3

Maxay ka dhaheen Wakhtiga Qur’aanka Iyo Sunnada

Ilaahay wax uu bixiyo aadamahana ugu deeqo waxa ugu qiimaha badani inuu yahay wakhtiga waxa innoo caddaynaya inta jeer ee Ilaahay S.W.T uu ku dhaartay wakhtiga. Haddii kitaabka qur’aanka ah aad ka baarto inta jeer ee uu Ilaahay ku dhaartay wakhtiga, waxa aad ka helaysaa aayado badan oo uu Ilaahay ku dhaaranaayo wakhtiga, taasina waxay markhaati u tahay, oo ay innoo muujinaysaa Ilaahay agtiisa qiimuha uu wakhtigu ku leeyahay.

Wakhtigu waa waxa naar kaa badbaadiya jannana sabab kuugu noqda, haddii aad ka faa’ïidaysato intaad nooshahay oo aad Ilaahay ku addeecdo kuna caabuddo. Wakhtigu waa waxa sabab u noqon karaa inaad noqoto aqoonyahan aduunka inta uu joogo asaaggii ka mudnaada, cilmigiisa iyo aqoontiisana la mahadiyo

Wakhtiga oo aad dayacdaa wuxuu sababi karaa dullinimo aad ku waarto inta xusulkaa xabaal ka sarreeyo iyo hoog aakhira kugu suga oo aad ka harsan waydo maalinta qiyaamaha ee ah maalinta ay gaaladu si dhab ah uga qoomamoon doonaan wakhtigii ay adduunyada ku soo ku loofareen.

Guusheenna iyo guul-darradeennuba maadaama ay ku xiran yihiin kolba sida aynu wakhtiga ka yeelno, waxa lagama maarmaan ila noqotay inaan halkan ku soo ururiyo xog ka warramaysa ka faa’ïidaysiga wakhtiga.

1

Maxay ka yiraahdeen wakhtiga Qur’aanka iyo Sunnadu?

Muxuu Qur’aanka kayiri Wakhtiga?

waxa aynu soo qaadan doonnaa aayadaha qur’aanka ah ee uu Ilaahays..w ugu manno-sheeganayo addoomihiisa haddii aad aayadahaas raad-raacdo, waxa aad arkaysaa in Alle innoogu manno-sheegtay inuu inoo sakhirey wabiyada, badaha, cadceedda, dayaxa, habeenka iyo maalinta.

Waxa kujira Habeenkan iyo maalintan laynoogu manna-sheeganayo ayaa ah wakhtiga aynnu ka warramayno,Manno-sheegashadaasina waxay caddaynaysaa markhaati u tahay qiimaha wakhtigu leeyahay Sidoo kale, wakhtigu qiimuhuu leeyahay waxaad dareemi kartaa marka aad aragto iyada oo Alle uu ku dhaaranaayo. Waxa uu Alle ku dhaartay: habeenka, maalinta, waabariga, subaxa, barqada iyo qorrax-dhaca.

قَالَ تَعَالَى: ﴿ وَسَخَّرَ لَكُمُ الَّيْلَ وَالنَّهَارَ وَالشَّمْسَ وَالْقَمَرَ وَالنُّجُومُ مُسَخَّرَاتٌ بِأَمْرِةِ إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لِقَوْمٍ يَعْقِلُونَ ﴾ النحل : ١٢

“Waxaan idiin laylinay habeenka iyo maalinta, cadceedda iyo dayaxa, xiddiguhuna waxay ku laylyan yihiin amarkiisa, arintaasna calaamooyinbaa ugu sugan ciddii wax kasaysa” Suuratu al-Naxli aayada 12aad.

aa1ab0bf8d4d58d8a3c4ff2b426740fb

 

Sidoo kale wuxuu Alle yiri:

قَالَ تَعَالَى: ﴿وَجَعَلْنَا الَّيْلَ وَالنَّهَارَ ءَايَتَيْنِ ) الإسراء : 12

“Waxaannu ka yeellay habeenka iyo maalinta laba calaamadood” Suuratu Israa aayadda 12aad.

Aayadaha uu Alle innoogu manno-sheegtay intan oo kaliya kuma koobna e, way ka badan yihiin hayeeshee haddaynnu labadaa aayadood ku kaaftoonno, bal markan aynu u gudubno aayadaha ka warramaaya wakhtiga siduu Alle ugu dhaartay:

قَالَ تَعَالَى: ﴿وَالَّيْلِ إِذَا يَغْشَى ) الليل: 1

“Waxaan ku dhaartay habeenku markuu wax daboolo iyo markay maalintu muuqato (ifto)” suuratu al-Layl aayadaha 1-2

قَالَ تَعَالَى: ﴿ وَالَّيْلِ إِذْ أَدْبَرَ ) المدثر : ٣٣

“Waxaan ku dhaartay habeenku markuu jeesto iyo subaxdu markay iftiinto” suuratu Muddasir aayadaha 33-34

قَالَ تَعَالَى: ﴿ فَلَا أُقْسِمُ بِالشَّفَقِ ﴾ الانشقاق: ١٦

“Waxaan ku dhaartay midabka qorrax dhaca iyo habeenka iyo wuxuu qariyo’ suuratu Inshiqaaq aaydaha 16-17

قَالَ تَعَالَى: ﴿ وَالضُّحَى وَالَّيْلِ إِذَا سَجَى ) الضحى: 1-2

“Alle wuxuu ku dhaartay barqinka iyo habeenku markuu xasilo”suuratu Duxaa(1-2)

33

Maxay sunnada rasuulku ka tiri wakhtiga?

Nabi Muxamed Ν.Ν.Κ.Η isagana sunnadiisu waxay innoo balballaarisay qiimaha uu wakhtigu leeyahay iyo waxtarkiisa, markhaati wax laga dhigto oo xujo ahaan loo cuskadana waxaa ugu mudan, labada waxyi waa qur’aanka iyo sunnada rasuulka.

wuxuu yiri nabiguNN.KH,

نعمتان مغبون فيهما كثير من الناس الصحة والفراغ)    

“Laba nimco way moogan yihiin dadka intooda badani waa caafimaadka iyo kanshada(jaaniska)”.

Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee, waxa uu nabigu maalin maalmaha ka mid ah la dardaarmay nin saxaabadiisa ka mid ahaa, isaga oo ku waaniyay nasteexo aad u qaali ah.

Haddaba, taladii nabiguna waatan ee si fiican u dhugo, waxaanad ogaataa ninkaa uu nabigu waaninaayay siduu talada nabiga ugu baahnaa si la mid ah inaad adna ugu baahan tahay, xadiiskiina waa kan:

عن ابن عباس رضي الله عنهما قال : قال رسو الله صلى الله عليه وسلم

الرجل وهو يعظه : إغتنم خمسا قبل خمس ، شبابك قبل هرمك ، وصحتك قبل

سقمك، وغناءك قبل فقرك ، وفراغك قبل شغلك، وحياتك قبل موتك.

Ibnu cabbaas waxaa laga wariyay inuu yiri: Wuxuu yiri nabiguN.N.KH isaga oo nin waaninaaya; Ka faa’iidayso shan, shan kale hortood; dhallinyaranimadaada ka faa’iidayso gabaw hortii, caafimaadkaagana ka faa’iidayso cudur hortii, hodantinimadaada ka faa’iidayso saboolnimo horteed, fursaddaada ka faa’iidayso mashquul hortii, noloshaadana ka faa’ïidayso geeri horteed.

Bal waxaad u fiirsataa xadiiskan kale ee uu nabigu kaga warramaayo addoomaha dhamaantood, maalinta qiyaamaha su’aalaha la waydiin doono iyo imtaxaanka aan qofna ka baxsan doonin wuxuu yiri nabiga

لا تزول قدما عبد يوم القيامة حتى يسأل عن أربع عن عمره فيما أفناه وعن شبابه فيما أبلاه وعن علمه ماذا عمل به وعن ماله من أين إكتسبه وفيما أنفقه

“Kama dhaqaaqayaan gommadaha addoonku Ilaahay hortiisa maalinta qiyaamaha illaa oo la waydiiyo afar arrimood: da’diisii wuxuu ku dhameeyay iyo dhallinyaranimadiisii wuxuu ku duugeeyay iyo cilmigiisii wuxuu kaga camal falay iyo hantidiisa meeshii uu ka keenay iyo wixii uu ku bixiyay.”

Waqtiga waa waxyaabaha maalinta qiyaamaha layna waydiin doono, wax ay su’aashiisu laba jeer soo noqonayso waxaa jira wakhtiga oo kaliya Mar waxaa layna su’aalayaa cimrigeennii guud ahaan, marna waxaa si gaar ah laynoo su’aali doonaa wakhtigii dhalinyaranimada Waxa kale oo halkan la innoogu caddeeyay qiimaha ay dhallinyaranimadu leedahay, waayo cimriga intiisa kale iyada waa laga gaar yeelayaa, oo si gooni ah ayaa iyada la isku su’aalayaa Haddaba, halkaa waxaa ka cad wakhtigu qiimuhuu leeyahay maadaama oo ay laba jeer su’aashiisi soo noqoneyso.

Fadlan lawadaag Asxaabtaada
3 thought on “Maxay ka dhaheen Wakhtiga Qur’aanka iyo Sunnadu?”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *