Maamulida iyo gacan ku haynta ardayda iyo xaaladaha fasalka waxa saamayn weyn ku leh habdhaqanka iyo ka falcelinta dhaqanada ardayda ee baraha.

Waxaan halkan kugu soo gudbinaynaa Habdhaqanada aan wanaagsanayn in uu barahu sameeyo si uu u maamulo fasalka

  1. Baruhu waa in aanu gabi ahaanba adeegsan hadalo qalafsan sida hanjabaad iyo erayo caro laga dheehan karo.
  2. Baruhu waa in uu ka fogaado qaadashada noocyada hubka sida usha, mastarad uu cabsi galin u sito iyo wax kasta oo ardayga waxyeellayn kara.
  3. Baruhu waa in uu si isku mid ah ardayda khaladaadka samaysa wax uga wada qabto.
  4. Baruhu waa in uu iska jiro waji urursanaanta marka uu ardayda la hadlayo, tani waxa ay keenaysaa kalsooni darro ardayeed.
  5. Baruhu waa in aanu bare kale u yeeran si uu fasalka ula dajiyo waa arrin aan wanaagsanayn in baruhu bare kale ka kaalmo weyddiisto maamulida fasalkiisa.
  6. Baruhu waa in aanu arday khalad sameeyay fasalka hortiisa ku canaanan ama ugu fadeexadayn  arinkani waxa ka dhalan kara cadaawad ardaygu u qaado baraha.

Sababaha Keena Dabeecadxumida Ardayga

Mar kasta oo baruhu arday ka dareemo in uu habdhaqan aan wanaagsanayn ula dhaqmayo ardayda, barayaasha iyo goobta waxbarashadaba waxa wanaagsan in inta aanu wax tallaabo ah qaadin baruhu marka hore qiimeeyo xaalada ardayga baaritaanna ku sameeyo sababta keenaysa in ardaygu qaabkan u dhaqmo ardaydu waxa ay ukala qaybsanyihiin arday iyaga mar kasta habdhaqankoodu kakan yahay isla markaana dabeecadoodu tahay mid buuq iyo isdaba wareeg ku dhisan iyo arday iyagu wanaagsan balse marmar carooda isla markaana dagaal, hanjabaad, aflagaado ama dhaqano kale oon wanaagsanyn sameeya.

Baruhu waa in uu si dhaw ukala garan karo labadan qaybood ee ardayda isla markaana arday walba tallaabooyin ku habboon ka qaado isaga oo dabeecadiisana saameyn ku yeelanaya waxna ka beddelaya.

In ardaygu habdhaqan aan wanaagsanayn uu kaga dhaqmo goobta waxbarashada waxa keeni kara

  1. Xaalado caafimaad
  2. Xaalado ka jira gudaha qoyska ardayga
  3. Xaalado dhaqaale xumo
  4. Ardayga oo dareema in la yaraysanayo ama la yasayo
  5. Ardayga oo barihiisa u caraysan ama gardarro ka tirsanaya
  6. Ardayga oo gaajo ama dareen u qarsoon oo kale dareemaya

Barayaal iyo maamulayaal badan ayaa tallaabooyin degdeg ah oo ay arday ka qaadeen markii dambe ka qoomameeyay, waxa badan arday badan oo xaalado caafimaad ama xaalado qoys oo ay la tacaalayaan dartood habdhaqankoodu isku beddelo.

Arday kastaa waxa uu xaq u leeyahay in isaga si gaar ah loola macaamilo loona darso xaaladihiisa kala duwan inta aan lagu asteyn arday qal-qaali ah ama buuq iyo dagaal badan maxaa yeelay barayaasha arimo badan oo ardayda ay wax barayaan ah ayaa ka qarsoon oo uga baahan baaritaan iyo u fiirsi gaar ah.

Sheekadii Labada Hablood

Waxa jiray laba gabdhood oo walaalo ahaa fasal wadaagna ku ahaa dugsi ay dhigan jireen, labada hablood da’ahaan waa ay isku dhawaayeen balse wax yar way kala weynaayeen labadan gabdhood marka ay ku suganyihiin gudaha fasalka ma hadlaan, waxa ayna fasalka ka fadhiistaan

Xagga ugu dambeysa, ardayda saaxiib lama aha, iyaga uunbaa wada socda oo wada hadla. Arinka kale ee cajiibka ah ayaa waxa uu ahaa in labadan gabdhood marka dugsiga laga rawaxayo ay fasalka ugu dambeyn jireen iyaga oon fasalka hore uga baxayn ee ku nagaanaya kursiga ay fadhiyaan halka ay ardayda kale fasalka orod iyo qaylo sawaxan leh kaga baxayeen. Marka dugsiga la imanayo ee duhurkiina waxa ay ahaayeen ardayda ugu hor yimaad mana ay dhici jirin in gabi ahaanba arday kale ka soo horreeyaan, barayaasha iyo dhammaan hawlwadeennada kale ee dugsiga iyaga ayaa ka soo horreyn jiray barihii fasalkooda masuulka ka ahaa ayaa waxa uu aad ugu fiirsaday habdhaqanka labadan arday. Imaatinka dugsiga iyaga ayaa ugu horreeya, rawaxaadana fasalka hore ugama baxaan ee waa ay iska sii fadhiyaan ama agagaarka dugsiga ayay wakhti dheer iskaga qaataan.

Barihii waxa uu si gaar ah ula sheekaystay una darsay habdhaqankan ardayda isaga oo si dhaw u waraystay ugu dambeyna waxa usoo baxday in gabdhahani xaalad ka jirta guriga ay galaan darteed ay sidan ugu dhaqmayaan. Duhurkii iyaga oo hawsha gurigooda taal ee daalka iyo tacabka badan ka soo yaacaya ayay iskaga iman jireen, galabtiina iyaga oo ka warwaraya hawsha iyo habdhaqanka guriga kaga horreeya ayay iska joogi jireen agagaarka dugsiga si wakhtiga ay isku dhaafiyaan. Markaa bare ahaan hawlo badan ayaa u yaal, waa in baruhu qiimeeyo si gaar ahna u darso xaaladaha kala duwan ee ardayda.

Gacan Qaadka Baraha Iyo Ardayga

Dugsiyada mararka qaar waxa ka dhaca ismaan-dhaaf, muran iyo is-jiir dhex mara baraha iyo ardayga. Barayaasha qaar ayaa marka ay xanaaqaan gacan u qaada ardayda iyaga oo adeegsanaya ul, dhirbaaxo, laag ama kala tuurid uu baruhu kala tuuro ardayga. Inkasta oo da’da ardayga ay ku xiran tahay qaab falcelineedka uu ardaygu uga falcelinayo gacantaa barihiisu ula tagay haddana waxa jira qaabab inta badan ay ardaygu uga falceliyaan. In ardaygu gacanta baraha gacan isna kaga falceiyaa waxa ay ku xiran tahay Da’da ardayga,Dabeecada ardayga,Qaab korineedka ardayga ee qoyskiisa,Heerka xanuunka waxa baruhu ardayga ku dhuftay le’eg yahay

Qaabka ay ardayda ka agdhaw ardaygani u dhaqmaan (saaxiibadii)

Qodobadani waxa ay go’aaminayaan in ardaygu isna gacan qaado iyo in ardaygu aammusnaan iyo degganaan kaga falceliyo gacanta barihiisu u qaaday.

Ardaygu marka uu isku arko qaan gaar, awood leh waxna iska dhicin kara inta badan waxa uu isku dayaa in uu baraha gacan u qaada isna ugu yaraan isku taago, ardayda qaar ma oggola in barahoodu gacan u qaado qaar kalena iyaga ayaaba kaga horreeya baraha oo waxa ay adeegsadaan awood iyo tamar jirkooda ay ku hubaan. Sida xaqiiqadu tahay ardayda ku dhaqan deegaanada Soomaalidu waa arday Aad iyo aad u dabeecad iyo habdhaqan wanaagsan, weyna adagtahay arday si fudud gacan ugu qaada barihiisa inta uu doono baruhu ha ka gardarnaado e.

Waa arday si fiican loo koriyay intooda badanna dareensan in baruhu yahay waalid balse mararka qaar waxa la arkaa arday barahooda gacan u qaada, sababaha ugu waaweyn ee keena arimaha noocan oo kale ahna waxa ka mid ah:

  1. Baraha oo ardayga xanuunjiya
  2. Baraha oon ardayga u sheegin sababta iyo khaladka uu sameeyay.
  3. Baraha oo ardayga si arxan daran gacan ugu qaado.
  4. Baraha oo ardayga ardayda kale hortooda ku canaanta ama ku bahdila.
  5. Baraha oo ardayga waalidkii ama ehelkiisa qaar ka mid ah caaya ama aflagaado kale u gaysta.
  6. Baraha oo ardayga si joogto ah ugu gacan qaada, kuna celceliya maalmo badan gacan qaadka ugu dambeyntana ardaygu xamili kari waayo iskuna dayo in uu baraha gacan u qaado.

Arimahan iyo qaar kale oo badani waxa ay ka midyihiin waxyaabaha keena in ardaygu baraha gacan u qaado inta badanna in ardaygu gacan u qaado barihiisa waxa masuuliyadeeda leh baraha laftirkiisa.

Sidee Ayuu Baruhu Uga Hortagayaa In Ardaygu Gacan U Qaado?

  1. Waa in baruhu gabi ahaanba iska ilaaliyo in uu ardayda gacan u qaado, waana in uu baruhu ardayda kalgacal iyo habdhaqan waalidnimo ah kula dhaqmo.
  2. Waa in baruhu aanu aflagaadayn ardayga, kaligii isagoo ah iyo gudaha fasalka midna
  3. Haddii uu baruhu go’aansado in uu arday gacan u qaado ama ciqaab kale ku qaado, waa in baruhu marka hore ardayga dareensiiyo nooca dambiga ah ee uu sameeyay. Marka ardaygu uu garanayo sababta loo ciqaabayo iyo nooca dambiga ah ee uu sameeyay, way adagtahay sida uu awood ugaga falceliyo.
  • Waa in baruhu tanaasul iyo dulqaad badan yahay, waxyaalo badanna iska dhago tiro oo aanu u fiirfiirsan, tani maaha in baruhu habac ahaado aan waxba ka falcelin balse waa in uu waxyaalaha u baahan ka falcelinta uga falceliyo sida ugu habboon, waxyaalaha u baahan in aan kor loo qaadina uu gabi ahaanba isdhaafiyo.
  • Waa in baruhu aad iskaga dhawro la kaftanka iyo ku dheel-dheelida ardayda. Barayaal badan waxa ay caadeysteen in ay ardayda hadalo kaftan ah ku yiraahdaan, marka baruhu ardayga dareensiiyo in ay kaftami karaan, ardayguna waxa uu isku dayayaa in uu la kaftamo, kaftankuna mararka qaar waxa uu keeni karaa in labada dhinac mid ka mid ahi xanaaqo halkaana waxa ka dhalan kara isafgaranwaa iyo gacan qaad.

Soo Koobid Maamulka Fasalka

Si baruhu fasalkiisa u maamulo

  1. Waa in la sameeyo shuruuc iyo nidaam lagu tarbiyeeyay ardayda ka hor billowga duruusta.
  2. Waa in loo caddeeyo ardayda waxa keena dambiyada iyo ciqaabta ka dhalata.
  3. Waa in la xoojiyo dhaqangelinta shuruucda u degsan fasalada isla maalinta la bilaabay duruusta.
  4. Waa in laga wada shaqeeyo maamul, bare, arday iyo waalidba ku milidda maskaxda ardayga anshax shaqsiyadeed, loona huro waqti dheer in la baro dhaqan wanaaga iyo kala dambeynta xilkasnimadu ku dheehan rahay.
  5. Waa in la kormeero fasalada ardaydana la siiyo talooyin la xiriira dabeecadahooda Guud.
  6. Waa in la abuuro fursado ay ardaydu ku sameeyaan qiimeyn ku saabsan guulaha waxbarashadooda iyo la dhaqanka bulshadaba.
  7. Waa in la wanaajiyo wada shaqeynta kooxda ardayda sida ugu habboon.
  1. Waa in fasalada laga fogeeyo waxyaabaha ardayda ka weecinaya duruusta ay dhiganayaan sida (sawir, alaab lagu ciyaaro, iwm) haddaan si gaar ah loogu baahnayn.

Xigasho: Hiil Bare. Farxaan C.Muxumed

Fadlan lawadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *