ASTAAMAHA BARAHA WANAAGSAN (QAYBTA 3AAD)

Hordhac

Baruhu waa tiirka ugu muhiimsan ee dhismaha bulshada aqoonta leh. Waa iftiin hagaya ardayda, waa qalbi u damqada mustaqbalkooda, waana maskax iyo maanka kobciya jiilal is daba socda. Maqaalkani wuxuu si qoto dheer u eegayaa dabeecadaha iyo xirfadaha uu leeyahay baraha dhabta ah ee ardaydiisa u dabacsan, u xilqariya, uguna horseeda indheer-garadnimo iyo hufnaan. Waxa uu bidhaaminayaa sida dabacsanaanta, firfircoonida, u xilqarinta iyo aragti fogaanimada baruhu u yihiin tiirarka ugu waaweyn ee lagu garto macallinka wanaagsan ee raad waara ku reeba quluubta ardaydiisa

ASTAAMAHA BARAHA WANAAGSAN QAYBTA(3AAD)

1. Waxa Uu U Dabacsan Yahay ardaydiisa

Qodob kani waxa uu ka mid yahay tiirarka ugu mihiimsan ee xirfada barenimada, dabacsanaanta baruhu waa laba, midi waa ammaan iyo sifo wanaagsan midina waxa ay tahay lafjab iyo habac nimo nusqaanteeda leh. Dabacsanaanta milgaha iyo sharafta ahi waa marka baruhu ardaydiisa u damqado, dhugto dareenkooda kuna qaabbilo u dhibrin iyo dhul isu dhigid dhawrsanaan iyo dhagaysi habboon rukuno uyihiin.

Baruhu markan waxa uu si niyad iyo waji furnaani ku dheehan tahay uga dareen celiyaa habdhaqanada kala duwan ee ardayda ka soo fula. Waa bare faro qabaw, naxariis iyo kalsooni ay ardaydu ku qabaan, ardayduna si kal iyo laab ah ugu warami karaan, la wadaagi karaan arimaha u gaarka ah ee ku cakiran ama garab iyo talo waayeel ay uga baahanyihiin, waana astaan lagu yaqaan baraha u dabacdasan ardaydiisa in ardaydu si aad u qotodheer ugu kalsoonaadaan sida waalidkood ay ugu kalsoonyihiin. Dabacsanaanta ceebta iyo dib u dhaca ku ah barayaasha ayaa ah in baruhu aanu gabi ahaanba xil iska saarin tarbiyadaynta ardaydiisa oo uu baruhu iska indho tiro khaladaadka, buuqa, ciyaarta iyo arbushka ay ardaydiisu ku samaynayaan gudaha goobta waxbarashada.

2. Waa Uu Fir-fricoon Yahay

Astaamaha ugu muhiimsan ee baraha waxa ka mid ah firfircoonida iyo muujinta karti aad u badan, fur-furnaan lagu lamaaneeyay firfircooni iyo karti ku dhisan waji bilicsan ardayga waxa ay siisaa tamar dheeraad ah oo ku riixasa in uu wax barto, xilna iska saaro gaaritaanka ujeedooyinkiisa waxbarasho. Ardaydu kolba waxa ay la tamar iyo itaal noqdaan baraha iyaga hagaya ee ay hormuud iyo himilo ka dhigteen, baraha aadka u kartida badani ardayda waxa uu cariyaa korna u qaadaa tamartooda iyo hibadooda gaar ahaaneed. Firfircoonida baruhu kaliya ma aha in uu casharkiisa u gudbiyo si dhammaan ardaydu ay wada gaari karaan ujeedada casharka balse baraha firfircooni Waxa uu ilaaliyaa wakhtiga imaatinka goobta waxbarashada iyo wakhtiga xiisada ardayga, kama soo baxo fasalka xiisada oon dhammaan isla markaana uma gooyo ardaydu wakhtiyada ay sugayaan.

Waxa uu la socdaa dhammaan habdhaqanada ardaydiisa, waxa uu si fudud u dareemi karaa xaaladaha kala duwan ee ardayda.

Waxa uu ardayda ku booriyaa in ay ahaadaan muwaadiniin bulshada kale xil ka saaran yahay, ka arimaha danta guud ah isla markaana waxa uu dhiirigaliyaa in ay wax wada qabsadaan.

3. Waxa Uu U Xilqariyaa Ardaydiisa

Baraha raadka iyo mahadada ku reeba quluubta ardaydiisu, waxa uu ku sifaysan yahay u xilqarin iyo daboolis ceebaha ardayda mararka qaar ka soo fula. Ardaydu waxa ay la midyihiin xubnaha bulshada ee deegaan ku wada nool, waxa ay mararka qaar si aan ku talo gal ahayn iyo marmar ay u kasaanba u samayn karaan khaladaad iyo waxyaalo aan wanaagsanayn marka khalad uu ardaygu sameeyo waxa raadka ku reebaa waa habka baruhu uga falceliyo ama arinkaa ula dhaqmo. Barayaal badan ceebaha ardayda iyaga ayaa isku dhiga, daboola, dadka kale goobta waxbarashada ku suganna ka qariya, tani waxa ay keentaa in ardaygaasi barahaa u arko bare isaga dantiisa iyo qurxinta mustaqbalkiisa ka shaqaynaya, waxa uuna ku qaabbilayaa kalgacal, ixtiraam iyo ka haybaysi miisaan culus.

Sheekadii Ardayga Saacada Xaday

Waxa maalin goob ku kulmay arday iyo barihiisii dugsiga oo muddo kala baaday balse baruhu ma garanayo in qofkan la hadlaya uu wax soo baray isla markaana uu yahay ardaygisii.Ardaygii ayaa si dareen leh u yiri “Macalin iska waran?”. Barihii ayaa isna ku jawaabay “Waan fiicanahay laakiin kuma garanayo ee kumaad tahay”.

Ardaygii ayaa intaa ka dib fikiray waxa uuna yiri Waxaan kuu sheegayaa arrin aad igu garan karto anigana maskaxdayda raadeeyay, xushmad aan la ilmeeyana aan kuugu hayo”.

“Ma ogeyd maalin saacad la xaday?” Barihii waxa uu yiri Haa, waan xusuustaa”. Ardaygii ayaa haddana yidhi “ Maalintaa waxa aad nagu tiri, dhammaantiin kaca, waan idin baarayaa”.

Waadna baartay saacadiina waxa laga helay jeebadayda aniga oo run ahaantii aad u gariiraya kana cabsanaya ceebta aan ku kacay, ayaad haddana magacayga qarisay, cidna iimaad sheegin. Waxaad si tartiib ah ugu celisay saacada ardaygii lahaa. “Ma i xusuusataa, waxa aan ahay ardaygii aad jeebadiisa saacada ka soo saartay?” Barihii ayaa isna ugu warceliyey “Aniga laftirkayguba indhahaan isku hayay markaan idin baarayay, waxaan rabay in aanan arag qofka aan ka soo saarayo saacada”. Barenimadu waa taa. Qari ceebaha iyo khaladaadka ka dhaca ardayda aad waxbaraso.

4. Waa Indheergarad Meelo Durugsan Waxka Arka

Baruhu ardayga wuxuu u yahay hormuud ku dayasho, wax kasta oo baruhu sameeyo iyo si kasta oo uu fikirada barihiisa ka akhristana ardaygu waxa uu aaminsan yahay in ay sax tahay, ayna tahay wadooyinka loo maro horumarka iyo nolosha wanaagsan sidaas darteed baruhu si uu ardayga ugu horseedo aqoon dheeraad ah iyo indheer-garadnimo, waa in baruhu ardayga dhinacyo badan wax ka tusi karo.

Baruhu kaliya in uu ku koobnaado casharka uu ardayga u dhigayo aad baa looga wanaagsan yahay maxaa yeelay waxa ay caddayn u tahay in baruhu aanu meelo badan wax ka eegin aqoontiisuna tahay mid dabran oon balaar iyo dhumuc badan lahayn.

Baruhu waa in uu ardayga mararka qaar uga sheekeeyo arimaha diinta, guulaha islaamku soo gaaray, horumarka iyo ilbaxnimooyinka aduunyada ka socda, taariikhaha wax laga baran karo ee xiliyo hore dhacay iyo dhammaan dhan kasta oo nolosha aadanaha muhiim u ah. Arday badan ayaa waxa ay barayaashooda aad ugu jecelyihiin dareen ah in barahani yahay bare dhan walba ka dhisan diyaarna u ah in uu ardaydiisa ka dhiso dhinacyada kala duwan ee nolosha.

Marka baruhu qaabkaa balaaran u fikirayo, ardaygu waxa uu ka qaadanayaa afkaaraha ku dhisan isbalaarinta iyo si balaaran u fikirka ku salaysan aqoon raadiska iyo akhriska badan.

Xigasho Hiil Bare. Farxaan C. Muxumed

Fadlan haduu jiro cinwaan aad jeclaan lahayden inan kasoo hadalno hoos noogu reeb

Fadlan lawadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *