DILKA HAL’ABUURKADILKA

Waxaa bogagga raariikhda ku soo arooray sooyaalka rag waaweyn. Oo hal’abuurnimadoodii lagu qoray far waawayn

Bilawgii hore waxa ay aduunka soo galeen iyaga oo isdhuldhigaya, kamana ay soo muuqanin bogagga hore ee taariikhda ilaa ay caqabado badan soo jiireen oo ay ka soo tallaabeen. Waxa ay ka tageen raggani oraaho, halkudhegyo iyo fikraddo waaray boqollaal sannadood.

Qofka raaraaca bogagga taariikhdu, waxa uu arkayaa in dadyawgan hal’abuurrada ahi ay yihiin dad muuqaal ahaan, qaab ahaan, da’ ahaan, af ahaan, ujeeddo ahaan iyo hannaan ahaanba kala duwan, laakiin waxa qura ee ay iskaga midka ahaayeen waxa uu ahaa, aaminsanaanta ay aaminsanaayeen waxa ay qabanayaan. Yacnii; waxa ay dhugmo u yeesheen waxa gudahooda ka guuxaya, isla markaana waxa ay u dhabar’adaygeen wixii dhib ka soo gaaray, si ay u xaqiijiyaan waxa laabahooda ka guuxaya. Waxa ay ahaayeen rag aan dheg jalaq u siin waxa ay dadku leeyihiin ee jeesjees iyo waddo ka leexin ahaa, waayo; waxa ay doonayeen in ay jeexaan waddo adag, waxa ayna go’aansadeen in ay dusha u ritaan dhibkeeda, halka dadka badigiisu ay ahaayeen ismadhibayaal ku raaxaysanaya macaanka iyo dhaldhalaalka dunida.

Raggani waxa ay ahaayeen hal’abuurro, ikhtiraacayaal iyo daahfurayaal, waayo; waxa ay ahaayeen rag aan ku faraxsanayn in ay noqdaan dabagalayaal iyo hoggaansanayaal, wax kasta oo ay sameeyaan waxa ay doonayeen in ay noqdaan wax iyaga gudahooda ka yimi oo ay samaysteen.

Waxa layaab leh, in hal’abuurradaas qaarkood bilawgii noloshooda ay dadkii ugu dhowaa kala kulmeen caabbis iyo cadaadis xooggan, walow niyad wanaagba ha ka ahaato’e. Waxa ku jira kuwo badan oo maray dhabbihii waalidkood la-doonayay mid ka geddisan, sida; kuwo ay waalidkood la doonayeen in ay noqdaan dhakhtarro oo noqday garsoorayaashii ugu waaweynaa casrigooda, kuwo aabbayaashood la doonayeen injineernimo oo noqday abwaannadii iyo qoraayadii waayahoodaas ka tilmaamnaa.

Sooyaalka shakhsiyadaadkaas oo kale way ka buuxaan.

Hal’abuurnimadu waa riyo qalbiga gargaraacda oo hurdada ka kicisa, marka ay baraarujisana garaaceedu wuu sii bataa, qalbiguna jirka ayuu dardargeliyaa oo uu heegan u galiyaa riyadaas soo daardaartay, xubnuhuna kolkaasay hoggaansamaan. Hal’abuurnimada waxa mahuraan u ah iimaan ay ku hawlgasho, iimaankaasina waxa uu ka soo burqadaa qalbiga, mana yaqaanno qofku meel uu kaga imanayo, se haddana waa uun dhanbaalka dartii qofkan loo beeray, karaankii uu ku meelmarin lahaana la siiyay, waxa keliya ee ay uga baahan tahayna waa in uu qalbigiisa dhegaysto uun.

