Mucjisada Quraanku waxa ay ahayd tii ugu weyneyd, ugu xoogganayd, isla markaana ugu xawaaraha badnayd ee kor u qaadday ilbaxnimadii basharka.
Xaddaaraddii uu xanbaarsanaa Quraanka kariimka ahi waxa ay keentay, in aadamaha laga saaro jaahilnimada iyo dibudhaca, waxa ayna gaarsiisay ummaddii Islaamka in ay saddex qarni gudahood ku noqdaan kuwa loo dabafadhiisto xaddaaradda adduunka iyo hoggaamintiisaba. Sirta iyo xikmadda ama falsafadda ka danbaysay in muddadaas kooban isbeddelka intaas le’eg ay sameeyaan waxa ay ahayd, kelmadda “akhri” ee lagu bilaabay soodejinta Quraanka kariimka ah.
Erayga “akhri” waxa uu noqday astaanta guud ee xaddaaradda casriga ah, taas oo koobsanaysa xaddaaradihii caado dhaqameedka ahaa iyo xaddaaraddii Quraanka.
Mucjisadani waxa ay noqotay mid xaqiiq ah oo hirgelisay xaddaaradda ay xambaarsanayd markii lagu saleeyay astaantii guud ee ahayd “akhri” laakiin, xaddaaraddaasi waxa ay hoos u dhacday oo ay dib u soo siibatay markii laga bayray xeerkii ay ku fadhiday ee ahaa “akhri” isla markaana ay ummaddii akhrisku noqotay ummad aan wax akhriyin!
Warbixin ay baahisay bahda la yidhaahdo “Ururka Fekerka Carbeed – The Arab Thought Foundation” kulankoodii tobnaad ayaa lagu sheegay, in celcelis ahaan qofka ku nool qaaradda Yurub uu sannadkii wax akhriyo wakhti gaaraya 200 oo saacadood, halka celcelis ahaan qofka u dhashay waddamada Carbeed Somaliyana lagu tiriyo uu sannadka wax akhriyo wakhti aan ka badnayn 6 ilbiriqsi oo keliya.
Cilmibaaris lagu ogaanayay heerka wax akhriska oo laga sameeyay waddamada adduunka oo dhan ayaa lagu ogaaday, in qof ka Carabka ahi ama soomaaliga ahi sannadkii oo dhan uu akhriyo bog barkii, halka qofka u dhashay waddanka Maraykanku uu sannadkii akhriyo 11 dhigane oo dhammaystiran! Sidoo kale; waxa isla daraasaddan lagu ogaaday, in qofka u dhashay waddamada Ingiriis iyo Jarmal, uu sannadkii akhriyo toddoba dhigane oo dhammaystiran.

Si kale haddii aynnu u dhigno, 20k qof ee kasta ee Carab ahi, ama soomaali ahi sannadkii marka la isu geeyo waxa ay akhriyaan waxay isku noqonayaan hal buug oo keliya! Halka inta uu akhriyo halka qofka ee Maraykanka ahi ay u dhiganto inta ay akhriyaan 220 qof oo Carab ah ama soomaali ah! Si kale, inta uu sannadkii akhriyo qof ka u dhashay dalalka Ingiriiska iyo Jalmalku ay u dhigmaan inta ay sannadkii akhriyaan 140 qof oo Carab ahi ama somali ah. Runtii; waa xaqiiqo qaraar oo aan la liqi karin.
Warbixin kale oo laga sameeyay adduunka, laguna ogaanayay heerka afnaqidda (tarjamaadda) dhiganayaasha ee waddamada ayaa lagu caddeeyay, in dhammaan tirada buugaagta ah ee lagu turjumo waddamada Carbeed ay u dhigmaan shan-meeloodow meel ahaan tirada buugaag ah ee lagu turjumo waddanka Giriiga, oo dadkiisu ay 20 milyan yihiin! Halka milyan ee Carbeed waxa kaga soo hagaaga buugaagta la tarjumay 4.4. Yacnii; buugaagta la turjumay afar buug oo keliya ayaa halkii milyan ee carbeed ku soo hagaagaya, Austria-na 500 oo buug, Spain-na 950 buug! Dhammaanba madbacadaha Carbeed warqadaha ay adeegsadaan ee ay wax ku daabacaan waxa ay u dhigmaan hal madbacad oo Faransiiska ku taallaa warqadaha ay adeegsato ee ay wax ku daabacdo!
Xagga daabacashada buugaagta marka aynnu ka eegno, 12 kun ee Carabta ahi waxa ay sannadkii daabacdaan hal buug oo keliya, halka 500 ee qof ee u dhashay waddanka Ingiriisku ay sannadkii daabacdaan hal buug. Taas macnaheedu waa, heerka daabacaadda buugaagta ee waddamada Carbeed marka la isu wadageeyo in uu noqonayo wax ka yar 4% marka la barbardhigo waddanka Ingiriiska oo keliya. Sannadka dhan caalamka Carbeed waxa lagu daabacaa laba kun oo buug, halka Marykanka oo keliya lagu daabaco in ka badan 85 kun oo buug! Buugga dhawr kumo nuqul laga gado caalamka Carbeed waxa loo yaqaanaa in uu waxqabad shilis ka dhabeeyay, halka Galbeedka malaayiin nuqul’ in la gado lagu xisaabtamo!
Marka aynnu eegno dhanka buugaagta koranteed (PDF), xaqiiqadu way ka sii qaraarahay sidii hore! Waddamada reer-Galbeedka marka la eego, tirada buugaagta ah ee lagu iibiyo mareegaha internetku waxa ay kor u dhaafayaan 40 kun oo buug wax ka yar maalin gudeheed, kala iibsiguna waxa uu gaaraa malaayiin. Laakiin marka aynnu eegno caalamka Carabeed, ama soomaalida heerka kala-iibsiga buugaagtu maba gaaro wax naf leh oo aynnu sheegi karno. Ilmaha Galbeedka u dhashay marba marka ka danbeeya waxa uu u sii dhowaanayaa dhanka akhriska, taas oo 8% kor u qaadday iibsiga dhiganayaasha dhallaanka intii lagu gudajiray 2007. Dhibaatada weyn ee ku fidaysa waddamada Carbeed iyo soomaalida waa jaahilnimadii oo xarkaha goosatay, halka dalka Japan laga cidhibtiray jaahilnimada qarnigii 19aad
Warbixin ay soo saartay haayadda UNICEF waxa ay ku caddaysay, in 70 milyan oo ka mid ah dadka Carbeed ama soomaalida ay yihiin dad aan wax qorin waxna akhriyin (Illiterete), saddexmeeloodow meel ahaan dadkaas aan waxna akhriyin waxna qorinina waa carruur iyo dumar.

Haddaba, maxay sidaasi ku dhacday?
Aan ka bilaabo sannadaha ugu horreeya ee ilmaha yar ee Carabka ah ama soomaaliga ah, sababta aan uga bilaabayaana waa in xilligani uu yahay marka la dhiso ama la dumiyo xiriirka ilmaha yar iyo buugga ka dhexeeya. Talo-soojeedinno laga soo saaray shirkii caalamiga ahaa ee horumarka maskaxda ee ka dhacay jaamacadda Chicago ayaa lagu caddeeyay, in waxa go’aamiya qaabsamaysanka maskaxda carruurtu aanu ahayn hiddasidayaasha, ee uu yahay tijaabooyinka, khibradaha iyo iskudayada uu
sameeyo ama uu la nool yahay ilmaha yari.
Teknoolojiyadda (Farsamaatiga) cusubi waxa ay sheegtay, in haddii ilmuhu marka uu yar yahay aad buug ku hor’akhrido, ay unugyo badan oo maskaxdiisa ka mid ahi, degdeg u koraan oo shaqada ay u bilaabaan. Tani waa tab si weyn oo degdeg ah u korinaysa maskaxda ilmaha yar, sidoo kalena waa u faa’ido weyn koritaanka maskaxda ee ilmaha yar.
Daraasado cusub oo dhowaanahan la sameeyay waxa ay dhayda ka caddeeyeen, in qofku 80% uu dhitaysto qaayaha (qiyamka), dhaqanka, caadooyinka, daacadnimada, cabsida iyo kalsoonida toddobada gu’ ee ugu horreeya cimrigiisa, inta noloshiisa ka hartay oo dhan waxa uu dhamaan dhitadaas uu ka dhaxlay barbaarintiisa. Sidoo kale; ilmaha yari akhriska waxa uu ka dhaxlaa in uu carrabkiisu tooso oo uu noqdo qof afkiisa hodan ku ah, isla markaana waxa uu ka dhaxlaa fahan ballaaran iyo fikir toosan.
In wax akhrin lala sameeyo ama loo sameeyo carruurta inta aanay gaarin da’da ay dugsiyada ku aadi lahaayeen, waxa ay dhistaa oo ay abuurtaa xiriir wanaagsan oo ka dhexeeya ilmaha yar iyo waalidkii, waxa ay kobcisaa kalsoonida carruurta, waxa ay ilmaha ku abuurtaa dareenka isdhuldhigga, sidoo kale; waxa ay carruurtu ka dhaxlaan in awoodda fikirka iyo falamaguristoodu ay siyaaddo.
Intaas waxa dheer oo ilmaha yari uu ka faa’ido akhris-ku-barbaarinta, in agtiisa uu akhrisku ka noqdo wax uu jecel yahay oo uu xiiseeyo, halkii uu ka noqon lahaa wax lagu khasbo marka uu weynaado. Tan waxaa ka sii dhasha, in ilmaha yari uu noqdo mid akhriska ka jecel dheelaha (games), ciyaaraha (plays) iyo daawashadda filimada.
Sidaas si la mid ah; daraasado kale ayaa waxa ay xaqiijiyeen, in ilmaha yar ee akhriska lagu canqariyay inta aanu gaarin heerka aadista dugsiga, ee la sii qabsaday akhriska isaga oo yari, in uu in badan ka heer sarreeyo faciisa kale oo uu ka guulo badanyahay. In carruurta lagu canqariyo akhrisku waxa uu kor u qaadaa caadifadda, xasuusta, fahanka iyo xammaasadda, waxdhegaysigooda.
Dhammaanteen waxa aynnu u ordaynaa sidii aynnu carruurteenna uga dhigi lahayn kuwo guuleysta oo hanaqaada, waxa aynnuna u doornaa oo aynnu geynaa dugsiba dugsiga uu ka fiican yahay, waxa aynnu la jeclaanaa macallinba macallinka uu ka door roon yahay, laakiin waxa aynnu moogan nahay oo aynnu ka dhego xidhan nahay, in qaabka ugu fiican ee carruurteennu ay ku gaari karaan heerka wanaagsan ee sarreeya ee aynnu la doonaynaa uu yahay akhriska. In akhriska iyo dhiganayaashu ay noqdaan wax ku sidkan naftooda oo door weyn oo muuqda ku yeesha habnololeedkooda maalinlaha ah.
Qof kasta oo taga waddammada reer-Galbeedku, waxa uu arkayaa sida ay maktabadaha reer-Galbeedku u yihiin kuwo u habaysan oo loo diyaariyay dadkooda, si ay uga kasbadaan aqoon, xaddaarad iyo ilbaxnimo. Dhammaan jiilashooda kala duwan waxa ay ku dunqulaaliyeen (dhiirrigeliyeen), in ay booqdaan oo ay ka faa’idaystaan maktabadaha loo diyaariyay. Taasina waxa ay dhalisay in goobahooda akhrisku ay noqdaan goobo camiran oo sida shinnida loogu xoonsan yahan.

Caalamka Carbeed ama guud ahaan Soomaalidu iyo caalamka Islaamku waxa ay noqdeen kuwo la ceegaaga walxo dhaldhalaal adduun ah oo ka maran koboca iyo korriimada macnawiga ah ee bulshada. Waxa ay Galbeedku bulshadooda heerkaas ku gaarsiiyen maktabadahaas aan albaabadooda la xirin, buugta gadashadeeda oo ay dhiirrigaliyeen iyada oo bulshada qiime hooseeya laga siinayo, tababarro iyo tartan akhris loo qabanayo, ardayda kaalmooyin dhaqaale oo buugaagta lagaga caawinayo loo diyaarinayo, oo tusaale ahaan Faransiiska, waxa ardayga la siiyaa faraqabsi u goynaya 20 buug sannadkii. Galbeedka, waxa ardayga loo sameeyay nidaam ammaanaysiinaya buugga uu doonayo toddobaaddo, isaga oo aan qayd iyo shardi lagu xidhin.
Suuqyadda waddammada Carbeed oo soomaalidu ka mid tahay waxa aad ku arkaysaa malaayiin dukaammo iyo meherado ganacsi ah oo furan maalin iyo habeenba, laakiin way yar tahay in aad ku aragto maktabado furan oo camirani. Marka aad u sii fiirsatana waxa aad arkaysaa in aanay wali fahmin muhiimadda akhriska.
Waxa aan aaminsanahay, haddii aynnu ku guuleysanno in aynnu yagleelno fac jecel akhriska iyo qoraalka, in aynnu gacanta ku dhigi karno furaha guusha, xaddaaradda, ilbaxnimada, koboca garaadka aynnu Ilaahay ku garanaynno iyo in iimaanku uu i noo siyaado. Sidaas si la mid ah; waxa aynnu noqonaynaa ummad Ilaahay ka cabsata;
قَالَ تَعَالَى: ﴿ إِنَّمَا يَخْشَى اللَّهَ مِنْ عِبَادِهِ الْعُلَمَؤُا ) فاطر: ۲۸
“Ilaahay waxa ka cabsada addoomihiisa cilmiga leh.”
Haddii aynnu doonayno in aynnu mar kale labakaclayn samaynno, inoo ma furna waddo kale oo aan ka ahayn in aynnu dib ugu noqonno kelmaddii ugu horraysay ee lagu bilaabay soodejinta waxyiga Alle. Waa kelmaddii xanshaashaqa ahayd ee godka nebiga loogu sheegay. Waa kelmadda ay ku dhismeen dhammaan xaddaaradihii kala danbeeyay ee adduunka. Waa kalmadda Ilaahay uu u doortay in ay noqoto tii ugu horraysay ee uu soo dejiyo markii ay kulmeen rasuulkii samada iyo rasuulkii dhulku. kelmad kale ma aha ee waa kelmadda “akhri”.
Haddii aynaan adeecin amarkii ugu horreeyay ama aynaan dhaqangelinin wixii ugu horreeyay ee uu Ilaahay ina faray, sidee ayay ummaddani ku badbaadaysaa oo ay ku helaysaa faraj fiican?!
Xigasho: Jiraalkay 1 Dr.Waliid Axmed Fatiixi
Khaalid Ciise X.Nuur
