Hordhac
Baraha u diyaarsan gudbinta casharka uu sito waxa saldhig u ah in uu marka hore soo diyaarsaday qorshe u sahlaya in casharkan loo gudbiyo sida ugu habboon isla markaana fariinta casharku xambaarsan yahay ay dhammaan ardaydu kala soo bixi karaan.
Cilmibaarayaal aad ugu xeel-dheeraaday qiimeynta iyo dabagalka barayaasha ayaa waxa ay astaamaha ugu muhiimsan ee baraha wanaagsan ku sheegeen in ay tahay sidashada uu sito cashar diyaarintiisa, waxa ay yiraahdeen “Haddii aad doonayso in aad qiimeyso bare, heerka uu doono ha ahaadee, kaliya waxa aad weyddiisaa cashar diyaarintiisa.
Haddii uu sito cashar diyaarin waa bare haddii kalese waxa uu u baahan yahay in la siiyo tabobar iyo aqoon kordhin”

Faa’iidooyinka Cashar Diyaarinta Ee Baraha
- Waxa uu hagaa baraha
- Waxa uu awood siiyaa baraha
- Waxa uu baraha ku ilaaliyaa in uu fulinta ujeedada casharka Ku sugnaado
- Waxa uu baraha siiyaa muuqaal ah qaabka ay xiisadu u dhici doonto wakhtigeeda ka hor.
- Waxa uu baraha ka caawiyaa in uu baruhu si macquul ah u maamulo wakhtiga xiisada.
- Waxa uu kor u qaadaa kalsoonida, dhiiranaanta iyo isku filnaanshaha baraha.
- Waxa uu baraha u kordhiyaa maamuus uga timaad dhammaan hawlwadeennada ay goob shaqo wadaagayihiin sida maamulaha, barayaasha kale iyo ardaydaba.
- Waxa uu dhisaa korna u qaadaa nidaamsanaanta baraha isaga oo cashar diyaarintu baraha ku ilaalinayo gaarida ujeedka casharka.
- Diyaarsanaanta baruhu u diyaarsan yahay gudbinta casharkiisu waxa ay baraha siisaa kalsooni, dhiiranaan iyo awood uu ku maamulo fasalka, wakhtiga iyo xiisadaba, waxa kale oo ay muujisaa awoodiisa barenimo maxaa yeelay cashar diyaarintu waa udub dhexaadka xirfada barenimo.
Faa’iidooyinka Cashar Diyaarintu U Leedahay Ardayda
- Ardaydu waxa ay ka cashar diyaarinta baraha ka bartaan diyaarsanaanta iyo kalsoonida qofku ay tahay in uu muujiyo wakhtiga shaqadiisa uu ku gudo jiro.
- Waxa uu ardayda u ilaaliyaa wakhtiga xiisada maadaama baruhu ku kooban yahay ujeedka xiisada wakhtigana si fiican u maamulayo.
- Cashar diyaarintu waxa ay hiil iyo garab u tahay ardayda ka dib dhacsan ardayda kale (Slow learners) maadaama baruhu hore usoo diyaariyay casharka waxa mudan in baruhu gaar uga warhayo ardayda u baahan garabka dheeraadka ah. Dhanka kale, baraha ku guuldaraysta in uu samaysto soona qaato goor walba oo uu xiisad leeyahay cashar diyaarintiisa, waxa inta badan lagu tilmaamaa bare gaabis iyo cagajiid ku qaabbilaya xiisada.
Barayaal badan waxa ay cudurdaar ka dhigtaan “casharadan waxa aan soo dhigayay muddo dheer, sidaas darteed dushaan ka wada hayaa umana baahni soo diyaarin iyo wakhti aan iskaga lumiyo cashar diyaarinta”. Arimaha noocan ahi run ahaantii sida ay sheegeen cilmibaarayaal ku xeeldheer arimaha khuseeya waxbarashadu waxa ay ku tilmaameen in ayna noqon karin cudurdaar iyo wax la aqbali karo. Baruhu mar kasta waxa uu u baahan yahay in uu samaysto cashar diyaarin cusub maxaa yeelay ardayduna kuwii uu sannadkii hore wax u dhigayay maaha wakhtiguna kii maaha, markaa baruhu waxa uu u baahan yahay cashar diyaarin cusub oo ka turjumasa baahida iyo qaab xalineedka baahida ardaydan cusub.

Dhibaatooyinka Cashar Diyaarin La’aanta
- Waa astaanta koowaad ee lagu yaqaan baraha daalan, cagajiidka ah isla markaana aan u diyaarsanayn gudbinta cashar tayo leh.
- Barayaasha gala fasalo ayna u sidan cashar diyaarin, waa barayaasha fasaladoodu ugu buuqa iyo sawaxanka badanyihiin.
- Cashar diyaarin la’aanta baruhu waxa ay ardayda ku beertaa kalsooni darro, caajisnimo iyo habacsanaan dadban oo aan si toos ah loo dareemi karin.
- Cashar diyaarin la’aantu waxa ay baraha ka dhigtaa bare ka hooseeya barayaasha kale, inta badanna qiimaynaha la sameeyo xagga hoose ayuu ka galaa inta ay doonto ha le’ekaato aqoontiisu.
- Cashar diyaarin la’aantu waxa ay abuurtaa kala shaki iyo kalsooni darro ka dhex aloosanta maamulaha iyo baraha bilaa cashar diyaarinta ah.
Maamuluhu waxa uu rabaaa bare kastaa in uu sito cashar diyaarintiisa, marka bare wax ka yimaadona waa in la isku canaanto, hadalada adag ee baraha uga imanaya dhanka maamulkiisa ayay barayaashu intooda badani u qaataan in iyaga loo jeedo tanina waxa ay keentaa in baruhu kalsooni ku qabi waayo maamulkiisa.
Baraha bilaa cashar diyaarinta ahi ma laha kalsooni iyo dhiiranaan uu ardayda ku hor istaago waana barayaasha inta badan fasaladoodu buuqa iyo sawaxanka badan sameeyaan inta lagu gudo jiro wakhtiyada waxbarashada.
