Hordhac
Waxbarida ardaygu waa barbaarinta iyo kordhinta heerka aqoonta ee ardayga, sidaas darteed baruhu in uu yaqaan aadna wakhti badan u galiyo horumarinta xirfadiisa wax dhigistu waxa ay kor u qaadasaa fursada wada gaadhsiinta ardayda fariinta casharku xambaarsan yahay.
Ardaydu isku awood maskaxeed, faham iyo tamar ma aha marka lagu sugan yahay goobaha waxbarashada sidoo kale ardaydu aad ayay ugu kala duwanyihiin qaabka u fududaynaya in ay fahmaan isla markaana aad u dhuuxaan casharka baruhu u dhigayo. Ardayda qaar waxa ay u baahanyihiin ku celcelin badan iyo sharaxaad dheeraad ah halka ardayda qaarkood ay ku celcelinta iyo sharaxaada dheeraadka ah u arkaan caajis, gaabisnimo iyo dib u dhac. Isku haynta iyo ku ilaalinta arday kastaba heerkiisa iyada oon laga tagayn ardayna isla markaana casharada sidooda loo wadayo ayaa waxa ay u baahan tahay in uu baruhu aad ugu qalabaysan yahay qaab cashar gud-bineedyada kala duwan si arday walba xaqiisa ardaynnimo u helo.
Macnaha Qaababka Waxdhigidda
Habka waxbaridda ayaa asal ahaan ah habka uu baruhu u doorto in uu ardayda ugu tabiyo uguna sharaxo laan-aqooneedka uu u qaabbilsan yahay si ay dhammaan ardaydu u wada baran karaan una wada gaari karaan ujeedada casharka. Hababka waxbaridda ayaa ah habdhaqameedyada iyo tallaabooyinka ay adeegsadaan barayaashu si ay geeddi socodka baridda iyo barashadu u noqdaan kuwo waxtar leh isla markaana dhammaan ardayda ka caawin kara gaaritaanka ujeedooyinka kala duwan ee casharada ka socda gudaha fasalka.
Labada Hab Waxdhigiddeed Ee Guud
Marka aynu muuqaal guud ka bixino qaababka kala gadisan ee baruhu casharkiisa u gudbiyaa waa laba nooc.
- Qaabka baruhu yahay xudunta casharka (Teacher Centered Method)
- Qaabka ardaygu yahay xudunta casharka (Student Centered Methods).
Labadan hab ba waa laba nidaam oo barayaasha dunidu adeegsadaan si ay fariimaha darsigooda u gaarsiiyaan ardayda ay wax barayaan isla markaana ay dhammaan ardaydu u wada gaari karaan ujeedada waxbarashada.
Dhinaca kale marka laga hadlayo waxbarid, ma jiro hal nidaam la isla waafaqsan yahay in isla habkaa uun ardayda wax loo baro balse nooca cashar gudbineed ee uu baruhu adeegsanayaa waxa ay ku xiran tahay :-
- Heerka aqoonta iyo khibrada baraha
- Nooca casharka / Laan- aqooneedda (Maadada)
- Qorshaha gudbinta casharka.
- Helitaanka agabka waxbarista.
- Wakhtiga la haysto
- Agabka la haysto
- Ardayda wax la barayo da’dooda iyo heerka aqoontooda

Faa’iidooyinka Barashada Qaab Cashar Gudbineedka Baraha Waxa Ka Mid Ah:-
- Waxa ay astaan u tahay kobocsanaanta waayo aragnimada iyo kalsoonida baraha.
- Waxa ay baraha ka dhigtaa bare ardaydiisa ku ilaaliya dhabaha casharka isaga oo kolba qaab casharka u gudbin kara.
- Waxa ay faa’iido iyo hiil gaar ah u tahay ardayda maadaama uu baruhu arday walba qaabka uu wax ku fahmi karayo aad u yaqaan.
- Marka baruhu ku qalabaysan yahay qaab cashar gudbineeyada kala duwan, ardaydu marnaba barahaa kama xiiso dhacaan waxayna u aqoonsanyihiin bare dhisan oo iyagana dhisi kara:
- Qaab cashar gudbineedyada kala duwani baraha waxa ay siiyaan awood iyo tamar dheeraad ah sidoo kale waxa ay kor u qaadaan xirfadiisa barenimo isaga oo barahaasi inta badan aad uga dhex muuqda barayaasha ay goob shaqo wadaagayihiin.
Guusha shaqada waxbaristu waxa ay ku xiran tahay qaab dhigista kala duwan ee uu baruhu adeegsado.
Halkan waxaan kugu soo gudbinayaa Qaababka kala duwan ee wax Dhigidda
1. Qaabka Baruhu Yahay Xudunta Xiisada.
Nidaamkan waxa bar bilaw iyo bar dhammaadba u ah darsiga baraha darsiga bixinaya, Baraha ayaa maamulaya qaabka wax dhigista, qaabka ka falcelinta ardayga, in ay habboon tahay in weyddiimo la isweyddiin karo iyo inkale iyo dhammaanba xiisada, Ardaygu kaliya waxa uu ka yahay dhagayste weeleynteeda looga fadhiyo waxa baruhu yeerinayo sida oo kale ardaygu kaalin muuqata kuma laha darsiga kamana hadli karo maadaama baruhu yahay ka hadalka isku oggol iskana joojin kara. Ardaydu waxa ay si feejignaan iyo u fiirsi badan ku salaysan ula soconayaan baraha fasalka iyaga oo kolba qaabka uu wax u wado ay
Tahay in ay ula socdaan ugana falcelinaya kolba sida baruhu dalbado.
Habkani waa hab aad u gaabis ah, waxbarashada casriga ahna inta badan lagu booriyo barayaashu in ay nidaamkan gabi ahaanba ka fogaadaan maadaama ardaydu aanay kaalin mug leh ku lahayn waxbarashada ka socoto goobta waxbarashada.
Faa’iidoyinkiisa
- Fasalku wuxu ahaanayaa mid deggan.
- Ardaydu waxa ay ahaanayaan kuwo aan dhagaysi wax aan ahayn ku mashquulin.
- Baraha ayaa ah isha kaliya ee xog laga heli karo.
Khasaarihiisa
- Ardaydu waxa ay dareemayaan caajis.
- Ardaydu waxa ay dareemayaan handadaad iyo cagajugleyn aan wax kale loo oggolayn.
- Ardayda hibadooda ayaa ah mid cabursan oon muuqan karin
2. Habka Ardaygu Yahay Xudunta Xiisada.
Waa hab cashar gudbineed baruhu ka yahay xiriiriye wax bare iyo wax barte si maalinle ah,Habkani waxa uu awood buuxda siinayaa in ardaygu kaalin mug iyo Cufnaan badan ku yeesho dhaq-dhaqaaqyada kala duwan ee ka socda gudaha fasalka.
Qaabka baruhu casharka usoo diyaarinayaa waxa ay ku salaysan tahay qaab fahamka ardayga, xiisaha ardayga iyo soo jeedida dareenka ardayga waxyaalaha kaabaya.
Baruhu waa xiriiriye, jiheeye ahna isku duwaridaha hawlaha darsiga, qaabka uu cashar diyaarintiisa usoo qorayo iyo wadooyinka uu marayo gudbinta fariimaha iyo ujeedooyinka casharkuna waxa ay ku xiran tahay doonista iyo xiisaha ardayga. Kaalinta ardaygu ku leeyahay qaab cashar gudbineedkan ayaa ah mid aad u muuqata, ardaygu baraha wax wuu weyddiin karaa, ardayda kalena waa ay isdhaafsan karaan xog.
Faa’iidoyinkiisa
- Waxa uu habkani cariyaa firfircoonida feejignaanta ardayga.
- Waxa uu si waafi ah u dhiirigalinayaa isbarashada, isdhexgalka iyo wax wada qabsiga ardayda.
Waxa uu caris dareenkeeda leh u yahay hanaqaadka xiriirka baraha iyo ardaydiisa.
Khasaarihiisa
- Kala duwanaanshaha xiisaha ardaydu baraha mashquulin kara.
- Baraha waxa uu culays badan kala kulmi karaa barashada baahiyaha gaarka ah ee ardayda.
- Baruhu kaalin mug badan kuma laha gudubinta casharka, kaliya waa xiriiriye.

3.Habka Qudbadaynta (Lecturing Methods)
Waa nidaam kale oo qadiimi ah, baraha ayaa ardayda hor taagan, casharka ayuu ku qorayaa sabuurada, waxa uu sugayaa inta ay ardaydu ka dhammaysanayaan kadibna baruhu waxa uu bilaabayaa sharaxaada iyo akhriska casharka iyaga oo ardayduna si feejignaan badan u dhagaysanaya,Ardaydu sidii habka baruhu xudunta u yahay cashar gudbinta ayay u dhagaysanayaan baraha,
Sharaxaad dheer ka dib waxa la oggol yahay hal ama laba weyddiimood. In ardaydu habkan wax ku bartaan ma aha wax aad loo dhiirigaliyo maadaama ardaydu dhagaystayaal uun inta badan kayihiin wakhtiga cashar gubdinta,Gaaritaanka ardayda ee fariinta casharku xambaarsan yahay waxa ay ku xiran tahay dhawr qodob oo ay ka midyihiin:
- Codkarnimada baraha
- Firfircoonida iyo isticmaalka tilmaamaha jireed ee baraha.
- Sharaxaadda iyo awoodaha ka dhaadhicineed ee baruhu ku hubaysan yahay.
Si Baruhu Habkan Uga Miro Dhaliyo Waa In
- Baruhu aanu dheerayn sharaxaada maadaama ay keeni karto caajis.
- Qudbadu ku saabsanaato mawduuca ubucdiisa.
- Baruhu yahay codkar, helitaanka erayada munaasabka ah ku wanaagsan.
- Baruhu bixin karo tusaalayaal ay ardaydu la fahmi karaan.
Qodobka ugu muhiimsan ee habkan ka dhigi karo miro dhal anfac badan waa codkarnimada baraha.
Faa’iidooyinka
- Waa habdhammaan ardaydu si feejigan ula socon karaan baraha
- Waxa uu ilaalinayaa degganaanshaha fasalka
- Waxa uu baraha u sahlayaa in uu si guud ula wada socdo ardayda.
- Waxa uu ilaaliyaa wakhtiga habkani
- Ardaydu horumarinayaan waxa ay xirfadooda dhagaysi
Khasaaraha
- Waa hab ardayda caajis galin kara, maadaama ay dhagaystayaal uunyihiin.
- Waxa uu hoos u dhigayaa codkarnimada iyo firfircoonida ardayga
- Ardaydu waxa ay ka cagajiidi doonaan xiisada baraha qaabkan adeegsada.
4.Habka Falanqaynta (Discussion Method)
Habkani waa hab ku dhisan isweydaarsi xog iyo afkaaro kala duwan oo ka kala imanaya laba dhinac, Baraha adeegsanaya habkan waxa uu wakhti galinayaa dhagaysiga ardaydiisa iyaguna markooda ayay dhagaysanayaan baraha.
Waa hab firfircooni iyo aftahanimo ardaydu ka helaan maadaama ay baraha si bilaa cabsi iyo dareen gabasho ah toona lahayn ula hadlayaan.
Tallaabooyinka uu baruhu qaadayo inta qaabkan fulintiisa uu ku gudo jiro ayaa ah dhexmar iyo kormar ardayda ah isaga oo ku hakanaya kolba halka looga baahan yahay ee uu dareemo baruhu. Marka habkan lagu fulinayo goob waxbarasho hablo iyo inamo ku wadajiraan, waxa muhiim ah in niyada lagu hayo xeer-nidaamiyaha diinteenu inoo astaysay oo la kala dhawro isdhexgalka, kaftanka iyo isku fiirfiirsiga hablaha iyo inamada, Waxa xusid mudan in habkan wada falanqaynta mawduucyadu yahay hab ardayda hiil u ah maadaama arday waliba fikirkiisa iyo sida ay wax ula muuqdaan uga dhiiban karo ardayda iyo baraha hortooda.
Si Habkani U Ahaado Taabo Gal
- Baraha ayaa bixinaya wixii tilmaamo daruuri ah ee loo baahan yahay.
- Baraha ayaa ardayda kormeer joogto ah ku haynaya isaga oo kabaya kolba meesha u baahan tilmaan iyo hagid.
- Baraha ayaa ah halka xogta la falanqaynayo la iskula noqonayo.
- Baraha ayaa afkaaraha khaldan ee la isweydaarsado dib u sixid ku samaynaya ardaydana la wadaagaya sida ugu saxsan.
Habkani waxa uu u dhici karaa iyadoo ardaydu tahay kooxkoox ka kooban laba iyo wax ka badan.
Baruhu qaab fadhiga ardayda ayuu wax ka beddeli karaa isaga oo ku salaynaya qaab fadhiga ugu habboon ee ardaydu ay tahay in ay u fadhiistaan si ay si ismaqal iyo isku dhawaansho ah ugu wada hadli karaan dhammaantood.
Faa’iidooyinka
- Waxa kordhaysa kalsoonida ardayga
- Waxa ay ardaydu isweydaarsan karaan afkaaro, aqoontana way wadaagayaan
- Waxa ay ardayda ku beeraysaa xirfad ah wax dhagayso halagu dhagaystee
Khasaaraha
- Ardaydu in aanay isdhagaysan ayaa laga yaabaa
- Ardayga ugu codkarsan uguna firfircoon uun baa xiisadaa maamulanaya kooxdiisa
- Waxaa ka dhex dhalan kara muran ardayda iyo isriixriix la isku qabsado fursadaha hadalka

5.Habka I Tus (Demonstration/ Illustration Method)
Waa nidaam kale oo waxbarasho oo saamayntiisa wata, ardaygu waxa uu fursad dahabi ah u helayaa in la tuso muuqaalo, sawiro ama farshaxano kale oo ku saabsan mawduuca lagala hadlayo.
Tusaale: Baruhu waxa uu ardayda kala hadlayaa qaab koriinka ubaxa iyo xaaladihiisa kala duwan, si fariintani u ahaato mid ardaydu ay wada fahmaan, baraha ayaa soo qaadanaya ubax uu geed ka soo goostey ama ubax sawir ah kadibna waxa uu ardayda tusayaa ubaxa si la iskula fahmo waxa laga hadlayo.
Si habkani u ahaado mid taabo gal ah waa in:-
- Baruhu xiisada ka hor waa in uu soo diyaarsado dhammaan agabka uu u baahan karo.
- Baruhu waa in uu qorsheysto wakhti ku habboon.
- Baruhu waa in uu soo koobo hadalka adeegsadona murti iyo hadal cufnaan badan.
- Baruhu waa in uu hubiyo in dhammaan ardaydu wada arkayaan maqlayaana waxa uu wado.
- Baruhu waa in uu ilaaliyo tallaabooyinka amniga ardayda khuseeya haddiiba qalab waxyeello gaysan kara la adeegsanayo.
Faa’iidooyinka
- Waxa uu habkani kor u qaadayaa fahamka ardayga maadaama la tusayo waxa loo sheegayo
- Ardaygu wax kasta oo la tuso, waxa uu ka qaadanayaa aragti iyo faham muuqda
- Habkani waxa uu xiiso gaar ah iyo sumcad u yeelayaa dugsiga adeegsada.
- Baraha laftirkiisa ayaa habkan wax badan ka baran kara.
Khasaaraha
- Waxa loo baahanayaa kharash badan si loo helo dhammaan agabka loo baahan yahay.
- Waxaa loo baahanaya qalab badan iyo in baraha lagu tabobaro adeegsigooda
- Dhammaan dugsiyadu uma wada qalabaysna hirgelinta habkan.
- Ardaydu fursad uma wada heli karaan qalabka la tusayo.
6.Habka guuxa shinnida. (Buzz group)
Waa hab u dhaw habka falanqaynta iyo isweydaarsiga afkaaraha kala duwan, hal koox ayaa loo sii fur-furayaa kooxo ka sii tiro yar, si ay uga wada hadlaan iskuna weydaarsadaan afkaarahooda ku aadan weyddiin ama mawduuc, ka dib waxa gabi ahaanba fasalka ka dhalanasa guux sida shinida oo kale ah.
Habkan sidaa ayaa loogu yeeray habka guuxa shinida. (The buzz group).
Falanqaynta kooxkooxeedka yar ka dib, koox walba hal qof ayaa usoo kacaya isaga oo ardayda kale ee fasal wadaagta ayyihiin la wadaagaya sida ay uga falceliyeen ama warcelinayaan mawduuca miiska u saarnaa.
Faa’iidooyinkisa
- Waxa ay ardaydu barayaan xirfada cabbirka fikirka
- Ardaydu waxa ay dhiibanayaan fikiradooda, qaar ayaa keeni kara wax cusub.
- Ardaydu maalin kasta wax cusub ayay baran karaan maadaama dad badani fikiro dhiibanayaan
Khasaarihiisa
- Fasalku waxa uu ahaanayaa meel buuq iyo sawaxan badan ka jiro.
- Baruhu waa xiriiriye kaliya
- Baruhu dhammaan ardayda fursad uma wada siin karo dhiibashada fikirka hadduu fasalku badan yahay.

7.Habka Ururinta Fikireed (Brainstorming)
Waa hab kale oo dhiirigalinaya dhiibashada fikirka gaar ahaaneed, waxa baruhu soo dhigayaa hal weyddiin ka dib dhammaan ardayda waxa uu weyddiinayaa sideed u aragtaan? Arday kastaa waxa uu ka dhiibanayaa fikirkiisa.
Tusaale baraha ayaa ardayda weyddiinaya “ Cuntadee ayaa ugu fiican in la cuno xiliga cashada si loo ilaaliyo caafimaadka qofka?
Ka dib arday ayaa oranaya “ Beed” ku kalaa oranaya “Sabaayad” Ku kalaa oranaya “Gallay” ku kalaa oranaya Digir” ku kalaa oranaya Caano” Ku kalaa oranaya.
Waa hab balaarinaya qaab fakarka ardayda, baruhuna waxa uu ka faa’iideysan karaa kala duwanaanshaha fikirada ardayda isaga oo wax cusub ka dhex baran kara. Hal dhibaato ayuu leeyahay habkani, taasi oo ah in loo baahan yahay wakhti badan, sidaas darteed waxaa suurto gal ah in aan dhammaan ardaydu wada helin wakhti ku filan oo ay fikirkooda ku dhiibtaan ama ay si cufnaan badan uga qayb qaataan dooda ama fikir isweydaarsiga ka socda gudaha fasalka,Waxa jira habab kale oo tiro badan oo cashar gudbineed balse waxa aynu halkan ku falanqaynay kuwa ugu magac dheer oo kaliya.
Fadlan nala wadaag habka aad is leedahay wuu wanaagsanyahay in wax lagu gudbiyo
Xigasho: Hiil Bare.Farxaan C.Muxamed
