Ciwaanka Maqaalka: “Maxaynu uga Baqanaa Naqdinta?” Kolka u horraysa ee aad isha ku dhufato, maankaaga waxaa boobaya weydiimahan: Waa maxay mawduucaní?! Maxaase looga baahan yahay ciwaankan?! Isweydiintan kediska ah waxa aynu gundhig uga dhigaynaa dhowrkan qodob ee soo socda:
Qodobka koowaad:
Qof kasta oo Muslim ah la yaab uma arko haddii uu akhriyo dibudhaca haysta caalamka Islaamka gebi ahaantiiba halka ugu sokeysa ilaa halka ugu shishaysa. Dibudhacaasi ha ahaado mid aqooneed, mid siyaasadeed ama mid bulsheed; waa ay ka siman yihiin qof iyo kooxba. Dibudhacaasi waxa uu ku habsaday dhammaan qaybaha nolosha, iyada oo aan la kala reebayn oo meel u bedqabtaa aanay jirin; haddana waxa aad arkaysaa dad badan oo Muslimiin ah oo ka xajiimoonaya noocyada naqdinta iyo toosinta. Marmarka qaarna waxaad arkaysaa qof, koox ama dawlad u haysta naqdinta dambi lagu ciqaabo qofka wax naqdiya.
Qaar kale waxa ay u arkaan qofka wax naqdiya qof shakhsiyaddooda meel kaga dhacay oo laga yaabo in lagu tilmaamo qof u dan leh khalkhalinta amniga waddanka iyo xasiloonida bulshada; ama in lagu eedeeyo qof xambaarsan qorshayaal siyaasaadeed oo waddada naqdinta u maraya si uu u fushado danahiisa gaarka ah. Waa wax iska caadi ah inaad si maalinle ah u aragto shakhsiyaad ku dhufanaya qofka wax naqdiya shaambadda cadawtinnimada oo ku tilmaamaya qofka wax naqdinaya in ay cadaawad hoose ka dhaxayso cidda uu ficilladeeda ama habdhaqankeeda naqdinayo. Marmarka qaarna waxaad arkaysaa qofka wax naqdinaya oo lagu tilmaamayo xaasid xariggii go’ay oo inta uu xiqdi dhaamiyey ka xun waxsoosaarka faciisa.
Qodobka labaad:
Waxa aad arkaysaa dad badan oo kala heer ah oo si buuxda u qirsan nusqaanta iyo gaabiska dhalanka dadka ah. La yaab ma leh in aad aragto qof – wuxuu doono ha ahaadee; aqoonyahan, baaqyahan, ganacsade, hoggaamiye, oo leh: qof gef ka dhawrsoon ma ihi, waxaan ahay bani’aadan gefa.
Wuxu taagan yahay heer uu qirsan yahay inuu gefi karo, haddana hadalkaas kuma dhaqmo kolka gefkiisa la naqdiyo. Diyaar uma aha in uu ka garaabo gefkiisa, ka dibna uu dib u saxo. Dabcan, dadka oo idil way ogyihiin in aynu nahay bashar gefka, gaabiska iyo turaanturradu ay dhalankeenna yihiin, balse weerahani waa gaashaan uu qofku gefkiisa ku difaaco. Waa ereyo uun aynu inta badan cudurdaar ka dhiganno. Haddii aynu afka uun ka sheeganno in aynu nahay bashar gefku dabeecad u yahay oo aan marnaba gefka ka dhawrsan karayn; wax yar iyo wax weyn toona ka tari mayso gefefkeenna ilaa aynu la nimaadno geesinnimada iyo ku dhaca aynu ku aqbalayno naqdinta qaladaadkeenna.

Qodobka saddexaad:
Waxa aynu dhaxalnay manhaj xagga Eebbe ka yimi iyo hanuun Nebi Maxamed (NNKH) la innoogu soo dhiibay, waxa aynu sidoo kale hantinnay dhaxal taariikheed oo inoo caddeeyey qaabka aynu gefka nafaheenna ugu sheegayno ama cid kale ugu sheegayno. Waxa aynu barannay qaabka ugu habboon ee aynu gefkaa u saxayno – ha ahaado gef ay qofka naftiisu gashay ama cid kale ay samaysay e’.
Oo Waxa wax laga xumaado ah in manhajkaas ah manhaj laga soo dheegtay Quraanka iyo Sunnada Rasuulka (NNKH), ay reer galbeedku uga faa’idaysteen ujeeddooyin adduunyo. Waxa ay dhigeen qaaciidooyinka naqdinta ee u dhaxeeya xukuumadda iyo shacabka, waxa ay dejiyeen xeerarka iyo tiirarka naqdinta dhinacyada warbaahinta, siyaasadda iyo dhaqaalaha; kaas oo qof kastaa garanayo sida wax loo naqdiyo, qaabka naqdinta looga falceliyo iyo waliba sida ra’yi looga dhiibto qaddiyad kasta ha yaraato ama ha weynaato e’.
Maanta waa wax aad ugu adag in badan oo dadka ka mid ah oo weliba ku abtirsanaya diinta Islaamka, ha ahaadaan hoggaamiyayaal, aqoonyahanno, culimo ama waxmagarataba inay dhegahooda u furaan dhegaysiga naqdinta, islamarkaana ay aqbalaan gefkooda. Dad badan waxay u dhow yihiin in ay qaataan dhaqankii kelitalisnimada ahaa ee Fircoon uu lahaa:
مَا أُرِيكُمْ إِلَّا مَا أَرَى وَمَا أَهْدِيكُمْ إِلَّا سَبِيلَ الرشاد” (غافر: (29)
‘Waxa aan arko mooyaane, wax kale idin tusin maayo, idinkuna hanuuninay maayo jidka toosan mid aan ahayn’. ‘Suuradda Qaafir, aayadda 29
WAA MAXAY NAQDIN?
Ereyga ‘Naqdin’ waa erey asalkiisu ka soo jeedo af-Carabi. Waxaa lagu macneeyaaa laba qeexitaan, iyada oo la eegayo hab-adeegsiga ereyga iyo macnaha uu dhadhamayo af ahaan:
Qeexidda koowaad: kala soocidda lacagta, siiba Dirhamka iyo Diinaarka kiisa wanaagsan iyo kiisa xun.
Carabtu waxa ay tidhaahdaa: نقدت الدراهم وانتقدتها oo macnaheedu yahay; kolka aad kala saarto ee aad kala sifayso lacagta Dirhamka, ta wanaagsan iyo ta xun. Waa kii gabayaagii Carbeedna lahaa:
نقاد على كفه الموت * دراهم يختار منها الثمين”
Haddaba, qeexitaanka koowaad ee Naqdintu, waxa uu ku tusinayaa, xulashada ama doorashada waxa wanaagsan iyo reebidda ama faquuqa waxa liita ee aan wanaagsanayn.
Qeexidda labaad: Ceebayn iyo Dhalleecayn.
Qeexitaankani waxa uu ku tusinayaa in ereyga ‘naqdi ay Carabtu u adeegsan jireen kolka ay cid dhalleecaynayaan. Arrinkaa waxa caddayn u ah halkudhigga caanbaxay ee laga soo weriyo Saxaabiga Abu Dardaa-Eebbe raali ha ka noqdee, waxa uu yidhi:
قال أبو الدرداء رضي الله عنه: “الناس” إن نقدتهم نقدوك وإن تركتهم لم يتركوك “
‘Dadka haddaad Naqdido (Ceebayso), iyaguna way ku ceebaynayaan, haddaad ka aamusto oo aad iskaga tagtana kaama tegayaan (Marnaba ka nabadgeli maysid)’.
Haddaba, qeexidda koowaad ee ah: walaxda wanaagsan in laga saaro walaxda xun, walaxda liidata in laga saaro walaxda xaqiiqada ah iyo wax kasta in la iska shaandheeyo oo la iska hufo; waa qeexidda jaangoynaysa islamarkaana buuxinaysa fahanka dhabta ah ee naqdinta.

Ereybixinta Naqdinta
Naqdin: Ereybixinteedu waa; kala garashada iyo kala soocidda saxa iyo qaladka, oo looga jeedo; in la ammaano oo la bogaadiyo wanaagga, lana dhalleeceeyo oo la faquuqo xumaanta. Waanaaggaas ama xumaantaas ha ku suntanaado qof, buug, waxqabad ama se haba ku sifaysanaadaan haayad, dawlad, koox ama ummad iyo wixii la mid ah. Sidaas ayaa shaacsane ka ahayd culimadii iyo indheergaradkii ku sifaysnaa aqoonta iyo Iimaanka, gaar ahaan dadkii noolaa qarniyadii hore ee wanaagga badnaa. Dadkaas badankoodu waxa ay naqdintoodu ku sallaysnayd, caddaynta wanaagga iyo isku boorrintiisa, ka digidda xumaanta iyo reebitaankeeda. Arrintaas waxa markhaati u ah noloshoodii, habdhaqankoodii hufnaa iyo wacdigoodii qiimaha badnaa Eebbe raalli ha ka noqdo dhammaantood e’.
Macnaha taban ee naqdinta:
Macnaha taban ee loo adeegsado naqdinta waa; dhalleecayn, ceebayn, bahdilaad iyo xadgudub qofeed, waana macnaha ugu badan ee ay dadka waqtigan joogaa u yaqaannaan naqdinta, iyaga oo ismoodsiinaya naqdintu inay tahay; waddada loo maro caannimada ama hub loo adeegsado aargoosiga shakhsiga ah, colaadda iyo cid iskadhicinta. Dadkaasi badiyaa waxa ay xagxagtaan shakhsiyadda cidda ay naqdinayaan, sidaa darteed cidda la naqdinayaana ma aqbalaan oo ma soo dhoweeyaan naqdinta shakhsi-weerarka ah, sababtoo ah durridda ujeedkeedu aanu sixitaan ahayn, waxa lagu tiriyaa nooc liidashada, yasitaanka iyo u-quuriwaaga ka mid ah.
Dadka naqdinta moodaya hub lagu aargoosanayo, ma duraan dadka ilaa ay u caroodaan ama ay is dagaalaan, markaas ayay usha naqdinta inta ay qaataan oo si turaale la’aan ah ula dhacaan waxsoosaarka ciddii ay maalin uun is jiireen si ay qofnimadooda dhowrsan u waxyeeleeyaan, milgahoodana Duulkaasi u ma socdaan in ay runta caddeeyaan, laakiin waxay gucle-roor ugu jiraan ururinta ceebaha iyo kaydinta goldaloolooyinka dadka! Sidaa awgeed buu Nebigu (SCW) uu ku sheegay Xadiis uu soo werinayo Saxaabiga Abu Dardaa – Eebbe raalli ha ka noqdo e, in kuwa dadka nacdalaa aanay ergo noqonayn, maragna fureyn maalinta Qiyaamaha.
عن أبي الدرداء : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: “لا يَكُونُ اللَّعْانُونَ شُفَعَاءَ ولا شُهَدَاءَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ “
Gunaanud
Oraah guun ah ayaa tiraahda: ‘Weligaa ha isku dayin inaad qof doqon ah gefkiisa u sheegto, haddii kale wuu kuu caroon doonaa; qof garaad badan gefkiisa u sheeg, isaga ayaa ku hambalyayn doona e’.
Haddiiba adiga oo khaldan uu qof kuu sheego gefkaaga oo aad carooto, weli uma aad bislaan – ma na aad yeelan garaad qaangaarnimadiisu gaarsiisan tahay inuu aqbalo abuurkeenna dhalanka ah ee gefka mataanka la ah. Waa gallad inaad hesho cid si turaale ah kuugu sheegta gef aad samaysay oo aanad ka warqabin oo laga yaabo inuu yahayba gefka dib kaaga dhigay inaad gaarto meel kuu suntanayd, waxa se masiibadu timaaddaa marka aad gefkaa sixi weydo, amaba aad jiritaankiisa dafirto, qirashadiisana u aragto hoosayn.
Dugsigu wuxuu ku barayaa casharro, ka dib ayuu itaxaan kaa qaadayaa. Noloshu se waa lidka. Iyadu waxay kuu soo horraysiinaysaa imtaxaanka, ka dib ayay casharrada kuu dambaysiinaysaa. Sida ugu mudan ee ay noloshu qofka u barto casharradu, waa inuu gef sameeyo. Nolosha casharkeeda iyo imtaxaankeedu isku meel ayay ka dhacaan. Marka aad gef samayso, si aad ah wax ugu fiirso, waayo gefku waa halka ay ka bilaabmaan xiisadaha ay noloshu casharrada ku bixiso.
Saynisyahankii figta sare kaga jiray saynisyahannadii qarnigii 20aad, Albeerto Anishtayn, ayaa laga qoray oraah muggeeda lahayd. Wuxuu yiri: ‘Haddii aanad weligaa gefin, macnuhu waa inaanad weligaa isku dayin wax cusub’.
Gefku wuxuu astaan u yahay inuu iskuday jiro; sixiddiisuna waxay calaamad u tahay inuu koritaan socdo. Qofku wuxuu ugu gef badan yahay marka uu yar yahay, sababta oo ah waxaa socda koritaankiisii maskaxeed – in ka badan inta uu jirkiisu korayo. Sida kaliya ee aanu qofku weligii u gefayni waa inaanu waxba iskudayin, waxqabad samayn, wax cusub la iman ee uu meel uun yuurursado yacnii waa inuu u noolaadaa sida maydka.
Waxa runta ah ee horumarka qofeed, kooxeed, ama qaran keenaa ma aha in gefka la naqdiyo, waa se in la saxo gefkaas. In gefka la saxo waxa ka horraysa in la ogaado jiritaanka gefka qudhiisa, sida keliya ee lagu ogaan karaana waa in la helo naqdintiisii.
Dawladaha casriga ahi waxay samaystaan nidaam xisbiyo xukuumiya iyo kuwa mucaarid ah; xisbiyada mucaaridka ahi shaqada keliya ee loo samaystay waa inay naqdiyaan gefafka ay xukuumaddu u samaysay si kama’ ah amaba kutalagal ah; una noqdaan muraayad ay xukuumadda talinaysaa ka dhex aragto gefafkeeda.
Faylasuufkii iyo abwaankii qarnigii tegay, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), wuxuuba gaarsiiyay in naqdin la’aantu tahay sababaha ugu mudan ee kelitaliye u abuurmo. Hadraawi wuxuu tixdiisa ku sheegay haddii kaalintii ay naqdintu geli lahayd lagu beddalo ammaan, in aanay jirin sabab kale oo soo labaysa oo kelitaliye abuuri kartaa; waayo naqdintu ugu yaraan waxay u noqon lahayd waabin, amaba dabar ka xakameeya inuu ku dhiirrado dambiyo waaweyn waana isla sababta ay xukuumadaha kalitaliska ahi dagaalka ugu badan ugu qaadaan jiritaanka naqdinta.
Sida oo kale, isla gabaygaa wuxuu Hadraawi ku sheegayaa in naqdintu tahay hab uu qofka madaxda ahi ku cabbiro heerka uu gaarsiisan yahay garaadka bulshadu. Mararka qaar gef uu si bareer ah u sameeyay hadduu waayo cid naqdida naqdin la’aantaa ama ha keento cabsi laga baqayo, amaba ha keento garaadka dadka oo hooseeyaa e, wuxuu u fahmaa inaanay jirinba cid garaad leh oo dalkiisa joogtaa, sababtaas awgeedna wuxuu aaminaa inaanay jirinba cid kale oo uu dalka ku aamini karo oo aan isaga ahayn.

Hadraawi gabaygiisa Gudgude ee uu tiriyay gugii 1990kii, isaga oo naqdin la’aanta kelitaliyaha ka hadlaya wuxuu yidhi:
‘Gar-ma-qataayaashiyo dadkaa beera, ruux gudhane
Gambo nimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo
Markuu dhaawac geystaba haddii, loo gargarateeyo
Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya
Giblo iyo sacabbo lulan haddii, loogu gogolxaadho
Keligii inuu guurti yahay, maalintaa gunudye’
Xigasho: Maxaynu uga baqnaa naqdinta ” Dr.Salman Al-Cawda
Maxamed Shrma’arke.
