Waxa aynu oran karnaa iftiinka iyo madawga farqiga u dhexeeya, mid la mid ah ayaa u dhexeeya aqoonta iyo jahliga. Iftiinku haddii uu indhahaaga ka caawiyo sida ay wax u arki lahaayeen, madawguna wuu ka duwan yahay oo wuxuu habeeno u yeelaa indhahaagii nuurayay. Haddii uu habeen kuu soo galo waxaa iskugu kaa mid noqda waddada halaqu jiifo iyo ta nabad galyada ah.

Sidaas oo kale ayay u kala duwan yihiin aqoonta iyo aqoondarradu, sida uu madawgu indhahaaga u xannibo ayay aqoondarraduna garaadkaaga u xayirtaa, iftiinkuna sida uu indhahaaga uga caawiyo aragtida ayay aqoontuna garaadkaaga uga caawisaa garashada.

Haddaba, haddii ay aqoontu mudnaantaa leedahay, waxaa lagama maarmaan ah in uu qofkii faa’ïido doonayaa wax akhriyo si uu u helo aqoon uu kaga gudbo xayndaabka jahliga, waayo wax-akhrintu waa albaabka aqoonta ama waxa aynu oran karnaa waa furaha khasnadaha cilmiga. In wax-akhrisku sidaa yahayna waxaa fahmay aqoonyahannadii adduunka soo maray iyo kuwa imaka jooga labadaba, sidaa darted, waxay cimrigoodii ku idleeyeen wax-akhris oo gabbalkii u dhacaba waxay waagiisa dambe ku sugi jireen xaashida dusheeda, cadceeddii u soo baxdaana waxay ka hoyan jirtay iyaga oon ka nasan waxii ay xalay ku soo jeedeen. Waxa aan hoos ku gula wadaagay qisooyin ku saabsan siday wax u akhriyi jireen e, akhris wacan.

Caamir binu Cabdi-qays.

Caalim magiciisa la oran jiray Caamir binu Cabdi-qays, kana mid ahaa dadkii taabiciyiinta la oran jiray ee saxaabada soo gaaray, ayaa laga sheegaa in uu maalin maalmaha ka mid ah nin soo bookhday isagoo wax akhris ku hawllan, dabadeedna waxaa la hadlay ninkii soo bookhday, hayeeshee sheekhii kamuu helin wax jawaab ah, markuu ninki waydiiyay sababtuu ula hadli waayayna wuxuu sheekhii ku jawaabay: Aan kula hadlee horta cadceedda jooji.”

Sufyaan A-sawri.

Wabiyada fardawsa Alle ha ugu deeqee, caalimkii la oran jiray Sufyaan Al-sawri ayaa waxa la sheegaa in uu u safray magaalada Basra ee ku taalla dalka Ciraaq, wuxuu cilmi u doontay caalimkii kale ee la oran jiray Xamaad binu Salama, markuu Sufyaan gaaray majliskii Xamaad binu Salama ayuu salaantii ka horraysiiyay baahidiisii oo wuxuu ku bilaabay su’aalo isagoo leh: Xamaadaw xadiiskiii caynkaa iyo caynkaa ahaa ii sheeg…” Markii xadiiskii uu Xamaad u sheegay ayuu Sufyaanna waajibkii uu su’aasha ka horraysiiyay intuu gutay ayuu gacanta u soo fidiyay Xamaad binu Salama oo uu salaamay, Xamaad binu Salamana intuu salaantii ka qaaday ayuu ku yiri: Sufyaanaw, maxaad ii salaami wayday intaanad su’aasha I waydiinnin?” Sufyaan wuxuu ku jawaabay; “Waxaan ka baqay intaynnu salaanta ku mashquul-sannahay in uu midkeen dhinto oo uu wadku ina kala kexeeyo anigoon ka jahli bixin su’aashaan safarka dheer u soo galay.”

Xamaad binu Salama.

Imaamu Dahabi siduu ku qoray kitaabkiisa la yiraahdo Al-Xufaad wuxuu yiri; “Nin la oran jiray Cabdiraxmaan binu Mahdi oo ka mid ahaa ardaydii Xamaad binu Salama ayaa ka sheekeeyay siduu sheekhiisii Xamaad wakhtiga ku ahaa isaga oo leh: “Haddii Xamaad binu Salama lugu oran lahaa aroortaad dhimanaysaa wax camal ah oo intuu samayn jiray ka badan wakhti omuu heleen waayo marka hore ayaanu wakhtigiisu meel bannaanba lahayn, waxay u ahayd mar uu wax akhriyaayo, mar uu wax dhigaayo iyo mar cibaadaysanaayo.” Sidaa darteed waxa la yiri Xamaad binu Salama waxay geeridu u timid oo uu dhintay isagoo salaad ku jira. Markuu wakhtigiisii meel maran u diiday ee uu saacadaha is daba wareegaya iyo ilbidhiqsiyada ku sagootiyay camal wanaagsan ayuu Ilaahay ku abaal mariyay inuu adduunyada salaad kaga anbabaxo. Qof dadaalay ilaahay dhididkiisa ma dayaco.

Muxamed binu Nadar.

Sheekh la oran jiray Mufaddil ayaa wuxuu yiri; “Waxaan maalin maalmaha ka mid ah la kulmay caalim la dhihi jiray sheekh Muxamed binu Nadar oo aad iyo aad u murugaysan waxaan su’aalay waxa ku dhacay ee uu ka uurku-taalloonaayo wuxuu iigu jawaabay: “Habeenkii xalay ahaa ayaa I dhaafay anigoon camal wanaagsan iyo cilmi midna aan kororsan.” Hal habeen ayuu sheekhaasi ka murugooday bal waxaad is waydiisaa inta habeen ee ina dhaafta innaga oo dayacnay kana faa’iidaysan iyo waliba sida aynaan u dareensanayn!

Al-faraahiidi.

Sheekh la oran jiray Khaliil binu Axmed oo ku magac dheeraa Al-faraahiidi oo qarniguu noolaa ka mid ahaa culimadii aqoonta loo daba fadhiisan jiray ayaa laga hayaa: Noloshayda saacadda iigu darani waa wakhtiga aan wax cunaayo waayo waxaanan awoodi karin inaan wax akhriyo, inaan wax qoro, inaan wax dhigto ama dhigo iyo inaan cibaadaysto toona.”

Fadlan lawadaag Asxaabtaada
2 thought on “Culimadii hore iyo wax Akhriskooda.(Qaybta 1aad)”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *