ASALKA ABUURKA LABADA JINSI!
❤️

Wali ma isweyddiisay su’aalahan:

Maxay dumarku inooga hadal badan yihiin?

Dumarku maxay inooga badsadaan la falgalka dhacdooyinka?

Waa maxay sababta ayna u xiisayn siyaasadda iyo dhaqaalaha?

Dumarku maxay ragga uga jacaylyahansan yihiin?

Maxay u xiiseeyaan faahfaahinta arrimaha aan sii ridnayn?

Dumarku maxay u daneeyaan arrimaha dadka kale?

Dumarku waqtiyada qaar maxay u caadifad hadlaan?

Dumarku maxay u jecelyihiin ka bixbixidda guryaha?

Dumarku maxay uga xasaasisan yihiin ragga?

Marka aynu isku raacayno meel, maxay u habsaamaan?

Maxaa isku diray dumarka iyo ilaalinta ballamaha?

Waxaa suurtaggal ah in aad hore isku weyddiisay sababta, ama aad hadda ku baraarugtay inuu jiro kala duwanaanshahani, isla jeerkaasna aanad hore dan uga geli jirin adiga oo si maalinle ah ula noolaa xaaladdan iyo kuwo la mid ah.

Mar kale aan ku weyddiiyo su’aalahan: Wali ma ku mashquuliyay arrin? Ma fadhiisatay meel cidlo ah adigoo rogrogaya, raadinayana xal aad ku maarayso. Ma kuu timid xaaskaaga oo doonaysa in aad uga warranto shayga ka guuxaya maskaxdaada? Ilbiriqsigan, haddii lagu kala dooransiin lahaa in aad hadasho iyo in aad fuusho figta sare ee buurta Everest’ “Waa buurta ugu dheer adduunka Dhererkeeda waxa lagu qiyaasaa in ay 8848M ka sarrayso badda,Waa buur ka mid ah silsilad-buureedka Himilaayo oo ku yaalla xuduudaha Jayna, Nibal iyo woqooyiga Hindiya” runtii waxaad dooran lahayd in aad fuusho figta sare ee buurtan!

Adiga iyo gacaladaadu wali ma wada daawateen filin, kaddibna xaaskaagu ma ka ilmaysay dhimashada mid ka mid ah labadii jilaa, ama ma ilmaysay markay laabta isgeliyeen; halka aanad adigu isku lurin wixii dhacayay oo dhan!

Habeen ma ku dhafarteen falanqaynta siyaasadda, dhaqaalaha iyo kubadda cagta? Ma dareentay in aanay dumarku laba socon sheekadiinna? Haddaba, markii la soo hadalqaaday arooska hebla, qiimadhimista suuq hebel iyo midabbada alaabta sannadka, ma aragtay dumarkii oo soo wada jeedsaday?

Ma ku soo martay munaasibad ayna ooridaadu ku siin hadiyad? Ma hilmaamtay maalinkeedii in aad guddoonsiiso hadiyad? Sow kuma ay canaanan!

Ma casho tagtay keligaa? Markii aad soo noqotay, xaaskaagu kedis ma kaaga dhigtay weyddiimo aan kugu soo dhicin waligaa Runtii ma xusuusan kartid maradii saarnayd miiska, waad cashay-say oo marna ma aad filayn inay ku weyddiinayso: ma habaysnaa weelkii cashadu? Haddii ay wax kaa weyddiiso koobkii sharaabku ku jiray, waxaa suurtaggal ah in aanad waxba ka xusuusan! Docda kale, ma sii xusuusatid dharkii, kabihii iyo saacaddii saaxiibkaa. Waxaan kuugu dhaaranayaa hadday kula socon lahayd, in ay kaaga warrami lahayd waxyaabihii ay ku weyddiisay iyo kuwo kale oo badan oo aanay kula soo hadalqaadinba!

Ma u sheegtay xaaska dhib ku dhacay saaxiibkaa? Inyar kaddib ma kugu soo noqotay oo ma ku weyddiisay sababta!

Weli ma idinku dhacday mushkiladi? Ma la yaabtay mawqifka xaaskaaga ee ku dhisan caadifadda? Dabadeeto ma isweyddiisay gabadhii garaadka, diinta iyo wacyigaba lahayd ee ka baaraandegi jirtay arrimaha caynkana, maxaa ka siya? Waa amakaag ee sababma ayay ugu muuqataa sidii sindheer lix iyo toban jir ah?!

Ma qorshayseen in aad israacdaan? Waqti badan ma ku lumay isdiyaarinteeda? Waxaad ka xanaaqsan tahay habsankeeda, balse iyadu warkaaba ma hayso! Muran ka ma jiro in aad qirtay jiritaanka arrimahan.

Run ahaantii, xaaladahan waxaa la kulma ragga caalamka oo dhan.

a muslim family

Saaxiibkayow, dumar waa dumar uun! Si kasta oo ay ugu kala duwan yihiin dhaqanka, dhaqaalaha iyo dhanka bulshada, waxa jira dhufsanayare ay wadagaan, waana dheddignnimada! Ragguna wax badan kama duwana oo shay baa mideeya, haddii aad doontana dheh waxa jira koox dhaqammo ah oo laga helayo nin kasta haba innagu kala bataane! Waxa kugu waajiba inaad ogaato inay dumarku innagaga duwan yihiin dabeecadda, habkay u muujiyaan dareenka, waxyaabaha ay xiiseeyaan, arrimahay ka helaan maada iyo kuway ka caroodaan! Guud ahaan, dhibaatooyinka ka dhex dhaca labada jinsi jaad kasta oo ay yihiin- waxa sal u ah fahandarrada baahsan ee ka haysata kala duwanaanshahan. Waxaynu ka doonaynaa dumarka in ay ula falgalaan dhacdooyinka nolosha sida aynu ula falgalno oo kale. Waxaynu ka doonaynaa in ay wax u dareemaan sideenna oo kale. Waxaynu ka doonnaa in ay arrimaha qaar u fuday-dsadaan sideenna oo kale, kuwo kalena ay siiyaan mudnaan gaar ah.

Dumarku waxay innaga doonayaan sidan oo kale: in aynu isku dareen noqonno, arrimaha qaar in aynaan mudnaan siin, kuwo kalena aynu nafta dul dhigno oo aynu huwino maamuus gaar ah!

Waxaad iswayddiinaysaa: maxaa xal ah? Sowdigan na keenay irrid awdan! Arrinku sidaad moodayso ma aha, xalkuna wuxuu ku jiraa in aynu fahanno kala duwanaan-shahan, in aynu hoos ugu dhaadhacno runta iyo in aynu xidhiidhkan xoojinno halkii aynu ka xannibi lahayn. Jacaylku waa shay qurux badan, waana dhulka ugu bilicsan, uguna adag ee kulmiya lammaane, balse keligii kuma filna inuu guulaysto xidhiidhkani; waayo jacaylka dhasha labada dhinac oo is-hayaa, wuxuu halis ugu jiraa in uu burburo. Jacaylku siduu u dhasho ayaa uu u dhintaa, waanu sii koraa oo kaalingalaa maalinba maalinka ka dambeeya haddii aynu baranno hababka loo kordhiyo. Arrinkanina ma dhacayo, haddii aynaan meel isla dhigin dhabnimada qodobkan innaga oo si joogto ah u kormeerayna.

Waa suure in ay kugu soo dhacday wayddiintani: halkee baa uu salka ku hayaa khilaafkani? Inanka iyo inantuba guri keliya ayay ku dhashaan oo waa isku barbaarin iyo isku dhaqaale, diin qurana way haystaan, waxaana saameeya hiddaha iyo dhaqanka bulshada. Amminka ay koraan, inantu dumarkay ku biirtaa, wiilkuna ragguu raacaa. Kolkay heerkan marayaan waxa suure ah in aad dareento kala duwanaanshaha dhinacyada: dareenka, danaynta, habfekerka iyo dareen-muujinta. Haddaba, barbaarinta, dhaqanka, diinta iyo heerarka dhaqan-dhaqaale ee bulshadu in kastooy saamayn baaxad leh ku leeyihiin qaabsamaysanka shakhsiyadda qofka, haddana shaqo kuma laha kala duwanaanshahan oo ka soo unkama dhala-shadoodii. Haa, waxaynu dhalannaa innaga oo kala feker iyo dareenba ah; dookhna ma lihin ee waa shay u noqda asalkii abuurt!

download (6)

Asalkii Abuurka!

“Sida qura ee lagu fahmi karo mawduuca kala duwanaanshaha labada jinsi waa in loo noqdo asalkii abuurka insaanka!”

Eebbe SWT, wuxuu doonay in la dego meerahan aynu ku nool nahay, waana sidii dhacday oo dhoobo ayaa uu ka uumay humaag dad oo uu ku farayaraystay, kaddibna wuxuu ku afuufay ruux. Aadan oo bashar dhammaystiran ah ayaa istaagay, ha ahaatee muxuu qaban karaa keligii? Sidee buu u cammirayaa meerahan ballaaran ee la dhex dejiyay? Qaabkee ayuu u dhalidoonaa ubadkii ka dhaxli lahaa xilkan ee sii ambqaadi lahaa ujeeddadii loo abuuray? Xaawa waa la ma huraan; sidaas awgeed ayuu Eebbe u faray abuurkeeda!

Rabbiga ogaalka badan baa doonay inuu hooyo Xaawa u abuuro qaab ka duwan habkii uu u abuuray aabbe Aadan CS.

Amminkii uu seexday Aadan CS, ayuu Alle ka qaaday feer u dhow qalbigiisa, waxaanu ka uumay Xaawa.

Eebbe wuu awooday in uu Xaawa ka uumo ciid sooc ah, balse wuxuu doorbiday in uu iyada iyo saygeeda ka dhexaysiiyo xidhiidh xooggan; waayo way wada jirayaan intay nololi jirtaba. Eebbe, Xaawa wuxuu uga uumay feerta Aadan; si uu u dareemo mar walba in ay tahay qaybtiisii, si uu u ilaaliyo, si uu ugu baqo sida xubnaha jirkiisa oo kale, iyo si ay Xaawa u dareento in ay ugu abtirsato Aadan siday laantu ugu abtirsato geedkeeda, kaas oo kolka laga gooyo ay qalasho, kaddib-na dhimato. Waxa kale oo ka mid ah xikmadahan in ay Xaawa ugu boholyowdo Aadan sida uu faracu ugu xiiso asalkiisa!

Waxaad iswayddiinaysaa: sidee ayay abuurku u raacaysaa kala duwanaanshaha labka iyo dheddigga? Waa wayddiin waqtigeedii joogta ee i yar amaahi garaadkaaga.  Aadan waxaa laga abuuray ciidda oo ah halka uu ka biqlo geedku iyo hooyada wax soosaarka. Sidaas awgeed, nooluhu wuxuu hidde iyo dhaqan raacaa asalkiisii.

Raggu waxay ku nafisaan wax soosaarka oo waxay jecel yihiin shaqada, waxqabadka, guusha iyo u garabsiiyo dumarka; sidaa darteed ayay u dhibsadaan in ay iska dhex fadhiyaan guryaha oo ay caawiyaan dumarka; waayo waa dhaqan lid ku ah abuurkooda! Dhanka kale, Xaawa waxaa laga abuuray Aadan oo xidhiidh weyn la leh ciidda, awooddiisa waxsoosaarna ay ka xooggan tahay teeda. Laakiin, marka la is barbardhigo Xaawa iyo ciidda, Xaawa waa farac labaad, wax soosaarkeeduna wuu ka yaraanayaa ka Aadan! Metelan gabadhu dhib uma aragto in ay fadhido guriga iyada oo ku mashquulsan hawlaheeda, biilka qoyskana uu bixiyo ninkeedu isaga oo ilaalinaya sharafteeda, ulana dhaqmaya si fiican.

Hadda ma aragtaa ilaa heerka uu ina raacaayo asalkii abuurku? Dhanka kale, ciiddii laga uumay Aadan way adag tahay oo waxay u baahan tahay waxqabad iyo shaqo. Miro ayaad ku beertaa, biyo ayaad waraabisaa, muddo kaddibna firi ayay soo saartaa. Ciiddu waxay ku shaqaysaa isle’eg sugan oo ilaa xad macquul ah, jirkan Aadan ee laga abuuray Xaawana aad ayaa uu uga debacsan yahay ciidda. Sidaa darteed, ayay gabadhu abuur ahaan uga jilicsan tahay ninka! Maaddaama gabadha laga abuuray qalbiga agtiisa, layaab ma laha in ay ka caadifad badato ninka oo laga uumay ciidda! Warkii badnaa ee aynu soo xusnay, ka dheeho aayaddan Qur’aanka ah:

هُوَ الَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ وَاحِدَةٍ وَجَعَلَ مِنْهَا زَوْجَهَا ﴾ الأعراف: ۱۸۹)

“Illaahay, waa ka idinka abuuray naf qura, taas oo uu ka sii abuuray lammaanaheeda.”

Alle, wuxuu innaga abuuray Aadan CS, naftiisana wuxuu ka sii uumay xaaskiisa Xaawa. Habkan kala geddisan ee uu u abuuray, ayaa sababaya kala duwanaanshahan aynu aragno ee aynu la nool nahay. Sidaas awgeed, waxa muhim ah in aynu fahanno abuurkan, halkii aynu kala loollami lahaynna, aynu kala dhaqanno si aynaan iskugu dhicin! Marka kasta oo aad aragto kala duwanaanshahan, waa mar walba oo aad dareento in aanay kuu ekayn xaaskaagu. Waqti kasta oo aad aragto xaaskaaga oo ka ooyaysa dhacdo fudud, xilli walba oo aad aragto iyadoo ku faraxsan waxaan sii buurnayn, ammin kasta oo aad dareento hadal badnaanteeda, mar kasta oo aad aragto iyadoo raadinaysa faahfaahin dheeri ah, mar kasta oo ay kaa codsato danayn, kol walba oo aad aragto xaaskaagoo lacagta ka jecel shaqada, xusuusnow casharka ugu muhiimsan nolosha: Ciid baa lagaa abuuray, iyana adiga ayaa lagaa sii abuuray!

Fadlan lawadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *