
Horudhac.
Dhaqaalaha waxa uu u taagan yahay sidii bani’aadamku u maareyn lahaa kheyraadka xadidan si uu u daboolo baahiyo aan dhammaad lahayn. Si taas loo fahmo, waa muhiim in aan kala saarno waxa ay yihiin baahi, doonista, iyo sida ay u horseedaan xulashada.
Baahida (Need):
Baahida waa waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolosha bani’aadamka si uu u sii jiro. Haddii ay ka maqnaadaan, noloshu way adkaaneysaa ama halis ayay gashaa.
Tusaale ahaan: Cunto iyo biyo,Hoy iyo dhar ,Daryeel iyo caafimaad Waxbarasho iyo nabad                                                                                   Â
 Sifooyinka Baahida:
- Waa lagama maarmaan.
- Waxaa loo rabaa si joogto ah.
- Haddii aan la helin, noloshu waxay galeysaa khatar.
- Waa kuwo kooban marka la barbardhigo doonista.
Doonista (Want):
Doonista waa waxyaabaha bani’aadamku jacelyahay inuu helo si uu noloshiisa ugu raaxeeyo ama u horumariyo balse aysan noloshu ku xirnayn jiritaankeeda.
TusaaIe ahaan: Telefoon casri ah ,Gaari raaxo leh ,Safar dalxiis ah,Cuntooyin kala duwan
Sifooyinka Doonista:
- Waa kuwo aan dhammaad lahayn.
- Haddii aan la helin, noloshu way soconaysaa.
- Waxay ku xiran yihiin dhaqanka, da’da, iyo heerka dakhliga.
- Waxay is beddelaan waqti ka waqti.

Xulashada (Choice).
Xulashada waa habka uu qofku u go’aansado mid ka mid ah waxyaabaha uu rabay marka kheyraadku uu xadidan yahay.
ASbaabaha Xulashada:
- Kheyraadku waa xadidan yahay.
- Baahiyaha iyo doonistu waa badan yihiin.
- Ma awoodno inaan helno dhammaantood.
Tusaale: Haddii aad haysato $1 0, waxaad dooran kartaa inaad ku iibsato: Buug aqooneed,Cunto fudud,Tiknoolajiyad cusub ,ama dhar Doorashada mid ka mid ah waxay ka dhigan tahay inaad ka tagtay kuwa kale.
Qiimaha Fursadda (Opportunity Cost):
Qeexida: Waa qiimaha waxa ugu fiican ee aad ka tagto markaad dooranayso wax kale.
Tusaale: Haddii aad $10 ku iibsato buug halkii aad cunto ka iibsan lahayd, qiimaha fursadda waa cunadii aad iska daysay.
Doorka Xulashada ee Dhaqaalaha:
- Waxay ka caawisaa maareynta kheyraadka.
- Waxay muujisaa mudnaanta qofka ama bulshada.
- Waxay qeexdaa jihada siyaasadda dhaqaale ee dowladdu qaadanayso.
Ugu danbeyn: Fahanka kala duwanaanta baahida, doonista, iyo xulashada waa aasaaska dhaqaalaha. Dadka iyo dowladuhuba waxay mar kasta la kulmaan go’aanno ku saabsan sida kheyraad xadidan loogu adeegsan karo si looga faa’iidaysto heerka ugu sarreeya.
Fiiro gaar ah: Cutubka 4aad wuxuu dhameystir u yahay fahamka aasaaska dhaqaalaha, wuxuuna gogol xaar u yahay cutubyada xiga sida go’aamada wax soo saar, suuqa, qiimaha, iyo baahida & dalabka (demand & supply).
Qoray: Abdirizak Ibrahim


I like reading
waxaan rajenaynaa inaa mar walaba nala socondoontid insha allah