Taqwa (Alle ka cabsi) waa fikrad muhiim u ah dhaqanka Islaamka, oo qeexaysa in qofku si joogto ah uga warqabo jiritaanka Alle iyo sifooyinkiisa. Fahamka intaasi waxay qofka u saamaxaysaa in uu garto yoolkiisa nolosha oo aanay leexin hammiga iyo rabitaannada is badbadalaya ee adduunyadu.
Taqwada ama Alle ka cabsigu waa il weyn oo laga helo barakada iyo tamar ruuxeed, sababta oo ah waxay ku siinaysaa sal adag oo ku saabsan qiyamkaaga iyo mabaadii’da uu Alle iyo rasuulkiisu SCW jideeyeen.
Muhiim ma aha sida aad wax u qabanaysaa, cibaadadu waxay dib kuugu soo celinaysaa qiyamkaaga iyo mabaadii’daada oo kaa caawinaya in aad ku taagnaato jidka toosan. Alle ka cabsigu waa nooc ka mid ah edbinta, waxaad ku korinaysa gudaha maskaxdaada, qalbigaaga, iyo ruuxdaada, si aad u ilaaliso ficilladaada iyo erayadaada.
Taqwadu waxay kordhisaa tamarta ruuxeed, mar kasta oo aad cibaado badan tahay waxa sii kordhaaya awoodda aad ku kobcinayso shakhsiyaddaada iyo dabeecaddaada.
Waxay awood kuu siinaysaa in aad samayso go’aammo maangal ah oo guul kuu horseedaya, xitaa hadday yihiin go’aammadaasi kuwo muddo kooban kuu shaqaynaya.
Taasina waxay ku caddahay qisadii nebi Yuusuf CS:
Alle ka cabsigiisa ayaa ku qasbay in uu diido in ay sasabato naagtii sayidkiisa, taasina waxay keentay in xabsiga la dhigo, ugu dambayntii, taqinnimadiisi waxay keentay in uu Nebi Yuusuf noqdo khasnajigii ama lacaghayihii Masar.
Waa fikrad kale oo muhiim u ah Islaamka, caddaynaysana in cibaadadu ugu dambeyntii dhaliso abaal-marin iyo barako aan la qiyaasi karin adduun iyo aakhiro labadaba. Alle wuxuu Qur’aanka ku yiri:
وَلَوْ أَنَّ أَهْلَ الْقُرَى آمَنُوا وَاتَّقَوْا لَفَتَحْنَا عَلَيْهِم بَرَكَاتٍ مِّنَ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ وَلَكِن كَذَّبُوا فَأَخَذْنَاهُم بِمَا كَانُوا يَكْسِبُونَ﴾[96 : الأعراف ]
“Hadday dadka magaalooyinkaasi rumayn lahaayeen Alle oo ay cabsan lahaayeen, waxaan u furi lahayn barakooyin ka imanaya cirka iyo dhulka.”
Alle wuxuu Qur’aanka ku yidhi:
وَمَن يَتَّقِ اللَّهَ يَجْعَل لَّهُ مَخْرَجًا وَيَرْزُقْهُ مِنْ حَيْثُ لَا يَحْتَسِبُ : وَمَن يَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ فَهُوَ حَسْبُهُ إِنَّ اللَّهَ بَالِغُ أَمْرِهِ ، قَدْ جَعَلَ اللَّهُ لِكُلِّ شَيْءٍ قَدْرًا [3 : الطلاق ]
“Ruuxii Alle ka cabsada, wuxuu u yeelaa jid uu ka baxo, waxaanu ka quudiyaa meel aanu filayn”.

Waxa jira qisooyin badan oo ku saabsan sida ku baraarugsanaanta awoodda Alle u horseeday barako iyo guul ka baxsan male awaalka. Waxaad marar badan maqashay sheekada caan ka ah ee inanta yar ee diidaysa in ay dhegaysato amarkii hooyadeed ee ahaa in ay caanaha ku darto biyo (si ay u bataan) ka dibna ay iibiyaan,Inantaa yari waxay xasuusisay hooyadeed in khaliifkii Cumar binu Khadaab uu faray in aan caanaha biyaha lagu barxin, hooyadeed waxay u sheegtay in aanu Cumar agjoogin oo aanay cidina ogaan Karin,Gabadhii yarayd ayaa tiri, “laakin Alle ayaa ina arkaya!” Gabadha iyo hooyadeed midna ma ogayn in
Khaliifkii Cumar uu maqlayay hadalkii labadooda dhex maray oo dhan.
Cumar aad ayuu ula dhacay jawaabta gabadha, wuxuu go’aansaday in uu u guuriyo mid ka mid ah wiilashiisa. Ku baraarugsanaanta awoodda Alle inantii waxay u horseeday guur barwaaqo ah oo kor u qaaday maqaamkii ay bulshada ku dhexlahayd. Waxay dhashay nin kale oo weyn, oo mararka qaarkood loogu yeero khaliifkii shanaad ee islaamka; Cumar binu Cabdulcasiis.
Waxaad u baahan tahay in aad si joogto ah u weyddiiso naftaada: “Haddii aan qaado tallaabada soo socota ama aan ku hadlo hadalkan soo socda ama aan sameeyo ficilkan soo socda miyay farxadgelin doontaa allaah?” Hadday jawaabtu tahay ‘haa’, waa in aad sii wadaa. Hadday jawaabtu tahay ‘maya’, iska ilaali oo ka gaabso,Sidan ayaad ku helaysaa taqwada.
Waxa la wariyey in Cumar binu Khadaab uu weydiiyey Ubaya binu kacab waa maxay Taqwadu? Ubaya waxa uu ku yidhi, “Waligaa maku socotay jid qodax leh? Cumar waxa uu yiri, “Haa”. Ubaya ayaa weyddiiyay, “Dabadeed maxaad samaysay?” Cumar wuxuu ugu jawaabay, “Dhudhummadayda ayaan marada kor uga qaadayaa, waxaan eegayaa meesha aan lugahayga dhigayo, midda hore meesha aan dhigayo iyo midda danbe meesha aan kasoo qaadayo, aniga oo ka baqaya in ay qodaxdu i muddo”, Ubaya binu kacab ayaa yiri
“Alle ka cabsigu waa sidaa oo kale”, si aad naftaada uga ilaaliso dambiga, guulna ugu dhammaysato safarka noloshaada adiga oo aan dambi ku dhicin.
Ugu dambeyntii, waxa iyana muhiim ah in la ogaado in taqwadu ay tahay mid looga baahanyahay qof kasta Waxaynu had iyo jeer u maleyneynaa in taqwada Alle ay tahay fikrad u gaar ah culimada diinta sida qotada dheer u baratay ,Maya, taqwadu waa shay ay tahay in aynnu dhammaanteen ku dadaalno, horumarinno oo ku koryeello nolosheenna markasta,Cidda wanaagsan oo kaliya ayaa la imanaysa Alle ka cabsi. Alle ka cabsiga waxaad ka helaysaa wanaag kuu horseedaya nolol sharaf leh oo waxsoosaar leh.
Tallaabooyin dhaqan gelin mudan Mar kasta ku baraarug awoodda Alle:
Go’aan kasta oo aad qaadanayso is weydii, “haddii Alle uu wax iga weydiiyo go’aankan, maxaan oran lahaa? Sidee ayaan u caddayn kari lahaa?

Wax badan ka baro Allaah:
Baro magacyadiisa iyo sifooyinkiisa iyo siday u saameeyaan noloshaada. Cafis weydiiso, haddaad gafto, isla markiiba toobad keen. Ha rumaysan khiyaamada shaydaanka ee ah in aad tahay qof xun oo aan la cafin doonin.
Allah wuxuu Qur’aanka ku yiri:
قُلْ يَا عِبَادِيَ الَّذِينَ أَسْرَفُوا عَلَى أَنفُسِهِمْ لَا تَقْنَطُوا مِن رَّحْمَةِ اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ يَغْفِرُ الذُّنُوبَ جَمِيعًا : إِنَّهُ هُوَ الْغَفُورُ الرَّحِيمُ) : الزمر
“Ku dheh addoomadayda naftooda ku xadgudbay, ha ka quusanina naxariista Alle, Alle dambiyada oo dhan wuu dhaafaa:runtii waa dambi dhaafe naxariista.”
