EconomicsEconomics

Dhaqaaluhu ma ahan cilmi cusub oo casriya ah keliya, balse waa mid ay dadku muddo dheer ku dhaqmayeen xitaa ka hor inta aan magaca “Economics” la adeegsan. Waxay ku bilaabatay nolosha bani’aadamka marka uu bilaabay inuu ururiyo, kaydsado, qaybsado, ama kala iibsado kheyraadka.

Taariikhda dhaqaalaha waa sida safar dheer oo bani’aadamku ku soo maray marxalado kala duwan laga bilaabo dhaqaalaha qadiimiga ah ilaa kan casriga ah ee maanta isticmalno.

Dhaqaalaha Qadiimiga.

Giriiggii Hore (Ancient Greece).

Falsafad yahannadii Giriiga sida Aristotle iyo Plato waxay ka hadleen fikrado ku saabsan hantida, ganacsiga, iyo caddaaladda bulshada.

Aristotle wuxuu ka digay ribada taso afka qalaad lagu dhaho (interest) wuxuuna ku tilmaamay mid aan cadaalad ahayn sidoo kale waxan ognahay ribada in ay diintena aad inooga digtay.

Roomaankii Hore (Ancient Rome).

Roomaanku waxay hormariyeen mashuruuca ku saabsan ganacsiga, canshuuraha iyo dhulka.

Waxay dhaqaale ku dhiseen addoonsi iyo dhul ballaaran oo beeraha ah.

Dhaqaalaha Islaamka (Golden Age of Islam).

Qarnigii 8aad ilaa 14aad, culumada Muslimiinta waxay hormariyeen dhaqaalaha iyagoo isku daray Cilmiga shareecada iyo dhaqaalaha.

Culumada wax ka qorey kuwoodii ugu muhiimsana waxa ka mid ah:

lbn Khaldun:

Ibnu Khaldun wuxuu ku dhashay magaalada Tunis sanadkii  732H / 1332M. Wuxuuna ku geeriyooday magaalada Qaahira ee dalka (Masar) sanadkii 808 / 1406 M

Waxaa loo yaqaanaa oo uu caan ku ahaa Aabbaha Cilmiga Bulshada iyo Dhaqaalaha. -Buuggiisa Muqaddimah wuxuu ku sharxay sida dhaqaalaha, canshuuraha iyo shaqada bulshada u saameeyaan isbeddelka ummadaha.

Wuxuu yiri: “Canshuurta badan waxay yaraysaa dakhliga dowladdu helayso, halka canshuur yar ay kordhiso dhaqaalaha iyo ganacsiga.” waxa la mid ah waxa maanta loo yaqaan ( Laffer Curve).

Al-Ghazali iyo Al-Mawardi: waxay ka hadleen masiirka ribada, ganacsiga xalaasha ah, iyo qiimaha caddaaladda ku saleysan.

DhaqaaIaha Islaamka wuxuu hormariyay fikrado ay casrigii dambe reer Galbeedku qaateen.

Dhaqaalaha Casrigii Hore (Classical Economics):

Qarnigii 18aad, dhaqaalaha casriga ah ayaa soo ifbaxay gaar ahaan Yurub.

Adam Smith

Adam Smith wuxuu ahaa faylasuuf iyo dhaqaaleyahan reer Scottish ah, oo loo yaqaanno “Aabbaha Dhaqaalaha Casriga ah”. Wuxuu ku dhashay magaalada Kirkcaldy, Scotland, 5-kii Juun 1723.

Wuxuu ku geeriyooday magaalada Edinburgh, Scotland, 1 7-kii July 1790.

Buuggiisa The Wealth of Nations (1776) wuxuu ku sharaxay sida suuqa xorta ah (free market) iyo “Gacanta Qarsoon” (Invisible Hand) ay dhaqaalaha u maamulaan. -Wuxuu ku dooday in ganacsiga xorta ahi uu bulshada u keeno barwaaqo.

David Ricardo

wuxuu hormariyay aragtida Comparative Advantage (faa’iidada tartanka caalamiga ah).

Dhaqaalaha Keynesian (Modern Economics):

Qarnigii 20aad waxaa soo baxay John Maynard Keynes wuxuu ahaa dhaqaale yahan weyn oo Ingiriis ah, aasaasna u noqday fikradda Keynesian Economics.

Wuxuu dhashay 5-kii June 1883 magaalada Cambridge, England. Wuxuu ku geeriyooday 21 -kii April 1 946 magaalada Firle, Sussex, England.

Keynes wuxuu caan ku noqday fikirkiisa ku saabsan sida dowladuhu u faragelin karaan dhaqaalaha, gaar ahaan xilliyada qalalaasaha dhaqaale, isagoo ka soo horjeestay aragtidii suuqa xorta ahayd ee Adam Smith iyo kuwa la midka ahaa.

Keynes wuxuu buugiisa The General Theory of Employment, Interest, and Money (1936) ku sheegay in dowladdu ay tahay in ay dhaqaalaha dhex gasho marka uu hoos u dhaco.

Wuxuu ku talinayay in dowladdu kordhiso kharashaadka (public spending) si loo yareeyo shaqo la’aanta.

Aragtidiisa ayaa ka dhalatay kaddib Dhibaatadii Dhaqaale ee Caalamka (Great Depression) tasoo dhac day intii u dhaxeysay  1929-1939.

Dhaqaalaha Casriga ah (Contemporary Economics):

Maanta dhaqaalaha wuxuu u kala baxaa laamo badan:

  • Micro Economics & Macro Economics
  • DhaqaaIaha horumarinta (Development Economics).
  • DhaqaaIaha deegaanka (Environmental Economics).
  • DhaqaaIaha Islaamka (Islamic Economics).
  • DhaqaaIaha caalamiga ah (International Economics).

Waxaa kale oo jira isku dhaf cusub oo dhaqaalaha iyo culuum kale sida:

  • DhaqaaIaha iyo siyaasadda (Political Economy).
  • DhaqaaIaha iyo maskaxda (Behavioral Economics).
  • DhaqaaIaha iyo deegaanka (Green Economics).

Ugu Danbeyn Dhaqaalaha wuxuu soo maray marxalado badan oo kala duwan:

1 .Qadiimiga (Giriig & Roomaan).

2.IsIaamka (Culumada Muslimiinta).

3.CIassicaI (Adam Smith iyo saaxiibbadiis).

4.Keynesian (Dowlad dhexgasha dhaqaalaha).

5.Casriga (Isku dhafka culuumta kala duwan).

FG: Fahamka taariikhda dhaqaalaha wuxuu ka caawinayaa ardayga inuu ogaado sida fikradaha casriga ah u salka saaraan fikirkii hore, iyo sida dhaqaaluhu u yahay cilmi si joogto ah isu beddelaya.

Qoray: Abdirisaq Ibrahim

Fadlan lawadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *