A bustling ancient Greek agora, filled with passionate philosophers engaged in intense debates, surrounded by exquisite marble statues.

Iftiinka waxaa si dhab ah u arko una dareema qofka mugdi ku noolaa ee ka soo baxay. Qiimaha islaamnidana waxaa dhab u ogaada una dhuuxa qofkii gaalnimo soo maray ee islaamka qaatay.

Macaanka hanuunkana waxaa dhadhansado qofkii baadilnimo soo maray ee hanuunay. Nicmada ubadkana waxaa qiimaheeda yaqaana qofkii ay ubad la’aan hayso. Tanaadnimana waxaa tebeya sabool sararta dhulka ku hayo.

Sidaas waxaa lamid ah: Qofkii doonaya inuu ogaado qumaha Suubanuha waa inuu dib u jaleecaa dunidu sidey ahayd Suubanaha hortii.

Haddaad doonayso inaad si dhab ah ugu kuurgasho siday dunidu ahayd ka hor dhalashadii Suubanaha, waxaad dhuuxdaa siday xaaladdaas u tilmaameen Alle سبحانه وتعالى iyo Rasuulkiisa :

وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا رَحْمَةً لِلْعَالَمِينَ ﴾ [الأنبياء: ١٠٧]

“Kumana aanaan Dirin Naxariista Caalamka adoo ah Mooyee”Suuradda:

)كِتَابُ أَنزَلْتَهُ إِلَيْكَ لِتُخْرِجَ النَّاسَ مِنَ الظُّلُمَاتِ إِلَى النُّورِ ﴾ [إبراهيم: ١]

“Kanna waa Kitaab aannu kugu soo dejinnay inaad kaga bixisid dadka mugdiyada xagga Nuur idamka Eebehood.”

Suubanuhu oo ka waramaya siday dunidu ahayd intaan la soo dirin wuxuu yiri:

وإِنَّ الله نظر إلى أَهْلِ الْأَرْضِ، فمقَتَهُمْ عَرَبَهُمْ وَعَجَمَهُمْ، إِلَّا بِقَايَا مِنْ أَهْلِ الكتاب» [رواه مسلم (٢٨٦٥)].

“Ilaahay ayaa eegay dunida oo dhan, kadibna caro daran ayuu u carooday carab iyo cajamiba, marka laga reebo wa Xoogaa ka haray Ahlu kitaabka”

Siduu Alle سبحانه وَتَعَالَى  sheegay, Rasuulkiisuna tibaaxay, uunku wuxuu ku jiray mugdi iyo dulmi aan loo meel dayin. Waxaa talinayay muruqa iyo maalka. Dunida waxaa xeer u ahaa: Dumar nolasha lagu aaso, Sanam caabudid, sheydaannimo, dulmi, colaad, nabad gelyo xumo, is adoonsi, aano qabiil, eexasho, qaraabo kiil, is uur doox, af xumo, isir soocid, dhac iyo boob.

Awoodihii dunida u talinayey

Sidaan soo sheegnay waxaa dunida ka jiray dulmi iyo isu awood sheegasho, waxaana jirey dowlado xoog badan oo ku dhisnaa dulmi iyo adoonsi, waxay ku dhisan yihiinna ahaa is muquunin iyo in cidda ay ka tamar badan yihiin ay mooro duugaan, dowladahaas waxay kala ahaayeen:

Dowladdii Roomaanka: (Roman Empire)

Waxay ahayd dowlad aad u sal balaaran, oo uu Alle سبحانه وتعالى

Ku xusay suurad qur’aanka kamid ah awoodda dowladaas, iyo in laga guuleysan doono, balse ay mar kale soo rogaal celin doonaan, guushana ay dib u hanan doonaan.

الم غُلِبَتِ الرُّومُ فِي أَدْنَى الْأَرْضِ وَهُم مِّنْ بَعْدِ غَلَبِهِمْ سَيَغْلِبُونَ ﴾ [الروم: ١-٣]

“Waxay ku tusin mucjisada Quraanka Waxaa lagaga adkaaday Ruum*Dhulkii dhawaa, intii laga adkaaday ka dibna way adkaan”

Roomaanku waxay lahaayeen awood baaxad leh, waxayna ka talinayeen 75% qaaradda Yurub iyo waqooyiga Africa. Roomaanku labo dowladood ayay kala ahaayeen, waxaana la kala oran jiray: Romaanka galbeed iyo Romaanka bari.

Tan galbeed waxaa xarun u ahayd magaalada Roma ee hadda Caasimadda u ah dalka Talyaaniga, caqiidadeeduna waxay ahayd Katolik “Catholic”

Soo saariddii Suubanaha ka hor ayay burburtay dowladdii Romaanka galbeed (1). Midda bariga waxaa caasimad u ahayd Konistantiiniya oo hadda loo yaqaano Istanbul, waana dowladii uu boqorka ka ahaa Hiraqle. Caqiidadooduna waxay ahayd “Orthodox”. Labadaas dowladood waxaa dhex mari jiray dagaallo aad loogu hoobto, oo ay ku naf waayaan kumanaan iyo kumanaan ka kala tirsan dagaal yahannada labadaas dowladood. Dagaalkooduna wuxuu ku salaysnaa kala caqiido duwanaanta Nasaarada dhaxdooda ah, sidoo kalana wuxuu dadaalkoodu la xiriiray: Hardanka talada iyo maamulka dunida.

Dowladdii Faaris (Persian Empire)

Waxay ahayd dowlad aad u weyn oo dunida meelo badan ka talin jirtay, laguna tilmaamo in ay ka awood badneeyd xilliyada qaar dawladdii Roomanka bari ee uu Hiraqle boqarka ka ahaa. Waxaa ka talin jiray boqorkii la oran jiray Kisraa. Xukunka dowladaasuna wuxuu ahaa dhaxaltooyo. Waxaa diin u ahayd diimo gacan ku sameys ah, sida Zaardishiya, Maaniya, Majuus oo ay dajiyeen rag reer Faaris ah. Baqorka iyo reerka uu ka dhashay waxay isu haysteen inay dadka ka sarreeyaan. Boqorka marka loo soo galayo waa loo sujuudi jiray.

Dowladaasi waxaa saldhig u ahaa dhulka hadda loo yaqaan liran. Waxayna maamuli jireen dhul baaxad weyn: Sida Baabil, Turkiga, Giriiga iyo waliba deegaano badan oo ay carabtu dagto.

Dhulka ay ka talin jirtay dowladdii Faaris waligiis kama bixin: Colaad, fasaad, dhaqan xumo, sed bursi iyo is riix riix, ilaa ay muslimiintu ka furteen. Waxaana lagu furtay dagaalkii la magac baxay: Qaadisiya ee dhacay sanadkii 14aad ee hijriyada, oo ku beegnayd sanadkii 636 miilaadiga. Xilligaas oo uu talada Muslimiinta hayay khaliifkii 2aad Cumar Ben Khadhaab RC

Dowladdii Hindiya

Dowladani waxay ahayd dowlad ka talisa dhul aad u ballaaran, dhulkaasi wuxuu caan ku ahaa farsamada iyo wax soo saarka beeraha. Hindiya waxaa laga caabudi jiray wax kasta. Walxaha la caabudo waxaa u badnaa xoolaha, siiba lo’da.

Dowladaas waxaa ka jiray: Kala sareyn, is faquuqid iyo is gumeysi. Sidaa awgeed waxaa ku badnaa: Dagaalada, kacdoonka iyo iska hor imaadyo ka dhasha dulmiga, sinaan la’aanta iyo fasaadka baahay.

Boqortooyadii Xabashida.

Boqortooyadii xabashidu waxaa xarun u aheyd magaalada la yiraahdo Aksum, waxayna ahayd awood aan la dhayalsan karin. Boqortooyadaasi waxay ka talin jirtay dalalka maanta loo yaqaano: Eritria, Ethopia, galbeedka Yamen, iyo qaybo ka mid ah Sudan.

Caqiido wareer, dulmi iyo kibir kama marneyn, waxaa ayna gaartay heer uu isku dayo ninkii la oran jiray Abraha in uu Kacbada ku duulo asaga oo wato maroodiyaal badan oo gaashaaman. Alle ayaa duulaankii uu soo qaaday ka caabiyay Kacbada, kuna saliday shimbiro joog hoose iyo mid sare ku socday, shinbirahaas oo gamayay dhoobo kulul oo dhagax oo kale ah.

Siduu qur’aanku sheegayna Abraha ciidankiisii waxaa gaaray jab iyo naasa beel taariikhda gashay, Qur’aankana lagu xusay.

Xigasho: Sooyaalka Suubanaha. Fahad yasiin

Fadlan lawadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *