Dagaalyahankii weynaa ee xoogga badnaa ayaa ku soo degay goobtii dagaalka, waxa uuna ciidamadii muuminiinta ku xujeeyay in ay cidi u soo baxdo oo la dagaallanto, balse ma aanay jirin cid ku dhiirratay in ay u baxdo oo aan ka ahayn wiil arijir ah oo ku jiray da’aaddii ugu horreysay ee cimrigiisa, oo u soo baxay si niyad saafi ah leh oo Eebbe doondoon, kalsooni, iimaan iyo go’aan uu ka buuxo. Wiilkii si degdeg ah oo fudud ayuu dhagax u gala soo baxay kiish harag ah oo uu sitay, warafkiisiina dhawr jeer ayuu lulay si uu u cabbeeyo, magaca Ilaahay ayuu ku dhawaaqay, waxa uuna si wacan u tuuray warafkii, kolkiiba tuurmadii warafku madaxa ayay kaga dhacday cadawgiisii iyo cadawgii Ilaahay, degdeg ayuuna u dhacay. Sidaas ayuu Daa’uud ku dilay Jaaluut.
Waa qiso xanbaarsan astaan muhiim ah. Astaanta ay xanbaarsan tahay waa u-gargaarista xaqa iyo caddaaladda, xitaa haddii ay u muuqato mid daciif ah, sharka iyo dulmigu ay u muuqdaan kuwo awood leh. Laakiin kolkii Daa’uud nkh uu soo galay goobta dagaalka, ma waxa uu ka mid ahaa kuwa tamarta yar, mise isaga ayaa ka xoog badnaa xagga diyaarsanaanta iyo hubkaba?
Xilligii hore, dagaallada waxa ka qaybgali jiray saddex nooc oo ciidamo ah. Kan koowaad waxa uu ahaa ciidan hubaysan oo fardafuullo ah oo loo yaqaanay fardoolay. Kan labaad waxa uu ahaa ciidan la yiraahdo ciidanka lugta ama afantariga oo ku gaashaaman hub culus, seefo iyo gaashaanno. Kan saddexaadna waxa uu ahaa ciidan la yiraahdo qaansoolay/warmoolay, oo ku hubaysan warmo oo aad shiishyahanno u ah, oo u dhigma ciidamada aynnu maanta u naqaanno ciidanka madaafiicda iyo kuwa il-ka-cabirka wax ku toogta. Qalabkan dhagaxa lagu tuurayo ee ay haystaan kuwa sida wacan u tuuri yaqaanna waxa loo tixgelin jiray mid ka mid ah hubka ugu halista badan ee wakhtigaas. Si gaar ah waxa loogu adeegsan jiray in lagu duqeeyo bartilmaadeedka. Hubkani waxa uu wax ka dili jiray meel jirta 200 oo mitir.

Marka dagaalka la gelayo, waxaa la isu dheellitiraa saddexda nooc ee ciidanka, ee kala ah fardoolayda, qaansoolayda iyo afantariga. Ciidamada lugaynayaa waxa ay mar kasta bartilmaameedsan jireen ciidamada qaansoolayda ah ee ka soo horjeeda, halka ciidamada fardoolayda ahi ay iyagu bartilmaadeedsadaan ciidamada qaansooleyda ah, iyaga oo mar kasta ka faa’idaysanaya dhaqdhaqaaqooda badan, sidaas ayayna ciidamadooda lugta uga difaacaan oo ay uga ilaaliyaan ciidamada qaansooleyda ah.
Khubarada ku taakhasustay hubku waxa ay baaris ku sameeyeen awoodda uu leeyahay dhagaxa laga soo tuuro warafkaas xoogga weyni, oo waxа ayba u maleeyeen dhagaxa qaabkan loo tuuraa in uu waagaas la mid ahaa xabbadda manta. Ugu danbayntii; waxa ay ogaadeen in dhagaxaasi uu hal ilbiriqsi iyo bar uu ku gaari jiray 35 mitir. Xawaaraha uu ku socon jiray halkii saac in uu ahaa 122 km. Xawaaraha uu dhagaxani ku socon jiray waa mid ku filan in uu ka dhexbaxo koofiyadda dagaalka ee ciidanku ay xirtaan oo dili kara qofka, xitaa haddii koofiyaddu ay ka samaysnayd qalfoof weyn oo adag, sida tan uu sitay Jaaluut oo kale. Si kale haddii aynnu u dhigno; nebigii Ilaahay ee Daa’uud waxa uu ahaa mid ka warqaba meelaha uu ka jilicsan yahay iyo meelaha uu ka xooggan yahay. Sidoo kale; waxa uu si fiican ugu baraarugsanaa quwadda ay leeyihiin kuwa ka soo horjeeda iyo meelaha ay u liitaan, si wanaagsanna waxa uu u diyaarsaday sababihii keensanayay in uu guuleysto ee uu Ilaahay amray, oo goobta dagaalka iskama uu iman inta uu Ilaahay talasaartay’e, waxa uu yimi isaga oo Ilaahay talasaartay oo iimaan dhab ah ku qaba, isla markaana ku hawlgalay in diyaargarawga iyo la-imaanshaha sababaha guushu ay yihiin Cibaado iyo raacis la raacayo amarka Allaha weyn ee uunay uunka oo dhan.
Nebi Daa’uud nkh waxa uu diiday, in uu u dhowaado cadowgii Ilaahay oo uu hoosta ka galo, oo uu kula dagaallamo hubkii uu doonayay in uu kula dagaallamo, ee seefta iyo gaashaanka ahaa. Laakiin waxa uu si degdeg ah ugu dilay hubkii uu Daa’uud weligii iyo waagiiba yaqaanay ee uu ku ahaa xariifka iyo xirfadyahankaba. Sidaas daraadeed; nebi Daa’uud nkh waxa uu ahaa mid millateri ahaan sarreeya, oo waagaas ayuu ku hubaysnaa qalab ka horumarsan ka ay asaaggii ku hubaysnaayeen, taasina waa ta keentay in Jaaluut markiiba uu dilo, oo uu Daa’uud si fudud uga bartilmaameedsaday goljilicdiisii. Sidaas ayuu meesha kaga saaray xooggii iyo xaabaantii Jaaluut, Daa’uudna nkh uu hadafkiisii si fudud ugu gaaray.
Xogtani waa tan qoraaga hal’abuurka ah ee la yiraahdo Malcolm Gladwel uu rabay in uu ku caddeeyo buugiisii ugu danbeeyay ee la yidhaahdo (The weak the darginalized and the art of fighting giants). Qoraagu waxa uu si balballaaran u caddaynayaa in akhrinteenna khaldan ee qisadani ay inaga dhigtay in aynnu moogganaanno duruusta cajaa’ibka ah ee ku jirta qisadan weyn. Buuggu waxa uu ku wareegayaa fikradda awoodda, oo ah hantida loo malaynayo in ay tahay qodobka ugu muhiimsan ee aynnu ku dhisno rejada guusha, laakiin qodobkan laftigiisa ayaa sabab u noqon kara guuldarrada. Qoraagu waxa uu buugiisa kaga warramayaa geesinimada iyo hindisaha dadka la filayo in ay noqdaan kuwo daciif ah oo aan waxba tarayn, laakiin sugay wakhtigooda oo sameeyaan mucjisooyin waawayn. Tusaalooyinka dadkaas ayuu hogatusaalayn u soo qaadanayaa, si uu u caddeeyo in aadamuhu uu awood u leeyahay in uu wax beddeli karo, haddii uu naftiisa iyo xaaladdiisa aamino, oo uu la yimaaddo sababihii looga baahnaa, uuna la macaamilo dhacdooyinka maskaxeed ee awoodsiinta, oo uu iska indhatiro qaybaha maskaxda ee awood-ka-xayuubinta iyo caajisinta walwaalaya.
La-tartanka kooxaha kaa soo horjeeda ee aadka u xooggani, waxa ay ku siin kartaa dhiirrigelin weyn oo aad iyaga kaga adkaato, oo aad ku jebiso. Sirtu waa in aad iska dhaafto daciifnimadaada oo aad u beddesho awood. Qoraagu waxa uu buuggiisa i noogu soo aroorinayaa sheekooyin ina tusinaya sida waxa aynnu u arkaynno curyaannimo ama daciifnimo ay u yihiin sababaha ugu muhiimsan ee guulaha lamafilaanka ah. Falanqaynta dagaalladii uu aadamuhu qaaday 200 ee sano ee la soo dhaafay waxa ay muujinayaan, in quwadihii xoogga waaweynaa, ee ugu yaraan tobanlaabka ka xoog weynaa ciidan ahaan iyo dad ahaanba kuwii ka soo horjeeday, ay waddamadii xoogga weynaa ay dagaalladaas ku guuleysteen 71%, oo ay ka adkaadeen dawladihii daciifka ahaa, halka la rajaynayay in dawlad kasta oo xoog weyni ay uga guulaysan doonto dawladaha daciifka ah si dhammaystiran.
Gladwell waxa uu yiri: “ma jeclid in ilmahaagu uu ku dhasho dhibaato akhris, laakiin dhibaatadaasi waxa suuragal ah in ay ilmahaaga u horseeddo in uu sameeyo waxyaabo waaweyn.”
Waxa uu tusaale u soo qaatay garyaqaan qabay cillad akhriska ah (dysleksi) oo la yiraahdo David Boies, oo ka soo horjeestay isla markaana madaxa ka garaacay shirkadaha waaweyn ee Microsoft iyo IBM. Tartan uu la galay ayuu labadaba kaga guuleystay. Dhibka akhriska ka haystay waxa uu ku kallifay in uu kobciyo hibooyinka kale ee uu u leeyahay,
Sida dareenka sarreeya iyo xifdiga, kuwaas oo noqday hubkiisii uu kaga soo horjeestay labada shirkadood ee uu ku khilaafay, uuna kaga adkaaday.
Maalin kasta waxa dhasha dad naafo ah oo dhimirka ka jirran, qaybo dadkaas ka mid ah ayaa jira oo diida in ay isdhiibaan oo guuleysta, iyaga oo daciifnimadooda u beddelay awood iyo tamar. Waxaa wax lala yaabo ah, in dad badan oo ka mid ah dadkani ay noqdeen cabqariyiin gaaray meel aanay gaarin kuwo badan oo ka awood badan caafimaad ahaan. Taariikhyahannadu waxa ay isku raaceen in Einstein iyo Newton labaduba ay lahaayeen astaamaha naafanimada.

Thomas Edison waxa uu la ildarnaa dhego la’aan uu ka qaaday dhirbaaxooyin soo gaaray waagii uu yaraa. Iskuulka ayaa looga soo eryay dhego la’aantaas. Kolkaas ayay hooyadii wax ku bartay guriga. Kolkii danbe waxa uu oran jiray: “dhegoolanimadu waxa ay ka mid tahay nimcooyinka, sababta oo ah; qaylada iyo bulaanka degaanka igu xeeran ka jiraa ma qasi karaan fikirkayga.” Maalinkii waxa uu shaqayn jiray 18 saac. Intii uu noolaa waxa uu alifay 1093 aragtiyood, oo ay ka mid yihiin laambadda, cod sameeyaha, cod duubaha iyo telefoonku.
Beethoven waxa uu 25 sano ku qaatay waxmaqal la’aan, sannadahaas intii uu ku jiray waxa uu awooday in uu soo saaro muusigiisii ugu wanaagsanaa isaga oo aan maqlaynin.
Helen Keller, waxa ay ahayd haweenay dhega la’aan, indho la’aan iyo carrab la’aan ah, oo haddana waxaas oo dhan ka hortimi. Waxa ay baratay hadalka, aftahamada, akhriska iyo qoraalka dhawr luuqadood. Waxa ay qaadatay shahaadada PhDd, waxana ay qortay 18 buug. Waxa isaguna jiray nin la yiraahdo Jean Dominique oo ahaa saxafı, qoraa iyo madaxa tafatirka jariirad caan ah oo ka soo bixi jirtay waddanka Faransiiska, sannadkii 1995. Isaga oo 43 jir ah ayaa waxa ku dhacay wadne xanuun weyn, muddo 20 cisho ah ayuuna ku jiray koomo, markii uu miyirdoonsoonkii ka soo baxay, waxa uu la soo toosay xanuun naadir ah oo la yiraahdo (Locked in Syndrome). Sidaas ayuu gebi ahaanba naafo ku noqday, laakiin waxa tamaam ahaa awooddiisa maskaxeed oo si sax ah u shaqaynaysay. Waxa kale oo uu awoodi karayay in uu dhanka bidix isu rogo. Isaga oo xaaladdaas ku jira ayaa haddana waxa uu alifay buug (The Diving Bell and Butterfly) isaga oo marka xarafka saxda ee uu doonayay la qoro ishiisa bidix ka biligsiinayay -ilayn isagu waxba ma qori karo’e-, sidaas ayuu buugii ku wada qoray muddo laba sannadood ah, waxa uuna dhintay laba maalmood ka dib markii uu daabacay buugga. Sidoo kale; Christy Brown, oo qabay curyaannimo maskaxeed oo u keentay muddo sannado ah in dhaqdhaqaaqi kari waayo, hadalkiina uu iska waayo, dadkuna ay u arkayeen in caqligiisu uu liito, ayay hooyadii sheeko iyo waxbaris u bilawday oo ay u wadday. Dabadeedna maalin ayuu si lamafilaan ah cagtiisa bidix ugu qabsaday tamaashiir ay walaashii lahayd, waxa uuna bilaabay in uu qoro wax qoyskiisa ku saabsan. Aakhrikii waxa uu noqday mid ka mid ah qorayaasha aadka loo tixgeliyo, gabyaa iyo farshaxamaystayaasha Ireland. Waxa uuna dhintay sannadkii 1981k isaga oo 49 jir ah.
Mustafe Saadiq Arraaficiyi, oo dhintay 1937kii, waa uu dhego cuslaaday ka dib markii yaraantiisii uu xanuun ku dhacay. 30 jir markii uu gaaray qam ayuu noqday oo caadi ayuu u dhego beelay, laakiin naafanimadan haleeshay kama ay hor’istaagin in uu suugaanta sumcad ballaaran ku yeesho. Waxa uu aad ugu wanaagsanaaday qoraalka iyo allifaadda, ilaa aakhirkii magaciisa loo bixiyay dugsi lagu barto suugaanta Carbeed. Arraafici waxa lagu tiriyaa mid ka mid ah qoraayada leh ruuxda Islaamiga ah ee qotada dheer, oo Islaamka ugu soo adeegay suugaantooda iyo gabayadooda, ilaa maantana waa mid ay ku daydaan suugaanyahannadu. Buuggiisa la yiraahdo (Waxyul Qalim) waxa lagu tiriyaa in uu yahay hal’abuurka suugaanta casriga ah ee Carbeed.
Abul Macaari, oo dhashay sannadkii 363k hijriyada, oo ku aaddan 973k miilaadiga, isaga oo 14 jir ah ayuu indho beelay, gidaar ayuu isku go’doomiyay, ka dib markii uu aabbihii ka dhintay, oo uu agoon noqday isaga oo lix jir ah. Haddana naafanimadaasi iskama ay hortaagin hal’abuurka iyo allifaadda, waxa loo yaqaanay (maxbuuska labada xabsi) xabsiga uu doortay isagu oo ah gidaarka uu isku go’doomiyay, iyo xabsiga indho la’aanta ee haleelay. Waxa uu ahaa walina uu yahay mucjisooyinka xilligiisii ee aftahamada iyo hadalhaynta, waxaana loo garan ogaa (xikmaddii abwaannada ama abwaankii madaxda).
Waxa uu yiri: “Ilaahay ayaan uga mahadcelinayaa indho la’aanta, sida kuwa indhaha qabaaba ay Ilaahay ugu mahadcelinayaan.”
Waxa uu allifay oo uu ka tegay suugaan aad u badan oo falsafad iyo fikir sare xanbaarsan.

Wiil toban jir ahaa ayaa go’aansaday in uu barto Judo-ga, in kasta oo uu gacanta bidix ku waayay shil baaruur. Cashar barashadii waxa u bilaabay macallin Jabbaan u dhashay oo khabiir ku ahaa ciyaartan. Wiilkii si fiican ayuu u dedaalay, laakiin ma uu fahmin sababta uu macallinku saddexda bilood u barayo hal dhaqaaq oo keli ah.
Ugu danbayntii; wiilkii yaraa ayaa weydiiyay tababarihii: “maxaad ii bari weyday qaabciyaareedka kale?”
Waxa uu ugu jawaabay: “kani waa dhaqdhaqaaqa keli ah ee mar walba aad u baahan tahay in aad ku bilawdo.”
Wiilkii hadalkaas ma uu fahmin, laakiin waxa uu cabsanaa macallinkiisa, sidaas ayuuna ku sii watay tababarkii. Bilo ka dib macallinkii waxa uu wiilkii ka qaybgaliyay horyaalkii ugu horreeyay, kaas oo fajiciso ku noqotay wiilka! Sababta oo ah; si fudud ayuu ku badiyay labadii kulan ee uu ciyaarayba. Kulankii saddexaadna wuu ku guuleystay. Marka la eego tartanka kamadanbaysta ah, waxa uu ahaa tartan khibrad badan iyo taatiko u baahan. Waxaa la filayay in wiilka laga badin doono.
Garsooraha ayaa ku sigtay in uu tartanka ka joojiyo kan yar, isaga oo u baqay wiilka, balse tababarihiisa ayaa ku adkaystay in uu sii wato ciyaarta oo aan laga saarin. Muddo markii ay ciyaartii socotay ayuu ninkii watay kooxda ay la ciyaarayeen sameeyay khalad oo booskii daafaca uu ka saaray ciyaartoy, wiikii yaraa ayaa isticmaalay halkii taatiko ee uu tababarihiisu baray, sidaas ayuuna ugu guuleystay wareegiiba.
Wiilkii ayaa soo laabtay isaga oo kalsooni ay ka buuxdo, macallinkiisii ayuuna weydiiyay: “sidee ayaan horyaalka ugu guuleystay aniga oo hal qaabciyaareed iyo hal gacan oo keli ah ku ciyaaraya?”
Tababarihii ayaa ugu jawaabay: “waxa aad ugu guuleysatay laba arrimood. Ta koowaad waxa weeye, in aad xariif ku noqotay mid ka mid ah qaabciyaareeddadii ugu adkaa ee abid ka dhaca Judo, oo waxa aad haysatay hub xooggan. Ta labaadna waa in difaaca keliya ee waxku’oolka ah ee kaa soo horjeeda aad xejisay oo aad maamushay gacantiisa bidix ee kaa soo horjeedday.”
Runtii, ma jirto fikrad iyo go’aan adag oo qeexaya daciifnimad iyo awoodda, laakiin xoogga iyo daciifnimadu waa laba fikradood oo isku mid ah. Daciifnimadu waxa ay noqon kartaa sirta xoogga, xoogguna waxa uu noqon karaa sirta daciifnimada, sidan ayuu Allaha abuuraha ahi uu doonay in uu i noogu caddeeyo awoodda dhabta ah ee aanay ishu arkin, ee deggan gudaha qofka aadamaha ah, doonitaannadiisa, maskaxdiisa iyo naftiisa.
Waa isla sheekadii Daa’uud iyo Jaaluut ee ay inaga qarinayeen noocyada, qaababka iyo midabbada kala duwani, ee haddana ay soo celceliyeen wakhtiga iyo qarniyadu, si ay i noo tusaan yaababka uu Ilaahay ku duugay abuurista aadamaha.
Xigasho: Jiraalkay2 Dr.Waliid Axmed Fatiixi
Khaalid Ciise X.Nuur
