Waxa aan qaybta 1aad ee maqaalkan kaga soo hadalnay astaamaha baraha wanagsan uu leeyahay waxaana kusoo qaadanay Labo astaamo baraha wanaagsan oo kala ahaa

  1. in baraha wanaagsan si joogto ah u kobciyo aqoontiisa
  2. in baraha wanaagsan lagu yaqaano cod-kar nimo iyo gudbinta cashirka

Qaybta labaadna waxaan kusoo qaadan maanta saddax astaamod oo lagu yaqaano macalinka wanaagsan kuwaasoo kala Diyaarinta casharka i labiska iyo muuqa baraha iyo Wanaajinta Xiriirka Uu la leeyahay Ardayda ee lasocod wanaagsan

Baraha wanagsan waxa uu Ku Qalabaysan Yahay Cashar Diyaarin

Baraha u diyaarsan gudbinta casharka uu sito waxa saldhig u ah in uu marka hore soo diyaarsaday qorshe u sahlaya in casharkan loo gudbiyo sida ugu habboon isla markaana fariinta casharku xambaarsan yahay ay dhammaan ardaydu kala soo bixi karaan.

 Cilmibaarayaal aad ugu xeel-dheeraaday qiimeynta iyo dabagalka barayaasha ayaa waxa ay astaamaha ugu muhiimsan ee baraha wanaagsan ku sheegeen in ay tahay sidashada uu sito cashar diyaarintiisa, waxa ay yiraahdeen “Haddii aad doonayso in aad qiimeyso bare, heerka uu doono ha ahaadee, kaliya waxa aad weyddiisaa cashar diyaarintiisa.

Haddii uu sito cashar diyaarin waa bare haddii kalese waxa uu u baahan yahay in la siiyo tabobar iyo aqoon kordhin”

Faa’iidooyinka Cashar Diyaarinta Ee Baraha

  1. Waxa uu hagaa baraha
  2. Waxa uu awood siiyaa baraha
  3. Waxa uu baraha ku ilaaliyaa in uu fulinta ujeedada casharka Ku sugnaado
  4. Waxa uu baraha siiyaa muuqaal ah qaabka ay xiisadu u dhici doonto wakhtigeeda ka hor.
  5. Waxa uu baraha ka caawiyaa in uu baruhu si macquul ah u maamulo wakhtiga xiisada.
  6. Waxa uu kor u qaadaa kalsoonida, dhiiranaanta iyo isku filnaanshaha baraha.
  7. Waxa uu baraha u kordhiyaa maamuus uga timaad dhammaan hawlwadeennada ay goob shaqo wadaagayihiin sida maamulaha, barayaasha kale iyo ardaydaba.
  8. Waxa uu dhisaa korna u qaadaa nidaamsanaanta baraha isaga oo cashar diyaarintu baraha ku ilaalinayo gaarida ujeedka casharka.
  9. Diyaarsanaanta baruhu u diyaarsan yahay gudbinta casharkiisu waxa ay baraha siisaa kalsooni, dhiiranaan iyo awood uu ku maamulo fasalka, wakhtiga iyo xiisadaba, waxa kale oo ay muujisaa awoodiisa barenimo maxaa yeelay cashar diyaarintu waa udub dhexaadka xirfada barenimo.

Faa’iidooyinka Cashar Diyaarintu U Leedahay Ardayda

  1. Ardaydu waxa ay ka cashar diyaarinta baraha ka bartaan diyaarsanaanta iyo kalsoonida qofku ay tahay in uu muujiyo wakhtiga shaqadiisa uu ku gudo jiro.
  2. Waxa uu ardayda u ilaaliyaa wakhtiga xiisada maadaama baruhu ku kooban yahay ujeedka xiisada wakhtigana si fiican u maamulayo.
  3. Cashar diyaarintu waxa ay hiil iyo garab u tahay ardayda ka dib dhacsan ardayda kale (Slow learners) maadaama baruhu hore usoo diyaariyay casharka waxa mudan in baruhu gaar uga warhayo ardayda u baahan garabka dheeraadka ah. Dhanka kale, baraha ku guuldaraysta in uu samaysto soona qaato goor walba oo uu xiisad leeyahay cashar diyaarintiisa, waxa inta badan lagu tilmaamaa bare gaabis iyo cagajiid ku qaabbilaya xiisada.

Barayaal badan waxa ay cudurdaar ka dhigtaan “casharadan waxa aan soo dhigayay muddo dheer, sidaas darteed dushaan ka wada hayaa umana baahni soo diyaarin iyo wakhti aan iskaga lumiyo cashar diyaarinta”.  Arimaha noocan ahi run ahaantii sida ay sheegeen cilmibaarayaal ku xeeldheer arimaha khuseeya waxbarashadu waxa ay ku tilmaameen in ayna noqon karin cudurdaar iyo wax la aqbali karo. Baruhu mar kasta waxa uu u baahan yahay in uu samaysto cashar diyaarin cusub maxaa yeelay ardayduna kuwii uu sannadkii hore wax u dhigayay maaha wakhtiguna kii maaha, markaa baruhu waxa uu u baahan yahay cashar diyaarin cusub oo ka turjumasa baahida iyo qaab xalineedka baahida ardaydan cusub.

Dhibaatooyinka Cashar Diyaarin La’aanta

  1. Waa astaanta koowaad ee lagu yaqaan baraha daalan, cagajiidka ah isla markaana aan u diyaarsanayn gudbinta cashar tayo leh.
  2. Barayaasha gala fasalo ayna u sidan cashar diyaarin, waa barayaasha fasaladoodu ugu buuqa iyo sawaxanka badanyihiin.
  3. Cashar diyaarin la’aanta baruhu waxa ay ardayda ku beertaa kalsooni darro, caajisnimo iyo habacsanaan dadban oo aan si toos ah loo dareemi karin.
  4. Cashar diyaarin la’aantu waxa ay baraha ka dhigtaa bare ka hooseeya barayaasha kale, inta badanna qiimaynaha la sameeyo xagga hoose ayuu ka galaa inta ay doonto ha le’ekaato aqoontiisu.
  5. Cashar diyaarin la’aantu waxa ay abuurtaa kala shaki iyo kalsooni darro ka dhex aloosanta maamulaha iyo baraha bilaa cashar diyaarinta ah.

Maamuluhu waxa uu rabaaa bare kastaa in uu sito cashar diyaarintiisa, marka bare wax ka yimaadona waa in la isku canaanto, hadalada adag ee baraha uga imanaya dhanka maamulkiisa ayay barayaashu intooda badani u qaataan in iyaga loo jeedo tanina waxa ay keentaa in baruhu kalsooni ku qabi waayo maamulkiisa.

Baraha bilaa cashar diyaarinta ahi ma laha kalsooni iyo dhiiranaan uu ardayda ku hor istaago waana barayaasha inta badan fasaladoodu buuqa iyo sawaxanka badan sameeyaan inta lagu gudo jiro wakhtiyada waxbarashada.

Waxa uu ilaaliyaa Labiskiisa Iyo Muuqaalkiisa

Waxyaalaha baruhu ay tahay in uu ku bixiyo wakhti iyo dhaqaaleba waxa ka mid ah ka shaqaynta labiskiisa iyo muuqaalkiisa guud, baruhu waa in uu inta awoodiisa ah ku bixiyo dhaqaale ku habboon nooca labiska uu xiranayo.

 Qurxinta labiska baruhu waxa ay qayb mug iyo miisaan leh ka qaadataa heerka ixtiraamka ardaygu u hayo barihiisa, fahanka casharka iyo eegashada ardaygu ku taamayo in uu macalinkani u yahay hiigsi iyo meel ku dayasho mudan mustaqbalka.

Baruhu waa in uu yahay bare muuqaal ahaan mug iyo miisan leh, dhammaystiran intii awoodiisa ah isla markaana udgoon ardayduna xiiseyn iyo xamaasad ku qaabbili karaan. Dhanka kale haddii baruhu aanu xil iska saarin muuqaalkiisa ama labiskiisa yeeshona ur aan wanaagsanayn isla markaana ardaydu dhibsadaan u dhawaanshihiisa waxa dhacaysa in ardaydu erayo aan wanaagsanayn ku tibaaxaan muuqaalka barahooda, in ardaydu baraha u arkaan qof aan nadaafad badnayn iyo in ardaydu aanay qiimo weyn siinin casharada baruhu dhigayo.

Si guud bare kasta waxa aad mihnadiisa shaqo, sharaftiisa iyo maamuuskiisaba udub dhexaad u ah hab labiskiisa sidaas darteed waa in baruhu ku dadaalo labiskiisa, isticmaalo labis qurxoon, adeegsado udug wanaagsan sida cadaro iyo waxyaalo kale oo udgoon badan leh.

Waxa Uu Wanaajiyaa Xiriirka Uu la leeyahay Ardayda

Baraha wanaagsani waxa uu xiriir fiican oo xushmadi ku dheehan tahay la leeyahay ardaydiisa.

Xiriirkaa isfahamka ku dhisan ayaa waxa uu suurta geliyaa in ardaygu noqdo mid degan diyaarna u ah inuu wax badan faa’iideysto isla markaana waxa uu baraha ku qaabbilayaa waji furan, maskax iyo maan diyaar u ah iney wax badan kororsadaan. Baraha ku wanaagsan dhisitaanka xirirka ka dhexeeya isaga iyo ardayda, waxa u suurta gasha in uu si wanaagsan u gudbiyo waxyaaalaha uu doonayo inuu ardayda baro. Waxa iyana aad muhiim u ah in bare kastaa xiriirka ardayda uu la leeyahay ahaado mid xadkiisa aan laga gudbinin. Xiriirka baraha iyo ardayga u dhaxeeya waxa udub dhexaad u ah ixtiraam, dhagaysi, talo siin iyo kala dambeyn ku dheehan astaana ay u tahay waalidnimo.

Waxa wax aad looga hortago ah in baruhu si gaara ardayda qayb ula heshiis yahay, gaar sheeko wadaag ula ahaado ama si gaar ah uu ugu muujiyo dareen iyaga uun u gaar oo ayna la wadaagin ardayda kale, tani waxa ay keenasaa kala qaybsanaan ardayeed iyo eex.

Xigasho:Hiil Bare. Farxaan C.Muxumed

Fadkan hamoogaanin dhawaan qaybta 3aad ee Astaamaha baraha waangsan

Fadlan lawadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *