“Nimaan dhididin ma dheefsado”
“Nimaan hadlin hoyadiisna halmaantay”
Waxaa aan loo hayn ilaa iyo hadda wax gaaraa waa dadaalka, haddii aad dadaashid waad dhaafi kartaa qof kaa hibo sareeya, haddii aad dadaashid waad dhaafi kartaa qof kaa aqoon badan, dadaal wax la tartama looma hayo dad wuxuu isku dhaafay waa dadaal.
Xaqiiqdu waxay tahay qofku hadduu dadaalayo markii aad geeddi guurtaba labo ayuu guurayaa,Waxyaalaha ay ka siman yihin dadka guulaystay qarnigii ay doonaanba ha noolaadeene waxaa ka mida dadaalka. Nolosha marka aad doonaysid inaad heer ka gaartid marka ay kuu calaamadsan tahay bartii aad geediga ku furi lahayd waa inaa la timaadaa dadaalkeeda. Ogowna hadba natiijada ka dhalata dadaalkaaga waxay ku xirnaanaysaa intaad dadaal galisisay.
Tusaale ahaan haddaad doonaysid inaad orodid shan boqol oo talaabo waxay ku xiran tahay dadaalka iyo tababarka aad samaysay. Haddaad doonaysid inaad buundo sare ku baastid imtixaan, waxaaad eegtaa dadaalka aad gelisay ma yahay mid sarreeya mise ma han. Marna ha ku eedin cid kale waxaad ku wayday dadaal xumidaada.
Adduunku ma ahan mid adiga ku sugaya haddaad haysid feker wanaagsan ku dadaal meeshana ka dhaqaaq.
Maxaa yeelay dadaalka wanaagsan wuxuu kuu geeyaa meesha nasiibka wanaagsan kaa helayo.
Somaalidu waxay tiraahdaa “Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan”
Taasoo macnaheedu yahay inaad yurursataa meel inaysan waxba ku imaanayn ee ay wax kastaa ubaahan yihiin in loo dhidido—loo dhaawacmo—loo dhafro—loo dhalandhoolo—loo dhabar adaygo—loogana tago waxbadan oo naftaan ku haysatay raaxo iyo raaхо beenaad. Naf walba guusha ay ka gaarto nolosha waxay ku jaan go’an tahay dadaalka ay bixisay. Noloshana heerba heerkuu ka sii sareeyo waa mid codsanaya in la geliyo dadaal dheeri ah. Ciriiriga iyo caqabadaha nolosha waxaa looga gudbaa waa dadaal. Waa dadaal aan is dhiibid lahayn, waa dadaal dulqaad kiisa wata, waa dadaal wata anshaxiisa iyo qorshihiisa, waa dadaal lagu celceliyay. Ciyaar yahanku waxa uu utababartaa 15 sano inuu ku guulaysto cayaar soconaysa 15 daqiiqo.

Haddaad doonaysid meesha u sarreysa waa in dadaalkaaguna ka sii sarreeyaa meesha u sarreysa. Tayada noloshaadu waxay le’eg tahay hadba inta dadaalkaagu le’egyahay.
Guushu ma aha wax la isasiiyo ee waa wax la kasbado waa wax lagula yimaado dadaal.
Waydii qof cayaar yahan ah waxa uu dareemo marka uu ka baxo tababarka wuxuu kuu sheegayaa inuu yahay tabcaan, haduusan ahayn tabcaan macnaheedu Waa inuusan maalintaas si fiican u tababaran.
Guushu ma aha mid ku timaadda fudayd.
Markaad wax qabanaysid u qabo si dhamaystiran boqolkiiba boqol, ha qaban boqolkiiba sagaashan ama boqokiiba shagaashaniyo shan, balse qabo ilaa heerka usareeya maxaa yeelay guushu waxay codsanaysaa dadaal iyo wax qabad kiisa u sarreeya. Dadaal aan kala go lahayn haba yaraado waa mid ku gaarsiinaya natiijo wax ku ool ah.
Aduunka waa inaad suu yahay ula macaamishaa ma aha saad rajaynaysid inuu noqdo.
Waxaa jira geed yar oo timira waxa uu ka soo baxay ganjeelka agtiisa dhinaca dayraka xiga mel gees ah. Geedkaan waxa uu soo dhaafay dhagaxii dayrka lagu cagdhigay kabiskii la gushubay shamiitadii lamariyay iyo waliba mutuleelkii oo uu ka soo dhafay meelay labo muturel iskaga yimadeen. Geedkani waa cagaaran yahay gu iyo jilaalba maxaa yeelay biyaha dayrka lagu dhaqo ayaa gaara. Wuxuuna hadda ubaxayaa si nabad ah, yusanba waynaane.
Waddada guusha loo maro waa mid dheer oo cidlo ah, ha sugin cid kuu wehel yeesha. Waddada guusha loo maro waa mid mugdi ah, ha sugin cid laanbad kuu ifinaysa ama shumacyo kaa daba qaaadda. Waddada guushu waa mid adag oo dhagax ah, qorijab badan, ha sugin cid kuu xaaqda oo kuu nadiifisa. Waddada guusha loo maro, waxaa ku yaal qarar dheerdheer, ha sugin jaranjaro ku gaysa ama wiish ku qaada. Waddada waxaa jooga bahalo ha sugin cid kaa difaacda. Waddada guusha loo maro ma lahan tilmaame, ha sugin cid ku hagta.
Waddada guushu ma ahan mid ay dadku wada fahamsan yihiin ee ha ka sugin, in lagula fahmo oo lagu taageero. Waddada guushu waxay leedahay dalcado dheerdheer, ha sugin cid ku riixda.
Waddada guusha loo maro waxaa ka sokeeya guuldarrooyin badan, waxaa dhooban dad soo fashilmay, ha ka sugin wax khayr leh, inay kuu sheegaan ee iska sii dhaaf. Guushu waa adiga iyo naftaada. Hadaba wayddii naftaada su’aalahan.
Ma diyaarsan tahay?
Dadaal ma jiraa?
Akhlaaq wanaagsan mal eedahay?
Joogtaynta ma isku fiican tihiin?
Samir saaxiib ma la tahay?
Yoolashaadu ma yihiin kuwo kuu qoran?
Waqtigaagu ma kuu xisaabsanyahay?
Xisaabtaadu ma tahay mid kuu qoondaysan?
Ma u gaajaysan tahay gaaridda guushaada?
Haday intaas oo su’aalood hadday jawaabatoodu yihiin HAAH. Maxaad sugaysaa?
Xigasho: Dabar iyo Hogaan. Jawahir Saciid