Aad ayay u kala duwan yihiin guuleysiga iyo hal’abuurku. Laga yaabee in ay waalidiinta iyo barayaashu ku gefaan hilinka uu ilmuhu u raacayo noloshiisa, in badanna waaba lagu soo gefay oo way dhacday, walina way ku gefayaan oo waa wax oogan, haddii aanay jiri lahayn rabitaanka Ilaahay uu ka leeyahay hal’abuurradaas iyo iimaanka uu u geliyay dhanbaallada uu waafajiyay (ku ilhaamiyay) ee ay ku dheggan yihiin waxa ay gudahooda ka dareemaan, iyo sidoo kale dhawaqa dhalanka (fidrada) ee gudahooda ka yeeraya, bulshoooyinkeennu haba yaraato’e ma aanay heleen wax hal’abuur ah oo ku cusubba, qarnina qarni kale kama aanu geddisnaadeen, ikhtiraacyo uunkaba anfacana la sameeyeen, oraaho iyo falal sooyaalku uu waariyana lama arkeen, sidaasna ummad indhala’ ayaynnu ku noqon lahayn.

Buugga la yidhaahdo “The Eighth Habits” ee uu qoray Stephen Covey, waxa uu ku sheegayaa, in dadku laba shay oo aan mid saddexaad lahayn kala doortaan, kuwaas oo kala ah: In awoodaha ku gudajira uu u isticmaalo oo uu dibedda u soo saaro, si uu u xaqiijiyo wax weyn oo isaga iyo nolosha oo dhanba faa’ido u leh. Ama in uu xannibo oo xabsiga u taxaabo dhammaan awoodihii ku gudajira, isla markaana uu noqdo ismalure nool nolol caadi ah.

Dariiqa hore: waa dariiqa leh maamuusnida, sharafta iyo karaamada: waana soosaarista awoodda badan ee ku jirta naftaada, iyo u dhugyeelasho uu qofku kula soconayo codadka gudihiisa ka soo baxaya, taasina waa shaqo ka bilaabanta gudaha qofka, kana muuqata oo saamayn ku yeelata dibedda qofka.

Dariiqa labaad: waa dariiqa ismadhibidda, ismaluridda iyo noolaanshaha nolol caadodhaqameed ah, isla markaana waa dayacaad, ku-tumasho, dilis iyo khasaarayn aad khasaaraynayso awooddaadii saamaynta lahayd ee gudahaaga ku jirtay, taas oo sababta in qofku dulin ama dulsaar ku noqdo waxsoosaarka, habfikirka iyo horumarka uunka uu la nool yahay.

Dadyawga wakhtiyadan nool waxa habfikirkooda loo khalkhalin karaa dhawr hab oo kala duwan, hababkaas waxa ka mid ah: in aad hilmaansiiso kartidiisa oo lagadhigo mid aan dhaaddanayn aqoontiisa iyo kartidiisa, iyada oo la-gaarsiinayo heer uu kala garanwaayo waxa uu samaynayo in uu iimaan iyo qaneeco buuxda ku qabo iyo in kale, in doonistiisa uu ku samaynayo iyo in lagu khasbayo, in uu fiican yahay waxan uu samaynayo iyo in kale, in dadka oo samaynaya uu arkay oo uu iska gawaanraacay iyo in kale, in xoog iyo xeelad uu leeyahay ku samaynayo iyo in kale.

Aynnu labo tusaale soo qaadanno si aynu u soo dhawayno fahamka qaabka dadka loo hilmaansiyo kartidooda iyo aqoontooda, tusaalayaashaas oo kala ah, tobabaridii Diibka iyo sida hayinka looga dhigo Maroodiga.

Waxa aynnu ku bilaabaynaa dariiqada ay isticmaalaan macallimiintu ee bandhigyada Circus, si ay jaaska u baraan Diibka. Waxaa Diibka lagu istaajiyaa bir, waxaana agtiisa laga daaraa music la doonayo in uu ku jaaso Diibku, ka dibna waxa uu tababaruhu bilaabaaa in uu kulayliyo birtii uu ku taagnaa Diibku,kolkaas waxa uu kor u qaadaa lugtiisa midig kulaylka uu ku taagan yahay awgiis, ilamaa ay daalayso lugta bidix oo ay u dulqaadan kari weydo kulaylka ku baxaya, ka dibna waxa uu ku istaagaa lugta midig oo lugtii bidix ayuu nasinayaa. Ka dibna sidaas ayuu marba lug ugu istaagayaa oo uu ku wadayaa iyada oo muusig uu ku baxayo. Sidaas ayaa lagu soo celcelinayaa marar dhowr ah. Ka dibna marka uu bilaabmo bandhiggu ee Diibka loo daaro muusig, waxa uu moodaa in uu ku taagan yahay bir kulul, kolkaas waxa uu si iskii ah u bilaabaa in uu jaaso. Sidani, waa si ka mid ah siyaabaha uu aadamuhu kaga barto jaaska goobahaa qaaciga ah.

Maroodigu waxa uu la qabsadaa qaabka layliga (Circus) yaraantiisaba. Waxa lagu xidhayaa xadhig adag oo qaro weyn iyo geed weyn oo jirrid adag, ka dibna waxa uu maroodigu isku deyayaa in uu jaro xarigga oo uu ka baxsado meesha lagu xiray. kolkaas wuu ku guuldarraysanayaa in uu ka fakado geedka lagu xiray. Sidaas ayuu ku korayaa oo uu ku qabatimayaa xarigga. Marka uu maroodigu weynaado ee uu awoodi karo in uu gooyo xarigga ama uu fujiyaba geedka, ma samayn karo xitaa haddii lagu xiro xarig dhuuban iyo geed jilicsan, sabbatoo ah, waxa maskaxdiisa ka dhaadhacday in aanu awoodin in uu meesha ka fakado oo uu ka xoroobo xarigan, sidani waxa ay qayb ka noqotaa waxyaabaha uu aaminsan yahay ee aanu marnaba shaki ka gali karin. Tababarayaashuna waxa ay hubaan in aanu maroodigaasi isku deyi karin in uu ka fakado.

Sidan oo kale; waxa barnaamijyo kuwan la mid ah loo saneeyaa si loo qaabeeyo bulshada, oo loo fahansiiyo in aanay ka duwanaan dadyowgii hore ee bulshada tusaalaha u ahaa (social models), isla markaana loo hilmaansiiyo kartidooda iyo aqoontooda, iyo in la inagu qanciyo in aan hal’abuurnimadeennu dhaafsiisnayn xadka ku-dayashada kuwii inaga horreeyey, oo aynaan noqonin kuwa aynnu nahay ee dhabta ah.

Barnaamijyadani, waa dhalanteed iyo dhalanrog lagu samaynayo bulshada waa mid halis badan oo lagu xirxirayo rabitaanka aadamaha. Hadda waa aadamihii uu Alle abuuray ee uu ku afuufay ruuxdiisa ee uu raaciyay malagyo uu isagu uun og yahay, ee mudnaanta dheeraadka ah uu siiyay, ee qalbiyada indheergaradkooda ku beeray dhiirranaanta, kuwaas oo guta waajibaadkii ka saarnaa bulshada isla markaana iska diiday in la dhalanrogo ama la dilo codadkooda gudaha.

Waalidaw, ha dilina hal’abuurnimada ubadkiinna, idinka oo u malaynaya in aad garanaysaan waxa ay jecel yihiin ee ay doonayaan qalbiyadooda iyo laabahoodu, hana ka dhigina ubadkiinna waddo aad u martaan xaqiijinta riyooyinkii idinka baaqday ee ay idiin saamixi waayeen duruufuhu in aad gaartaan. Qof waliba waxa uu leeyahay wax uu xiiseeyo. Sidoo kale; qof kastaaba waxa uu leeyahay yool uu higsanayo. Markaa haddii aad ku khasabtaan ubadkiinna wax aanay doonayn, waxa ay noqon doontaa natiijadu mid culus oo ay kadeed ka mari doonaan ubadkiinnu, taas oo waliba bulshaduna natiijadaa dhibteeda ay dhaxli doonto maalin walba idinka oo aan ogayn. Qof walba waxaa loo fududeeyay wixii loo abuuray. Alla run badana marka uu Illaahay yidhi:

قَالَ تَعَالَى: ﴿ وَلِكُلِّ وِجْهَةٌ هُوَ مُوَلِّيهَا فَاسْتَبِقُوا الْخَيْرَاتِ ﴾ البقرة: ١٤٨

“Cid kastaaba waxa ay leedahay millad (diin) ay taabacsan tahay, ee u beretama wanaagyada.”

Fadlan lawadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *