Hordhac

Ka dib marka aynu ka soo hadalnay astaamaha baraha wanaagsan oo ay udub dhexaad u ahaayeen aqoonta baraha, awoodda gudbineed iyo xiriirka uu la leeyahay bulshada ay wada macaamilaan, waxa iyaduna mudan in si gaar ah loo darso maamulka fasalka.

Waxa aan maqaalkan aan kaga hadli doono xirfadaha baraha ka caawin kara in uu fasalkiisa ka dhigo mid uu isagu (baruhu) gacanta ku hayo min bilawga cashar gudbinta illaa dhamaanta wakhtiga cashar gudbinta(xiisada). Waxa aynu sido kale maqaalkan ku arki doonnaa xeerarka ay tahay in uu baruhu ardaydiisa kula dhaqmo si uu fasalkiisa u maamulo, cidda xeerarka sameyna, qaabka loo sameynayo iyo waxyaalaha dhici kara haddii xeearka fasalka sidooda loo dhaqan galin waayo.

Macnaha Maamulka fasalka

Maamulka fasalku waa adeegsiga baruhu uu adeegsado tallaabooyin, farsamooyin iyo nidaamyo kale oo ardayga ku haggi kara gaaritaanka ujeedooyinkiisa waxbarasho isla markaana fasalka ka dhigi kara goob xassilloon kana maran buuq iyo isdhexyaac.

Si loo gaaro ujeedka waxbarasho ee ah gudbinta casharka, waxa lagama maarmaan ah in fasalku yahay mid baruhu gacanta ku hayo, jiheyn karo isla markaana kolba dhinac uu u wareejin karo dareenka iyo feejignaanta ardayda.

 Baraha milgaha leh waxa lagu yaqaan in uu fasalkiisa hab aqoon ku salaysan u maamulo isla markaana uu gacanta ku hayo dhaq-dhaqaaqa ardaydiisa iyo hab fikirkoodaba isaga oo ku hagaya gaaritaanka ujeedooyinka waxbarashada, kana ilaalinaya mashquulida dadban ee ah hadal, guux, sheekaysi, ciyaar ama dhayalsi kaleba.

Ma jiro hab caalami ah (Standard) oo la isku raacay kaasi oo sahlaya qaabka loo maamulayo fasalka sababtuna waxa weeye kala duwanaanshaha dadka iyo dabeecadahoda laakiin waxa iyagu la isla qaatay tilmaamo koobanna laga bixiyay qaabab bare kasta ka caawin kara in uu gacanta ku hayo fasalka uu wax barayo. Waxa ka mid ah.

1. Xeerarka Fasalka (Classroom Rules)

Marka uu baruhu rabo in uu gacanta ku hayo dhammaan hawlaha fasalka gudihiisa ka socda isla markaana uu maamuli karo hawlaha ardaydu ku mashquuli karaan ugana hor tagi karo isdhexyaac abuuri kara sawaxan, waa in baruhu yeesho ardaydana isku ogyihiin xeerar ka tarjumaya kala dambeynta iyo u hoggaansanaanta hawlaha fasalka gudihiisa.

Xeerarkani waxa ay dhammaan ardayda muuqaal ka siinayaan nooca ciqaabeed ee ka dhalan kara haddiiba nooc khalad ah ardaygu sameeyo. Xeerarkan waxa lagu dhajinayaa gidaarada fasalka gudihiisa, arday kasta waa loo akhrinayaa waxa kale oo ardaygu akhrisanayaa nooca ciqaabta ee la socoto khaladka.

Yaa Sameeynaya Xeerarka Sideese Loo Sameynayaa?

Waxa inta badan soo noq-noqda buuq iyo eed sheegasho ka timaad xeerar ay barayaal sameysteen kuwaasi oo bulshada xiriirka ay wada leeyihiin barayaashaas sida waalidiinta, maamulayaasha iyo barayaasha kaleba u arkaan xadgudubyo iyo ku takrifal ama awood sheegasho taban oo saameyn aan la mahadin ku yeesha dabeecadaha, habdhaqanka iyo mararka qaar qaab hadalka ardayda.

Waxa dhacda in mararka qaarkood ay xeerarkani geystaan dhaawacyo jireed oo ka muuqda maqaarka ardayda, sidaa darteed waxa muhiim ah in laisweydiiyo weyddiinta kore, yaa sameynaya xeerarka? Xeerarka kala dambeynta iyo qaab dhaqanka ardayga iyo baraha ee fasalka gudihiisa waxa wada sameynaya ardayda iyo barahooda waxa intaa ka dib lala wadaagayaa maamulka goobta waxbarashada iyo guddiga barayaasha ee isla goobtan.

Dhammaan xubnahan kala duwan waxa ay miisamayaan suurtogalnimda in la dhaqan galiyo xeer-nidaamiyayaashan, waxa ay sidoo kale qiimeynayaan nooca saameyn ee ay xeer-nidaamiyayaashani ku yeelan karaan ardayda haddii la dhaqan galiyo. Waxa xusid mudan in gabi ahaanba aan lagu dari karin xeernidaamiyayaashan qodobo keeni kara meel ka dhac ah, sharafta iyo milgaha ardayga wax yeeli kara ama qodobo leh ciqaab jireed sida ul, orod dheer, gurid alaab culculus iyo nooc kasta oo dhib ama waxyeello kale u gaysan karta ardayga. Samaynta xeer-nidaamiyayaashan iyo wixii kale ee qayb ka noqon karaba waa in ardaydu qayb ay kayihiin, iyagu inta badan ee nooca ciqaabaha ay sheegaan, u samaynta xeer-nidaamiyayaasha si wada jir ahi waxa ay keenasaa in hadhaw ay si fudud u wada aqbalaan cida lagu fulinayo iyo cida fulinasaaba.

Waxa dhinaca kale daruuri lama ilaawaan ah in waalidiinta lala wadaago xeer-nidaamiyayaashan haddiiba ay suurto gal tahayna waalidiintu qayb ka ahaadaan samaynta qodobada.

Sababta ay waalidiintu muhiim uguyihiin samaynta iyo qaabeynta xeer-nidaamiyayaasha fasalka gudihiisa ayaa waxa ay tahay in ay waalidiintu xogogaal uyihiin xaaladaha

Caafimaad ee ardaydooda, maxaa yeelay waxa dhici karta arday xaalado aanu baruhu ogeyn dartood aan loogu fulin karin xeer-nidaamiyayaasha qaar ka mid ah. Tusaale arday baa khalad sameeyay xeer-nidaamiyaha waxa ku qoran qaladkaa cida samaysa in lagu fulinayo ciqaab ah taagni toban daqiiqo ah. Waxa dhici karta in ardayda qaar xaalado kale dartood ayna awooddin in ay sameeyaan ama lagu fuliyo qodobkan, sidaas darteed waa muhiim in waalidiintu qayb ka ahaadaan samaynta qodobada lagu qorayo xeer-nidaamiyaha fasalka gudihiisa.

Qaar Ka Mid Ah Xeerarka Baruhu Samaysan Karo

  1. Arday kastaa waa in uu ilaaliyo waqtiga soo gelidda fasalka
  2. Ardayna looma oggola in uu ka habsaamo wakhtiga xiisadu bilaabmaso, sidoo kale looma oggola ardayna in uu kazoo tago  qaybo buuggaagtiisa ka mid ah gaar ahaan kuwa maalintaa jadwalka u leh.
  3. Ardayna looma oggola in uu waxqabadyada loo diro ka yimaado ama aanu ka soo warcelin.
  4. Ardayna looma oggola in uu wax jabaq aan daruuri ahayn ku dhex sameeyo gudaha fasalka sida raamsi xanjo, wicida tilifoonka ama sawaxan kaleba.
  5. Ardayna looma oggola in uu ardayda kale riixriixo sabab la’aan, haddii kursigu ciriiri ku yahay waxa uu wargelinayaa baraha ku jira gudaha fasalka.
  6. Ardayna looma oggola in uu fadhiyo xiisada isaga oo bilaa qalin ah.
  7. Ardayna looma oggola in uu dibada u baxo oggolaansho la’aan inta xiisadu socoto.
  8. Ciyaar, kaftan iyo qosqosal aan sabab lahayn lagama oggola gudaha fasalka inta xiisadu socoto.
  9. Ardayna waxba kuma qori karo gidaarka, samuurada ama albaabka fasalka.
  10. Ardayna looma oggola in uu u hadlo si ka baxsan anshaxa ardaynnimo gudaha fasalka iyo dibadiisaba.

Maxaa Dhacaya Haddii Xeerarkan La Iloobo Ama Sidooda Loo Dhaqan Galin Waayo?

Xeerarka baraha iyo ardayda ayaa wada samaystay, waxa qiimeeyay maamulka iyo guddiga barayaasha, waxa iyaguna qayb ku lahaa waalidiinta ardayda, markaa waa waajib in sidooda loo dhaqan galiyaa. Waxa wax aad looga xishoodo ah in qodobadaa lagu qoray xeer-nidaamiyaha ardayga si fudud loo iloobo ama loo dhaqan galin waayo. Xeerarkani yaanay noqon fulintoodu mid xiliyada qaarkood uun loo baahdo, waa dhaqangal dhammaan ardaydu u simmanyihiin.

Qodobada waxa iyana lafdhabar iyo udub dhexaad u ah kaydinta noocyada ciqaabta ee la fuliyayay (Documentation). Arday kasta waa in loo diiwaangaliyo tallaabooyinka laga qaaday si haddii loo baahdo markale loo heli karo.

Xigasho: Hiil Bare.Farxaan.C.Muxumed

Fadlan lawadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *