ugu darto liiskaaga,Wixii u muuqday dalab adduunyo waxa uu isu baddalayaan dalab aakhiro, Waxa aad Alle ka baryaysaa in uu ku siiyo shaqo ama uu hawsha guurka kaaga dhigo mid sahlan, adiga oo si dhab ah u aamminsan in uu keligii uun kusiin karo. Waa qayb ka mid ah ducadaada maalinlaha ah oo sii korin doonta diiraddaada iyo dhiirigelintaada,Ka-muslimiin ahaan, marka aynu Alle wax waydiisanayno waa in aynu ku kalsoonaanaa in uu ducadeenna inaga ajiibi doono.
عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله ﷺ قال: ادْعُوا الله وأنتم مُوقِنُونَ بالإجابة ، واعلموا أن الله لا يستجيب دعاء من قلب غافل لاه. رواه الترمذي
Abuu Hurayra, (RC) waxa uu nabiga (SCW) ka wariyay in uu yiri: “Alle barya idinka oo yaqiinsan in uu [ducada] idinka aqbalidoono, ogaadana in aanu Alle aqbalin ducada ka soo baxda qalbi hilmaansan.” [Tirmidi]
Sida oo kale, Allaah waxa uu Qur’aanka kariimka ah ku yiri:
وَآتَاكُم مِّن كُلِّ مَا سَأَلْتُمُوهُ ، وَإِن تَعُدُّوا نِعْمَتَ اللَّهِ لَا تُحْصُوهَا إِنَّ الْإِنسَانَ لَظَلُومٌ كَفَّارٌ [34 : إبراهيم ]
Tusaalaha awoodda ay ducadu leedahay waxa ka mid ah xadiiskan uu Anas binu Maalik wariyay:
“Ummu sulaym ayaa nebi Muxamed (SCW) ii la timi iyada oo qayb ka mid ah khamaarkeeda ii guntisay, qaybna i huwisay, waxa ay tiri: ‘rasuulkii Allow waa kan wiilkaygii Anas; waxa aan kuugu keenay si uu kuugu adeego e, u ducee.

Nabi Muxamed waxa uu yiri: ‘Allahayow! U badi maalka iyo farcankiisa. Anas waxa uu yiri sannado ka dib markii uu weynaaday: ‘Alle ayaan ku dhaartay e’ hantidayda iyo carruurtaydu way bateen, kuwa aan awoowga u ahay hadda waxa ay gaarayaan boqol.” (Muslim)
waxaa jira buugaag badan oo aad ka akhriyi karto siraha ducada iyo sida ay u badali karto noloshaada. Waxa kugu filan in la yiraahdo ducadu waa mid ka mid ah qalabka muhiimka u ah muslimka ee kor u qaadaya qaab nololeedka iyo waxsoosaarka qofka, markaa ka faa’iidayso!
Talooyin dhaqan gal ah
Baro aadaabta marka ducada la samaynayo:
Kitaabka ducooyinka ee Xisnul Muslim ee uu qoray Sheekh Saciid Qaxdaani waa kitab aad u wanaagsan oo aad ka baran karto ducooyinka iyo xilliga mid kasta la akhriyo,Allah weydiiso barako dhinac kasta oo noloshaada ah, dadka kalena ka codso in ay kuugu duceeyaan in Eebbe ku barakeeyo Waa ducada ugu fiican ee aad codsan karto! Ku dhegganow ducooyinka sunnada ah.
Ha ka xishoon: Mar kasta oo aad u baahato wax ku saabsan noloshaada shaqsi, xirfadeed ama bulsho, haka xishoon in aad Alle weydiisato.
عَنْ سَلْمَانَ – رضي الله عنه – قَالَ: قَالَ رَسُولُ الله – صلى الله عليه وسلم: إن اللهَ حَبِيٍّ كَرِيمٌ يَسْتَحِي إِذَا رَفَعَ الرَّجلُ إِلَيْهِ يَدَيْهِ أَنْ يَرُدَّهُمَا صِفَرًا خَائِبَتين ) رواه الترمذي
Anas waxa uu nabiga (SCW) ka wariyay in uu yiri: “Alle waa deeqsi oo xishood badan, haddii adoonkiisu gacmihiisa kor u taago [baryo] alle waxa uu ka xishoodaa in uu kusoo celiyo iyaga oo maran.” (Tirmidi)
Adaabta ducada.
- Ducayso xiliyada ducada la aqbalo: sida maalinka carafo , bisha ramadaan,habeenka qaybtiisa dambe, maalinka jimcaha, adinka iyo aqinka inta udhaxayso.
- In uu qofka alle hortiis isku dulayso oo ku qushuuco.
- Ducada in uu qofka ku bilaawo amaanta alle,iyo nabiga
- Qofka in uu qiblada qaabilo markuu ducaysanayo
- In uu qofka ducada kucelceliyo
Xigasho: Muslimka waxsoosaarka leh
