Werwerku waxa uu noqday mid ka mid ah qodobbada daadihiya afgembiga nololeed ee bulshooyinka carro’edegtan (caalamkan) ku nool, ee ka fogeeyay in ay isu miisaamaan baahidooda jireed, caqliyeed iyo tooda nafeed.
Haayadda caafimaadka adduunku waxa ay u bixisay Daacuunka Casrigan! Waa xanuun qarsoon oo aan ka maqnayn dadka badigiisa.
Dadku way caadaysteen iyaga oo aan garanaynin khatartiisa, dabadeetana waxa uu saamayn xun ku yeeshay caafimaadkoodii iyo hawlqabadkoodiiba!
Maanta, xanuunkani waxa uu noqday dilaaga ugu weyn ee ay dadku u dhintaan.
Werwerku waa felcelinta ay jirka, caqliga ama caadifaddu ka sameeyaan xaalad goonni ah, Qof kasta oo bashar ahi waxa uu u baahan yahay xaddi cayiman oo werwer ah, si uu u qabsado hawlihiisa u yaalla Laakiin mushkiladda uu werwerku keenaa waxa ay badataa, ama bilaabantaa marka werwerku uu ka bato intii loo baahnaa, ee uu joogto noqdo, Waxaa jira werwer wanaagsan oo qofka faa’ido u leh, oo soofeeya ama afeeya dareenka qofka, kana caawiya in ay diiradda iyo shiishku u toosnaadaan, horena ugu riixa in uu shaqooyinkiisa si wacan u qabsado, si uu u wanaagsanaado hawlqabadkiisu.
Taas beddelkeeda; waxa jira werwer keena xaalado xun iyo jawaabcelin khatar ah oo xanuunno sababi karta, dadkana ka dhiga kuwo tayo iyo tamarba yar, saamayn aanu ka soo waaqsaninna ku keena dhaqankiisa, hawlqabadkiisa iyo caafimaadkiisa, Waxa ay deraasado badani caddeeyeen in 80% werwerku uu keeno xanuunnada khatarta ah, ama uu sii cunbuqiyo (caabuqiyo) kuwo qofka hore u hayay,Intaas waxa dheer; dadka dhakhaatiirta booqda 70% waxa xanuunnada haya ku sababay werwerka iyo walbahaarka.

Waxayaabaha sababa werwerka dadka ku dhacaa aad ayay u badan yihiin, waxaana ka mid ah: shaqada, lacagta, qoyska,arrimaha bulsha, caafimaadka, dareennada, waxbarashada iyo iskubuuq qofka gudihiisa ka dhaca
Marka qofku uu dareemo nooc ka mid ah noocyada khatarta -ha ahaato mid dhab ah ama mid khiyaali ah’e waxa falcelin deggdeg ah sameeya qayb ka mid ah qanjirada oo ay u horreeyaan qanjirka ku yaalla maskaxda hoostiida ee la yiraado Hypothalamus, Pineal Gland iyo qanjirada ku yaalla kelyaha dushooda ee la yiraahdo Adrenal Glands, kuwaas oo soo daaya dheecaanno dhawr ah oo ay ka mid yihiin: Adrenaline iyo Cortisol.Dheecaanka la yiraahdo Adrenaline waxa uu kor u qaadaa garaaca wadnaha, neefsashada, cadaadiska dhiigga, xaddiga sonkorta ah ee dhiigga la socota iyo dhiigga la geynayo muruqyada iyo afarta waaxood, si uu jidhku u wajaho ama uu uga cararo waxa uu khatarta u arkay ee xaaladdiisa kiciyay.
Dheecaanka kale ee la yiraahdo Cortisol, waxa loo tixgeliyaa in uu yahay dheecaanka ugu weyn ee keena werwerka (stress) muddada dheer qofka haya. Sidoo kale; waxa uu Adrenaline la wadaagaa shaqada ah koruqaadista xaddiga sonkorta ah ee ku jirta dhiigga,Labadan hoormoon waxa ay caburiyaan oo ay carqaladeeyaan hawlaha jirka ee loo arko in ay yihiin kuwo aan ku habboonayn xaaladda kacsan ee jirku uu ku jiro, sida: habdhiska dheefshiidka iyo habdhiska difaaca jirka.
Calaamadaha lagu garto werwerka (stress)
Calaamadaha lagu garto werwerka (stress) aad ayay u badan yihiin, waxaana ka mid ah kuwo ka soo ifbaxa jirka, kuwo ka muuqda dareennada, kuwo lagu arko maskaxda iyo kuwo ka soo shaacbaxa habdhaqanka qofka.
Calaamadaha jirka ka soo ifbaxa ee lagu garto qofka werwerku uu hayo waxa ka mid ah: daal uu qoorta iyo dhabarka ka dareemo, garaaca wadnaha oo kordha, calool-istaag, shuban, hurdo la’aan, habdhiska dheefshiidka oo cilladooba, caadada oo khalkhasha iyo raganimada oo hoos u dhacda.
Calaamadaha nafsadeed ee ka muuqda qofka uu werwerku hayo waxa ka mid ah: samir yaraan, diiqad badan, kelinimo, goonnisocodnimo, murugo iyo niyadjab badan.
Marka laga warramayo calaamadaha maskaxeed ee ka soo daahira qofka werwerku uu hayo waxa ka mid ah: awoodda fikirka oo yaraata, fahamka oo daciifa iyo illawshiinyaha oo ku bata.

Calaamadda ka muuqda qofka habdhaqankiisa ee werwerku uu keeno waxa ka mid ah: cunno xumo, hurdo xumo iyo in qofku uu kala jeclaysan waayo in uu wax cuno iyo in kale, in uu seexdo iyo in kale, caro badnaan, waajibaad-dayacis iyo shaqo-dibudhigasho badan,Intaas waxa dheer, in qofku uu iska sameeyo xarakaad kala duwan oo aanu garanayn waxa uu uga golleeyahay, sida: in uu ciddiyihiisa cuno, qamuunyaysi badan, dhoollacadayn la’aan iyo in uu dhanka taban wax ka eego.
Soo-deynta joogtada ah ee la soo daayo dheecaannada keena werwerku waxa ay maskaxda ku keenaan xanuunno riiq dheeraada oo ay ka mid yihiin in ay yaraadaan neerfayaasha maskaxda, iyo in ay isdhinto awoodda maskaxda qaabilaadda macluumaadka iyo farriimaha, Waxa kale oo la ogaaday in ay kordhaan dheecaannada burburiya unugyada maskaxda ee ku yaalla qaybta hore ee garaadka.
Buuniyad (birofesoorad) Amy Arnsten oo bare ka ah jaamacadda Yale waxa ay tiri: “werwerka joogtada ahi waxa uu qofka ka dhigaa mid hankiisu uu hooseeyo, caqli yar, tamar yar oo hal’abuurka ka maran. 1982 ilaa 1992, cilmibaadhis ay Dr. Ronald Glacier iyo Pro. Janis Glaser ka sameeyeen kulliyadda caafimaadka ee jaamacad ku taalla gobolka Ohio ayay ku ogaadeen, in saddex meeloodow laba ahaan uu hoos u dhaco habdhiska difaaca ee jirku marka uu qofku ku jiro imtixaanka shahaadiga ah ee ardayda laga qaado.
Qof kasta waxa haysta nooc ka mid ah noocyada werwerka, laakiin dadku si isku mid ah ugama hortagaan dhibkaas, Dadku si kala duwan ayay uga falceliyaan, qodobbo dhawr ah baa sababa in ay si kala duwan uga falceliyaan, waxaana ka mid ah: shakhsiyadda qofka, degaanka uu ku nool yahay iyo bulshada uu qofku ku dhexnool yahay, Laakiin qodobka ugu weyn uguna muhiimsani waa qaabfikirka qofka iyo sida uu u arko diiqadda haysata ama dhibka haleelay.
Sida ugu fiican ee qofku uu ula tacaali karo ciriiriga nafsiga ahi waa in uu dhanka wanaagsan ka eego oo aanu sharaysan
Deraasado badani waxa ay farta ku fiiqeen in 75% xanuunnada ku dhaca dadku ay yihiin natiijo ka dhalatay ay nafahooda ka eegayaan iyo isla-sheekaysigooda gurracan, Celcelis ahaan, qofku maalintii waxa uu naftiisa kula hadlaa 5,000 oo kelmadood, in ka badan 77% waa hadallo taban (baasaysi) Ku-celcelinta erayada wanaagsan ee uu qofku kula hadlo naftiisa in muddo ahi, waxa ay keentaa in wanaagaas uu isugu sheekeeyay uu ka mid noqdo naftiisa, uuna si toos ah uga mid noqda dabciga wanaagsan ee qofka Qofka mar kastaba dhinaca wanaagsan wax ka eegaa, ciriiriga nafsadeed iyo xaaladaha xun ee soo wajaha waxa uu u arkaa in ay yihiin xaalado wakhti
kooban ku dhaafaya oo aan ku sii raagayn, isla markaana aan noloshiisa oo dhan burburin karin, waxa uu guddoonsadaa in waxa keliya ee xaaladda beddelayaa ay yihiin samirka iyo shaqada, kolkaas waxa uu xoogga saaraa in uu qabto waxa uu qaban karayo oo keliya Waxa uu ka shidaal qaataa qodobbada uu ku xooggan yahay, ee kama shidaal qaato qodobbada uu ku liito

Dhanka kale; cabista biyaha badani waxa ay dhulka dhigaan heerka werwerka. Jirka aadamaha 70% in ka badani waa biyo, dhiiggana 83% waa biyo, halka maskaxdu 90% ay biyo tahay, Haddii ay biyuhu ku yaraadaan jirka waxa dhacda in jirku shaqadiisii si caadi ah uu u wadaqaban kari waayo, waxaana yaraada tamarta uu qofku ku wajahayo xaaladaha adag.
Inta ugu badan werwerku waxa uu ka dhashaa murugada xaalad ku dhaaftay ama cabsi iyo baqdin uu qofku ka welwelo waxa soo socda, waana waxa uu shaydaanku i noogu yeerayo ee isaguna uu ka cabsado
Hababka iyo hannaannada lagu tanaaday ee lagula tacaalay werwerka waxa ka mid ah salaadda iyo samirka:
قَالَ تَعَالَى: ﴿أَلَا بِذِكْرِ اللَّهِ تَطْمَينُ الْقُلُوبُ (الرعد: ۲۸
“War hooy; xuska Ilaabay ayay qalbiyadu ku xasilaan.”
قَالَ تَعَالَى: ﴿وَنُنَزِّلُ مِنَ الْقُرْءَانِ مَا هُوَ شِفَاءٌ وَرَحْمَةٌ لِلْمُؤْمِنِينَ ) الإسراء: ۸۲
“Oo waxa aannu ka soo dejinaa Quraanka wax caafimaad iyo naxariis u ab muuminiinta.”
قَالَ تَعَالَى: قَدْ جَاءَتْكُم مَّوْعِظَةٌ مِّن رَّبِّكُمْ وَشِفَاءٌ لِمَا فِي الصُّدُورِ وَهُدًى وَرَحْمَةٌ لِلْمُؤْمِنِينَ ﴾ يونس : ٥٧
“Dadow; waxa Rabbigiin idiinka timi waano wanaagsan [oo ku jirta Quraanka xumaha reebaya, samahana faraya] iyo raysasho lagaga dawoobo waxa cudur ku jira laabaha [ee jahli, shaki, munaafaqnimo iwm ab] hanuun iyo naxariisna u ab muuminiinta.”
قَالَ تَعَالَى: ﴿ وَمَنْ أَعْرَضَ عَن ذِكْرِي فَإِنَّ لَهُ مَعِيشَةً ضَنكًا ) طه : ١٢٤
“Qofka ka jeesta xuskaygu, waxa uu mudanayaa nolol cidbiidhi ah”.
Sida xaqiiqada ahna, boqollaal deraasadood ayaa dhayda ka cadeeyay in iimaanku uu saamayn togan ku leeyahay dadka (caqli ahaan, jir ahaan iyo ruux ahaanba)
