Sidee ku dooran kartaa Taqasuska jaamacadda

Inbadan oo ardayda ka mid ah waxaa ku dhaca marka ay dugsiga sare kasoo baxaan jahwareer ah Taqasuska ku haboon ee dooran lahaayeen

Wax sahlan maaha inaad doorato taqasus marka la joogo marxalada jaamacadda,waxaad arkaysaa arday badan oo dareemaya inay dhiganayaan taqasus khaldan oo aan ku haboonen iyaga, sidoo kale suuqa shaqada in badan oo dadka ka mid ah waxay ka cabanayaan inay ka shaqenayaan meel aan xiriir la lahayn taqasuskooda, sidoo kale waxaa arkaysaa in badan iyagoo leh hadii wakhtigeenii mar labaad lasoo celin lahaa  waxaa suura gal ah ugu yaraan inaan wado kale marno si aan taqasuskii nagu habonaa u doorano

Halbeegyadan ku dooro Taqasuskaada.

Waxaa muhiim ah ardayga inta uusan go’aan qaadan ama uusan dooran taqasuska jaamacada inuu iska fiiriyo qodobadan.

  1. Ardayga waa in uu ogaado awoodihiisa: waa in uu ogaado halka uu ku fiican yahay iyo halka uu ku liito
  2. Waa in uu xadido xirfadihiisa iyo waxa uu xiiseeyo
  3. Waa in fursad shaqo leeyahay taqasuska, hadii ay dhacdo in taqasuska aad xiisaynaysay uu lahayn fursad shaqo raadi taqasus kale oo ka agdhow oo leh fursad shaqo
  4. Waa in aad fiirisaa xaalada qoyskaada, ma awoodaan inay kaa bixiyaan qarashaadka taqasuska aad baranayso, hadii aysan awoodin raadi minxooyin ama taqasusaadka kale ay awoodaan
  5. Maku shaqayn kartaa markaad soo qalin jabiso kadib, oo is waydii makugu haboontahay shaqadaasi in aad qabato? Daqli kugu haboon maleedahay
  6. Awood ma u leedahay ama mataqanaa luqada lagu dhigo taqasuska: luqadu waxay ka mid tahay wax yaalaha ardayda caqabadaha ku keena mararka qaarna kaynta inay waxbarashada ku adkaato ama siiwadi waayaba ardayga
  7. Latasho dadka qubarada ah
  8. Istikhaarayso ka hor inta aadan taqasuska bilaawin: Nabiga (NNKH) wuxuu leeyahay midkiin haduu ku hamiyo arin ha tukado labo rakco kadibna ha akhriyo ducadan

 قال النبي ﷺ: إذا هم أحدكم بأمر فليصل ركعتين، ثم ليقل: اللهم إني أستخيرك بعلمك، وأستقدرك بقدرتك، وأسألك من فضلك العظيم، فإنك تعلم ولا أعلم، وتقدر ولا أقدر، وأنت علام الغيوب، اللهم إن كنت تعلم أن هذا الأمر ويسميه باسمه يقول: هذا الأمر، زواجي بفلانة، أو سفري إلى محل كذا، أو شراء كذا، أو ما أشبه ذلك، يعين حاجته اللهم إن كنت تعلم أن هذا الأمر خير لي في ديني ومعاشي وعاقبة أمري، فيسره لي، ثم بارك لي فيه، وإن كنت تعلم أن هذا الأمر شر لي في ديني ومعاشي وعاقبة أمري فاصرفه عني واصرفني عنه، وقدر لي الخير حيث كان، ثم رضني به.

Maxaa lagudboon waalidka marka caruurtooda taqasuska dooranayaan

Waxaa lagudboon waalidka marka ay ilmaha marxaladan ku jiraan inay caawiyaan oo ay hagaan, sidoo kale waa in waalidka diirada saaro awooda ilmaha waxa uu jecelyahay u daayo , sidoo kale waalidku waa in uu fiiriyo kala duwanaanta caruurta uusan labarbar dhigin caruurta kale oo cunug kasta xaaladiisa gaar ah kula tacaamulo

Taqasusyada mustaqbalka looga baahan doono suuqyada shaqada ee soomaaliya?

Marka laga hadlaayo waxyaalaha looga baahan yahay suuqyada shaqada sanadaha soo socda way kukala duwanyihiin dowladaha

Waxaan halkan kugu soo koobayaa qaar ka mid ah taqasusyada mustaqbalka soomaaliya looga baahan doono

  1. Cilmiga Tiknoolajiyada iyo Macluumaadka
  2.  Barnaamij samaynta ( programming software Develoment)
  3. Amniga internetka ( Cybersecurity)
  4. Cilmiga Beeraha ( Agriculture)
  5. Cilmiga deegaanka ( Enviromental Sciences)
  6. Cilmiga Xoolaha
  7. Tamarta & kaabayaasha dhaqaalaha ( Energy & infrastructure)
  8. Tamarta qoraxda
  9. Tamarta dabaysha
  10. Cilmiga suuq gaynta ( Digital marketing)
  11. Maalgashiga
  12. Tirakoobka iyo Qorshaynta (Statistics & Plannig

Qoray: Haaruun AL-Rashiid

Fadlan lawadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *