Hordhac
Maqaalkan waxa aan kaga hadli doono astaamaha wanaagsan ee lafdhabarta u ah baraha iyo xirfadaha barenimo si guud. Astaamaha baraha wanaagsan ee aan maqaalkan kaga hadli doono waxa ka mid ah aqoonta baraha, codkarnimadiisa, siddashada cashar diyaarinta maalinlaha ah, qurxinta labiska baraha, muujinta waji furnaan iyo soo jiidashada ardayda. Waxa kale oo astaamaha baraha wanaagsan ee aynu maqaalkani ku soo qaadan doonno ka mid ah ahaanshaha ay tahay in uu baruhu ahaado mid firfircoon una heellan shaqada isla markaana ah bare indheergarad ah oo meel durugsan wax ka arki kara.
Marka aynu qeexano astaamaha baraha wanaagsan waxa aynu ka qiimeynanaa dhanka saameynta ardayda uu baruhu ku yeesho iyo xiiso galinta doonista ardayda ee kordhinta heerka aqoontooda.
Si guud astaamaha baraha wanaagsan waxa loo kala qaybiyaa saddex waaxood oo kala ah Aqoontiisa, Awoodiisa gudbineed iyo xiriirka uu la leeyahay ardayda, barayaasha, waalidiinta iyo bulshada kale balse waxa aynu u sii kala saari doonaa intan in ka badan.
Cilmibaaris kooban oo lagu sameeyay saddex dugsi sare oo ku kala yaal Hargeisa, Borama iyo Burco isla markaana xog lagaga ururinaya arday dhan 300 oo arday marka wax laga weyddiiyey barayaashooda kuwa ugu saameynta iyo raadeynta badnaa ee ayna sinaba u iloobi karin iyaga oo ka mahad iyo abaal sheeganaya, 80% taasi oo u dhiganta 240 arday kama aysan hadlin heerka aqoonta, shahaadooyinka iyo jaamacadaha uu soo baxay barahaasi.
Ardaydani dhinacyo kale ayay wax ka qiimeeyaan iyaga oo eegaya habdhaqanka, naxariista, qalbi furnaanta iyo dabacsanaanta danaynta iyo waalidnimadu ku dhisan tahay ee barahooda. Waxa ay ardaydu qiimeeyaan tayooyinka shakhsiyadeed (Qualitative) ee baraha iyaga oon marnaba aan baraha saameyntiisa ku qiimeyn heerkiisa aqooneed (Quantitative). Heerka aqoonta ee baruhu waxa ay tahay dhinac mudan oo u baahan qiimeyn gaar ah laakiin saameynta ardayda ee baraha iyo aqoonta baraha waxa xiriirka dhaxaysiiyaa waa habdhaqanka baraha.
Waxa uu yiri qoraaga buuga Hiil bare waxa aan weyddiiyey 100 arday oo kala heerar iyo aqoon duwan ” Hadduu jiro bare aanad iloobi karin, waa maxay sababta uu kuu raadeeyay?” waxa ay warcelintoodu ahayd sidan hadaladan.
- “Waxa uu ahaa bare mar walba u diyaarsan wax dhigista, dhaqankiisana ayna ahayn kala daadsanaan iyo diyaargaraw la’aantu”
- “Waxa uu ahaa bare mar kasta ii naxariista ina dareensiiya in uu waalidkay yahay wanaaga iyo horumarka mustaqbalkaygana uu aad u daneynyo”.
- “Waxa uu ahaa barihii ugu fur-furnaanta iyo aqoonta badnaa ee aan waligay arko”
- “Waxa uu ahaa bare aad u caddaalad badan oon marnaba kugu xadgudbayn”
- “Waxa uu ahaa bare kaftan iyo maad badan, waxa uu casharada noo bari jiray si maad iyo qosol badan isla markaana fasalkiisu ma ahayn meel lagu caajisi karo”
- “Aad ayuu ii ixtiraami jiray aniga iyo dhammaan ardayda kaleba, waligiina arday fasalka hortiisa uguma hanjabin kumana ceebayn”
- “Waxa uu ahaa bare la dareen ah ardayda isaga oo markasta si dhaw u waraysan jiray ardayda, caawin jiray kuwa u baahan, garabna u fidin jiray”
- “Waxa uu ahaa bare aad ii dhiirigaliya, si gaar ah gacanta ii qabta, himilooyin iyo hiigsiyo badanna igu beeray, waxa uu igu dhiirigalin jiray in aan horumar aqooneed sameeyo si aan bulshada ula tartamo”
- “Waxa uu iga caawin jiray agabka waxbarashada, mana danayn jirin lacagta ay ardaydu bixiyaan, marar badan lacag kama bixin goobta waxbarasho ee uu maamulka ka ahaa, imana weyddiin jirin”.
- “Si gaar ah ayuu magacayga iigu yeeri jiray gudaha fasalka, isaga oo i dareensiinaya in aan ahay qof fasalka ka mid ah, jira oo magac leh. Marna iiguma yeerin wax aan magacayga ahayn taasina dareen gaar ah oo ah in aan muhiim ahay ayay i siin jirtay”.

Dhammaan ardaydaa aan weyddiiyey hal weyddiin isku mid ahi waxa ay sheegeen waxna ku qiimeeyeen waxa ay u badanyihiin habdhaqan iyo dabeecado barayaashoodu ay lahaayeen, aad ayay u yarayd arday ka hadlay heerka aqoonta iyo shahaadooyinka barayaashooda. Tani waxa ay inoo iftiiminasaa muuqaal wanaagsanna inaga siinaysaa in baruhu saamayn togan iyo mid tabanba ku yeelan karo ardayda uu wax barayo. Arday kale iyagana waxa aan wax ka weyddiiyey barayaal ay xusuustaan balse raadka ay maskaxdooda ku yeesheen barayaashani aanu ahayn mid wanaag iyo abaal ka turjumaya, waxa ay ardaydan qaar badan oo ka mid ahi ka sheegteen barayaashooda caddaalad darro, gacan, han jabaad joogto ah, bahdil ardayda dhexdooda ah, iyo ficilo kale oo baryaashooda ay kala kulmeen. Ardayda qaar ayaa waxa ay ii sheegeen in kelmedo barahoodu ku yiri ay saameyn ruuxi ah ku yeesheen iyaga oo niyad jab iyo cagajiid waxbarasho ka qaaday weerahaa barahoodu ku yiri.
Intaa ka dib daraasadan kooban ee aan sameeyay waxa iiga soo baxay in habdhaqanka, eray bixinta iyo dhammaan hadalada baruhu adeegsanayaa ay saameyn togan ama mid taban ku yeelan karaan ardayda, sidaas darteed waxa aad u mudan in wakhti iyo tamarba uu baruhu galiyo sidii uu u wanaajin lahaa horumarna ugu samayn lahaa habdhaqannadiisa wanaagsan. Marka aan ka hadleyno baraha wanaagsan ama aynu doonayno in aynu tilmaamo ka bixino astaamaha uu ku sifoobay baraha wanaagsani, waxa aynu ka hadlanaa waa halbowlaha iyo ubucda xirfada barenimo.
Bare kastaa waa inuu wakhti iyo kartiba ku bixiyaa in uu horumariyo xirfadiisa, tani waxa ay keenasaa in dhammaan bulshada uu waxbarayo yar iyo weynba muuqaal aan dhammaan ay maskaxdooda kaga haystaan habdhaqanka barahaa. Sida aynu wada ogsoonahay haddaad waraysato arday jaamacad ama goob waxbarasho oo kale ka soo baxay, dhammaan barayaashiisa ma wada xusuusto laakiin waxa jira hal bare oo aanu waligii iloobin, barahaa oo lahaa astaamo u gaar ahaa oo uu kaga soocnaa barayaasha kale.
Hadaba halkan waxa aan kusoo koobayaa qaar ka mid ah astaamaha baraha wanaagsa
1. Waxa Uu Si Joogto Ah U Kobciyaa Aqoontiisa
Mar kasta oo baruhu aad uga dhisan yahay laan aqooneedda uu ardayda barayo isla markaana leeyahay aqoon ku habboon kolba heerka ardayda uu wax barayo, Waxa baraha u korodha sharaf, qadarin iyo karaamo uu ku dhex yeesho ardayda iyo bulshada kale ee uu deegaan wadaaga la yahay.
Ardaydu waxa ay inta badan xushmeeyaan baraha laan-aqooneeddiisa uu gudbinayo ay ku kalsoonyihiin in uu aqoon durugsan oo cufan u leeyahay, tani waxa ay keenasaa in ardaydu iyaga oo ku niyad wanaagsan horfadhiga iyo wax ka dhagaysiga barahan ay horumariyaan aqoontooda dadaalna galiyaan gaaritaanka ujeedooyinkooda waxbarasho.
Baraha wanaagsani waa in uu mar walba kordhiyo korna u qaado aqoontiisa si guud, kaliya ma aha aqoonta uu dhisayaa laan-aqooneedda uu ardayga u qaabbilsan yahay balse baruhu waa in uu wax ka yaqaan dhammaan maaddooyinka ka baxa goobta waxbarashada ee uu ku sugan yahay, waa in uu wax ka yaqaan xirfadaha raasamaalka u barenimada, waana in uu tusaale “ Role Model” buuxa u yahay ardayda uu wax barayo. Heerarka kala duwan ee dugsiyada barayaashu wax ka dhigaan, dhanka aqoonta baruhu heerka ay gaadhsiisan tahay aad ayay ukala duwanyihiin. Baraha dugsiga hoose wax ka dhiga waxa laga yaabaa in ayna ardaydiisu aad u qiimeyn, kaliya ay u aqoonsanyihiin barahoodii laakiin barayaasha dugsiyada sare waa in ay ogaadaan waxa ay wax barayaan arday kortay oo garaadkoodu aad u shaqaynayo.
Ardayda dugsiyada sare waxa ay awood u leeyihiin in ay baraha wanaagsan ee aqoontiisu dhisan tahay iyo baraha aan awood badan u lahayn laan- aqooneedka uu dhigayo ay Si fudud ukala saaraan. Waxa ay ardayda dugsiyada sare awood u leeyihiin in ay faallooyin kala duwan ka bixiyaan barayaashooda iyaga oo qaar ku tilmaamaya barayaal qiimo badan oo hawlkar ah halka qaar kalena ay ku tilmaamayaan barayaal aad u hooseeya oon ku habboonayn barenimada.
Sidaas darteed baraha ka hawlgala goob waxbarasho sare waxa u wanaagsan in uu aqoontiisa kor u qaado, si joogto ahna u kordhiyo isaga oo kolba laan-aqooneed si gaar ah u daraasaynaya, maadaama ayna aqoontu marnaba xad iyo goob dhammaad lahayn.
Waxyaabaha kordhiya aqoonta baraha isla markaana hadalkiisa dhumucda iyo murtidaba u yeella waxa ka mid ah akhriska iyo adeegsiga cashar diyaarinta baraha.

2. Waa Cod-Kar Leh Kartida Gudbinta Casharka
Waxa iyaduna aad muhiim u ah in uu baruhu noqdo qof codkar ah isla markaana awood iyo kartiba u leh in uu si waafi u wada gaarsiin karo codkiisa iyo tilmaamaha uu bixinayo dhammaan ardayda ku sugan fasalkiisa. Codkarnimadu waxa ay kordhisaa qiimaha baraha, waxayna aad uga hortagtaa in ay ardaydu haleelaan sheeko iyo guux ay gudaha fasalka ka sameeyaan, waxa ay kordhisaa feejignaanta ardayda waxa ay sidoo kale codkarnimada baruhu kor u qaadaa xiriirka ardayga iyo barihiisa iyo saameynta baruhu ku yeesho ardayda uu wax barayo.
Barayaashu isku awood codeed ma aha, qaar si dabiici ah ayay ugu cod dhaadheeryihiin, qaar kale way bartaan codkarnimada halka qaarna ay aad ugu adagtahay gaarsiinta codka dhammaan gudaha fasalka.
Dhanka kale khubaro aad ugu xeeldheer qaababka maamulka gudaha fasalka ee baraha ayaa waxa ay sheegeen in baraha codkiisu aadka u wada gaaro ardaydu aanu tamar badan ku bixin maamulida gudaha fasalka balse codka ay ardaydu wada maqlayaan qayb laxaad leh ka qaato maamulida fasalka ee baraha.
In uu baruhu ahaado codkar aad loo wada maqlo waxyaabaha ka qayb qaata waxa ka mid ah heerka aqoonta baraha, kalsoonida baraha iyo waayo aragnimadiisa barenimo. Barayaasha inta badan codkooda ay ardaydu aadka uga cawdaan waa barayaasha bilawga ah een muddo badan ku soo shaqayn xirfada barenimo, waxa kale oo ardaydu codkooda aad uga cawdaan barayaasha aan kalsooni badan ku qabin heerka aqoontooda.
Dhanka kale waxa jira qayb kale oo barayaasha ka mid ah oo si dabiici ah iyaga oon cabsi iyo kalsooni darro midna dareemayn, haddana codkoodu iska hooseeyo, barayaashani iyagu khalad lagu canaanto ma laha balse waxyaabaha ka caawin kara in ay codkooda kor u qaadaan waxa ka mid ah in ay barayaashani qaataan tababaro koob-kooban oo ku saabsan fagaare ka hadalka (Public speaking), mana wanaagsanna in baruhu ka xishoodo korodhsiga aqoonta.
3. Waxa Uu Ku Qalabaysan Yahay Cashar Diyaarin
Qodobkani wax aan ku sharxi donaa maqaalka xiga insha allah lasocod wanaagsan
Xigasho Hiil bare: Farxaan C.Muxamed
