
Mucjisada Quraanku waxa ay ahayd tii ugu weyneyd, ugu xoogganayd, isla markaana ugu xawaaraha badnayd ee kor u qaadday ilbaxnimadii basharka. Xaddaaraddii uu xanbaarsanaa Quraanka kariimka ahi waxa ay keentay, in aadamaha laga saaro jaahilnimada iyo dibudhaca, waxa ayna gaarsiisay ummaddii Islaamka in ay saddex qarni gudahood ku noqdaan kuwa loo dabafadhiisto xaddaaradda adduunka iyo hoggaamintiisaba. Sirta iyo xikmadda ama falsafadda ka danbaysay in muddadaas kooban isbeddelka intaas le’eg ay sameeyaan waxa ay ahayd, kelmadda “akhri” ee lagu bilaabay soodejinta Quraanka kariimka ah.
Erayga “akhri” waxa uu noqday astaanta guud ee xaddaaradda casriga ah, taas oo koobsanaysa xaddaaradihii caado dhaqameedka ahaa iyo xaddaaraddii Quraanka.
Mucjisadani waxa ay noqotay mid xaqiq ah oo hirgelisay xaddaaradda ay xambaarsanayd markii lagu saleeyay astaantii guud ee ahayd “akhri” laakiin, xaddaaraddaasi waxa ay hoos u dhacday oo ay dib u soo siibatay markii laga bayray xeerkii ay ku fadhiday ee ahaa “akhri” isla markaana ay ummaddii akhrisku noqotay ummad aan wax akhriyin
Hadaba halkan waxaan kugu soo gudbinayaa Toban (10) faaido oo wax akhriska laga helo
- Waxay kobcisaa Caqliga
Daraasado lasameyay waxay cadeeyen in wax akhrisku yahay aqoon iyo fikir taasoo keenaysa in maskaxda shaqadayda si firfircoon u qabsato sidoo kale daraasada waxaa lagu ogaaday inay yartahay qofka wax akhriya inay ku dhacaan cudurada maskaxda ku dhaca qaybahooda kala duwan.
2. waxaa laga helaa Aqoon.
Waxa akhrintu waxay leedahay ahmiyad aad uwayn tasoo ka dhigta qofka inuu kasbado aqoon iyo macluumaad kucusub sidoo kale aqoontaasi waxay u suura galisaa qofku in uu awood u yeesho inuu kuwaajaho culeesyada nolosha isagoo adeegsanaayo aqoonta uu akhriska ka kasbaday.
Wax akhrintu waxay qofka ugu kaalmaysaa in uu naftiisa horumariyo sidoo kalena waxay dhistaa kalsoonida qofka uu ku qabo naftiisa sidoo kale waxay kaga kaalmaysaa qofka in uu qaato go’aano ku haboon noloshiisa iyo mustaqbalkiisa.
4. Waxay daahfaydaa arimo cusub.
Wax akhrintu waxay ugu kaalmaysaa qofka in uu daahfaydo ama uu ogaado arimo cusub uusan horay u ogayn qofka iyo inuu ogaado wadooyin kale oo lagu xalinkaro dhibaatooyinka nolosha.
5. Waxay wanaajisaa xusuusta.
Faaidooyinka wax akhriska waxaa ka mid ah inay wanaajiso xusuusta qofka ,tusaale marka uu qofku akhriyo sheeko faneed ama qiso waxaa raad ku yeelanaayo xusuustiisa shaqsiyaada iyo dhacdooyinka sheekada ama qisa kujiray

6. Wuxuu awood u yeshaa qofka in uu wax naqdiyo.
Wax akhrintu waxay siisaa qofka in uu horumariyo awoodiisa naqdinta isagoo u maraayo dhamaan afkaaraha kala duwan ee uu akhriyay
Inta aan kuguda jirno nolol maalmeedkena inbadan waxaan lakulanaa walwal iyo culeesyo kala duwan haday ahaan lahayen kuwa aan kala kulanay shaqooyinkeena, xiriiradeena ama sawab kale kuwasoo sameen ku yeesha caafimaadka qofka, laakin waxaa la ogaaday wax akhrintu inay saameen ku leedahay yareenta ama baabi’inta walwalka, qofka marka uu akhriyo qisooyinka iyo sheekoyinka waxay qofka maankiisa kuxiraan caalam kale tasoo ilowsiin karta qofka walwalka.
8. Wuxuu ku kasbadaa ama kahelaa qofku Ereyo badan.
Markasta uu bato akhriska qofka waxaa bata erayada qofka uu baranaayo haday ahaalahaayen kuwa uu u isticmaalo nolol maalmeedkiisa ,shaqadiisa ama munaasabaadka uu kahadlaayo qofka eryada tirade badan ee uu helaayo qofka waxay ka saacidi kartaa in uu horumar kasameeyo shaqadiisa iyo kalsoonidiisa oo siyaada marka uu lahadlaayo dadka kale.
9. Waxay kobcisaa hab qoraalka qofka.
Inuu yeesho qofka hab qoraal wanaagsan waxay ku xirantahay in uu qofka waxbadan akhriyo, marka aad akhriso bugaagta, wargeesyada, sugaanta, iyo maqaalada waxaad baranaysaa hab qoraalkooda.
10. Waxaa laga helaa awooda diirad saarida.
Marka uu akhrinaayo qofka buug ama maqaal awoodiisa dhan wuxuu isugu geyaa waxa uu akhrinaayo tasaa waxay keeni kartaa qofka in uu kabarto sida arimaha kale uu diirada usaari lahaa maalinba maalinta kadambaysa.
Qoray: Harun Al-Rashiid
