Hordhac:

Wax soo saarku waa laf-dhabarta dhaqaalaha haddii aysan jirin wax soo saar, ma jiri laheyn cunto, adeegyo, ama horumar dhaqaale. Wax soo saarku waa habka lagu beddelo kheyraadka dabiiciga ah iyo awoodda shaqada si loogu helo badeecooyin iyo adeegyo faa’iido leh.

Qeexidda Wax Soo Saarka:

Wax soo saar ama (Production) waa habka lagu beddelo kheyraadka (resources) ama badeecooyin ama adeegyo daboola baahida dadka.

Tusaale: Beeraleyda oo abuurka u beddela cunto ,Warshadaha oo alaabta ceeriinka ah u beddela biseyl iyo wax la xerto ,Macallin oo aqoon u beddela faham

Ujeedada Wax Soo Saarka:

  1. In la daboolo baahida dadka.
  2. In la kordhiyo heerka nololeedka
  3. In la abuuro shaqo.
  4. In la kordhiyo dakhliga qaranka.
  5. In la horumariyo teknoolajiyada iyo tartanka suuqyada.

Kheyraadka Dhaqaale (Factors of Production):

Kheyraadka dhaqaale waa waxyaabaha loo adeegsado si loo sameeyo wax soo saar. Waxaa guud ahaan loo qaybiyaa afar qaybood oo waaweyn:

1.Dhulka kasoo afka qalad lagu dhaho (Land):

Dhulka waa Wax kasta oo dabiici ah oo lagu sameeyo wax soo saar: dhul, biyo, macdanta, hawada, iyo kheyraadka badda.

SifooyinkiisaSifooyinkiisa

  1. Waa hanti dabiici ah.
  2. Lama abuuri karo.
  3. Lama qaadi karo oo melkale lama geeni karo

Abaalmarinta uu helo:

  • Kiro (Rent)

2.Shaqada (Labour):

Waa dadaalka jirka ama maskaxda ee uu qofku bixiyo si wax loogu soo saaro.

Noocyada Shaqada:

  1. Shaqo jireed (Physical labour)
  2. Shaqo maskaxeed (Mental labour

Abaalmarinta uu helo:

  • Mushaar (Wage or Salary).

Raasumaalka (Capital):

Waa hantida lagu maalgeliyo wax soo saarka sida mashiinada, qalabka, iyo lacagta.

Noocyada Raasumaalka:

  1. Physical capital: qalab, mashiin, dhisme.
  2. Financial capital: lacag iyo maalgelin.
  3. Human capital: aqoon iyo xirfad shaqo.

Abaal marin uu helayo:

  • Faa’ido lacgeed

4.Ganacsadaha ama Maamulka (Entrepreneurship):

Waa qofka isku dara saddexda kheyraad ee hore (dhul, shaqo, raasumaal) si uu wax u soo saaro, khatarna u qaata.

Doorka Ganacsadaha:

  1. Inuu qorsheeyo wax soo saarka.
  2. Inuu khatar qaato.
  3. Inuu suuq u sameeyo badeecada.

Abaalmarinta uu helo:

  • Faa’iido (Profit)

Isdhexgalka Kheyraadka Dhaqaale:

Kheyraadkani ma shaqeeyaan midkood kaligiis,Dhulku wuxuu u baahan yahay shaqaale,Shaqaaluhuna waxay u baahan yihiin qalab iyo maamul,Maamulka wuxuu u baahan yahay qorshe iyo raasumaal.

Sidaas darteed, wada shaqeyn iyo isku xirnaan ayaa aasaas u ah wax soo saar wanaagsan.

caqabadaha Wax Soo Saarka:

  1. Yaraanta kheyraadka dabiiciga ah.
  2. Aqoon la’aanta ama farsamada oo hooseysa.
  3. Maalgashi la’aan.
  4. Dagaallo ama siyaasad xumo.
  5. Cimilada oo saameysa dalagyada.

Kobaca Wax Soo Saarka (Productivity Growth): Koboca wax soo saarka waxaa lagu gaarayaa:

  1. Tababar iyo aqoon sare.
  2. Teknoolajiyo horumarsan.
  3. Maareyn tayo leh.
  4. Maalgashi joogto ah.

Ugu Danbeyn Wax soo saarku waa tiirka ugu weyn ee dhaqaalaha. Kheyraadka afarta ah (dhul, shaqo, raasumaal, iyo ganacsade) haddii si hufan loo maareeyo, waxay horseedaan horumar dhaqaale, shaqo abuur, iyo nolol wanaagsan.

Fiiro gaar ah: Maqaalkan 5aad wuxuu gogol xaar u yahay maqaalka 6aad, oo aan kaga hadli doono:”Wareegga Dhaqaalaha iyo Wareegga Dakhliga (Circular Flow of Income)” — halkaas oo aan ku baran doono sida lacagtu u wareegto bulshada dhexdeeda, iyo xiriirka u dhexeeya shirkadaha, dowladda, iyo dadka.

Qoray:Abdirizak Ibrahim

Fadlan lawadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *