Waxaa Allaah (swt) inoo sheegay in aanu qofna labo qalbi siinin. Sidaa darteedna, haddii aadan qalbigaaga u jeedin jiho cad kuuma suurtogelayso in aad xaqijiso natiijo macno leh.
Allaah (swt) wuxuu Quraanka inoogu sheegay in aanu qofna labo qalbi siinin.
Jihadu waa mid aad diiradda ku saareysid hadaf muhiim ah. Hadafkuna wuxuu noqon karaa mid ballaaran oo ka kooban qaybo, laakiin ujeeddada guud waa meesha aanu qalbigu labo u qaybsami karin.
20-kii sano ee u danbeeyey xawaaraha isbeddelka adduunku xad-dhaafka ayuu noqdey, waxaa siyaadey loollanka ummadaha ka dhexeeya.
Tartankan u dhexeeya dawladaha, shirkadaha iyo hay’adaha kaleba wuxuu sababay shaqadii shakhsi keliya ku aadaneyd oo kororta, Arrintani waxay dhalisey in dadku isku dayaan in ay qabtaan dhawr hawlood isku mar.
Qaabkan shaqo oo loo yaqaanno “multitasking“, oo macnaheedu yahay in qofku laba hawlood ama ka badanba isku mar wada qabto tusaale ahaan, qofka oo telefoon ku hadlaya in uu shaqo kalena gacanta ku hayo. Habkan shaqo, ma noqon mid guulaysta oo waara. Waxaa cilmi-baaris lagu sameeyey sida maskaxdeennu u shaqayneyso marka ay dhowr shaqo isku mar qabaneyso, waxaana la ogaadey in tayada shaqo iyo waxsoosaarka qofka dhawrka shaqo isku mar qabanaya ay aad uga hooseyso qofka hal arrin mudnaanta siiya markiiba.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyey in qofka isku daya in uu arrimo badan isku mar qabto khaladaadkiisu bataan.
Waxaa jirta fikrad la xiriirta dhaqaalaha oo lagu magacaabo “switching costs”. Fikraddan macnaheedu waxaa weeye in macaamiisha ganacsi, kharashaad dheeraad ahi ku siyaadaan marka macmiishu beddesho ciddii ay hore wax uga iibsan jirtey kharashaadka oo la xiriiri kara wakhti lumay, qiimaha oo kordhay, ama dhibka ka dhalanaya la-qabsiga shayga cusub. Sidaa si la mid ah, marka qofku bedbeddelo diiraddiisa waxaa ka dhasha “switching cost maskaxeed”- fekerka oo luma, la-qabsi cusub iyo in aad u baahato tamar cusub oo aad ku karaar-qaadatid, iwm.
Qofka raba in uu raadeyn weyn oo togan (positive) yeesho, waa in uu huro wakhti badan, maskaxdana ku hayo mar walba maxsuulka uu doonaayo in uu xaqiijiyo (Allaah idankii). Ku sabirka ka miro-dhalinta hawl, waxay keentaa faham dheeraad ah iyo in aad mar walba ku sii dhawaato guusha.
Cilmi-baaris ballaaran oo uu sameeyey professor Mihaly Csikszentmihalyi, oo bare culuumta cilmi-nafsiga ka ah jaamacadda la yiraahdo Claremont Graduate University oo ku taal wadanka Mareykanka, wuxuu cilmi-baaristiisa ku ogaadey marka aad diiradda saarto arrin in aad gelayso marxalad uu u bixiyey “flow state”. Wuxuu professor Mihaly Csikszentmihalyi cilmi-baaristiisa ku xaqijiyey; cilmi-baareyaal badan oo ka daba tageyna u markhaati fureen in qofka xaaladda flow-state-ka galaa ay u dhawdahay in uu xaqiijiyo maxsuulo tayo leh (Allaah idankii).
Si aad u geshid xaaladda flow state-ka marar badan, waa in aad leedahay higsi aad ku hawlan tahay xaqiijintiisa,.
Waa hubaal in adduunka maanta la joogo oo wararka iyo ogeysiisyadu ka soo burqanayaan shaashadaha isgaadhsiinta, ay adagtahay in dhugasho/awareness sugan la yeesho. Arrin waliba (oo aan ahayn Quraanka iyo sunnada) nusqaantiisa leh. Teknoolojiyada casriga ah nusqaanteedu waa fatah macluumaad (mid fiican iyo mid xunba) oo sababay deggenaansho iyo dhug-la’aan (focus la’aan).
Da’ kasta oo qofku caafimaad qabo wuu yeelan karaa saameyn togan, marka qofku ujeeddo cad nolosha ka leeyahay Sababtuna waa ahdaafta oo la qeexaa waxay sababaysaa qorsheyn, adkeysi iyo carqaladaha kaa hor iman kara oo aad xal u raadisid adigoon ka leexaneyn ujeeddadaada guud,

Nololsha waxa ugu muhiimsan waa in aad sameysid koboc maskaxeed. Marka aad u dhaqaaqdid in aad ahdaaftaada ka miro dhalisid, aqoontaadu way siyaadeysaa oo waxaad wax ka baranaysaa hawsha Waxaana suurtogal ah in aad cilmi kororsi bilowdid si aad uga gudubtid carqaladaha kaa hor imanaya. Horumar iyo raadeyn qiimo lehna ma sameyn kartid ilaa aqoontaadu iyo khibraddaadu kor u kacdo Xilligan la joogo, qofku isaga oo da’yar ayuu aqoon badan kasban karaa.
Wakhtigan, aqoontu iyada oo lacag la’aan ah waxay ka buuxdaa internet-ka. Waxaanad aqoon yeelataa markaad fahamtid sida wax loo barto. Qofka doonaya in uu fahmo sida wax loo barto, waa qof hamuun iyo doonis xooggan oo aqoon kororsi ku jirto Haddii aqoon dhab ahi kuu korortana, cidla fadhi meysid.
Muslimintii innaga horreysey, waxay ahaayeen dad iyaga oo aan fursadaha aynu maanta haysanno helin, horumar baaxad leh/mug leh ku tallaabsaday. Qaar badan oo ka mid ahina ay horseedeen horumarka adduunku maanta gaaray laakiin taariikhdooda aan aad loo xusin.
Xigasho: Xilkas. Cabdikariim Cismaan Jaamac
